Safarka Madaxweynaha iyo Doorka Horumarka Dalka Ee Imaaraadka Carabta

0
371

Safarka Madaxweynaha iyo Doorka Horumarka Dalka Ee Imaaraadka Carabta.

Hargeysa(Warsugannews)Safarka madaxweye Axmed Siilaanyo uu ku jooga wadanka Imaaraadka Carabtu wuxuu noqday halhayska sanadkan 2016-ka, waxana dareeno isku mida kaga dareen celiyey bulshooyinka ku kulma baraha bulshada.

Somaliland 25 sano kadib waxay xidhiidh la odhan karo wuxu qaaday jidkii taabo galka la yeelatay dawladaha carabta, gaar ahaana Imaaraadka oo ah sayldaha aduunka. Safarkan ugu danbeeyey ee madaxweynuhu wuxuu kor u qaaday hamiga loo qabo inuu sare u kaco kaabayaasha dhaqaale ee dalku, gaar ahaan dekada Bebrera oo xiligan ah mid u dihin beesha caalamka.

Mashruuca horumarinta dekada Bebrera iyo dhismaha laamiga isku xidha Itoobiya iyo Somaliland wuxuu noqon doonaa laf dhabar dhaqaale oo Somaliland u sahla adeegyo badan, isla markaana soo kordhiya horusocda dhanka Dekada ah.
Dhanka beeraha iyo kor u qaadista maamul wanaagu waa shay lagu garto qaran tashaday oo cagta saaray dhabaha dawladnimo, mashruuca uu madaxweyuhu kala hadlay imaaraadka Carabta ee ah in wax laga qabto beeraha waa arrin muhiimadeeda leh iyadoo u baahan in qalbiga loo furo, waxana ay noloshada bulshada Somliland ku xidhan tahay inta badan xoolaha nool iyo dalaga beeraha. Beeraha oo la xoojiyo waa horumarka dalka oo sare loo qaaday.

Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waxaa u furmay albaab cusub oo la kawsaday 2016-ka, iyada oo la odhan karo xidhiidhadii hore waxay noqdeen caano kula dage, marka loo eego halka maanta xaalku marayo. Madaxweynaha iyo qaranka Somaliland waxaa la gudboon garaacista albaabada carabta oo awal inaga xidhnaa.

Gabogabadii waxaan odhan lahaa fulinta qodobadaasi waxay noqon doonaan kuwo deg deg loo qabto marka laga eegayo baahida dadka reer Somaliland ee ah inay helaan horumar xawli ah. Waxaana ku bogaadinayaa talabadaas madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo.