Somaliland: Qaran Daryeelay Ciidamadiisa. W/Q: Mustafe Cabdiraxman‏

0
716
????????????????????????????????????

Ciidanka qaranka ee Somaliland oo shalay madaxweynuhu ku booqday taliska miiska saraakiisha ayaan aad ula dhacay qaabka loo habeeyey iyo waliba sida looga shaqeeyey gudaha taliska miiska saraakiisha oo wax badan laga badalay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah astaanta qaranka ee lagu majeertay waxqabad la taaban karo ayaa kaalin muuqata ama gashi badan galiyey dib u dhiska ciidanka qaranka guud ahaan, haddii ay noqon lahayd Milatari iyo Booliis labadaba.

Somaliland tan iyo markii ay noqotay dawlad jirta oo da’a ahaana ay ugu buuxdo 25 sano oo bilaw ah may dhicin in ciidan qaran ama goob ciidan degan yahay laga sameeyo xarun jimicsi oo lagu ciyaaro nooc ka mid ah ciyaaraha kubadda, gaar ahaana ciyaarta laliska ee loo yaqaano kubada kolayga.

Madaxweynaha iyo taliyaha guud ee ciidanka qaranka ayaa lagu majeeran doonaa kaalinta ay ka ciyaareen kor u qaadka tayadda ciidanka Somaliland, iyadoo intaa lagu dari karo waxqabadka muuqda ee ay ka qabteen dugsiyada lagu tabobaro ciidanka qaranka ee kala duwan oo soo saaraa ciidan lagu kalsoon yahay oo lagu soo hiran karo.

Shacabka Somaliland ee anu ka midk nahay aad bay ula dhaceen mudane, madaxweyne dhiirigelinta ciidankeena hadh iyo habeen u diyaarka ah ilaalinta danta shacabka iyo amaanka nabad galyada guud ee Somaliland.

Markii madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka qabtay wuxuu ahmiyad gaar ah siiyey ciidamada oo uu sheegay inuu mushaharka u kordhinaayo, isla markaana darjooyin ku taxaayo, labadaasi waxay noqdeen kuwo meel mariyey oo sidooda loo fuliyey, ilaahay mahadi haka gaadho.

Ujeedada guud ee uu ka leeyahay madaxweynuhu arrintaas waxa weeye in la helo ciidan aan lahayn balwad oo ka shaqeeya caafimaadkooga iyo qaabkii jidhooda loo dhisi lahaa. Maanta ayuunba tuubtiii qiimaynta ciidanka cagta la saaray, waana in geedi halkaa laga sii wadaa.

Qalinkii: Mustafe Cabdiraxmaan

Cmustafe99@gmail.com