Kooxaha Wargeyska Warsugan Iyo City Studio Oo Ciyaar Sagootis Ah U Qabtay Ciyaar yahan Cumar-khadar Yuusuf Xaashi Oo Dalka Norway U Ambabaxay
Warsugan(Sports) Ciyaar Xiiso Badan oo dhex martay kooxaha Wargeyska Warsugan Media Group iyo Koox ku ciyaaraysay Garoonka Kubadda Cagta ee City Studio, ayaa shalay (Jimcihii) ku dhex martay garoonka City, taasoo ahayd ciyaar raaligelisay dhamaan taageerayaashii daawashada u yimid garoonka, ka dib markii ay labada dhinac soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan, oo weerar iyo weerar celis ah waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay 0:0, markii laysku soo noqdayna waxa hal gool guushu ku raacday kooxda wargeyska warsugan goolkaas oo uu dhaliyey Cumar-khadar oo isagu ahaa ciyaar yahankii loo qabtay ciyaarta ayaa noqday hogaamiyihii ciyaartana isagoo dhaliyey gool cajiiba oo soo jiitay indhaha taageerayaasha. Waxa iyana Ciyaarta si weyn uga dhex muuqday ruug caddaaga caanka ku ah taakulada iyo dhiirigelinta da’a yarta dalka Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi) iyo Wiil da’a yar oo uu dhalay laguna magacaabo Cabdiraxman Mubaarik Yusuf oo isna wacdaro ka dhigay garoonka ka dib markii ay si weyn isula jaan heleen aabihii oo ay u wada ciyaarayeen kooxda City Studio.
Cumar-khadar waxa uu ka mid yahay da’a yarta ku dhaqan qurbaha ee sanad walba dalka u yimaada dhiirigelinta da’a yarta soo koraysa ee kubada cagta isagoo inta badan ka ciyaaraha waddamada yurub, kana mida dadkii ugu horeeyey ee hindisa garoomada casriga ah inay hesho caasimada Hargeysi, kaas oo wakhtigan guul laga joogo marka aad aragto wakhti walba oo ay garoomadaasi ka socdaan ciyaaro xiiso leh oo soo nooleeyey rajadii is dhexgalka bulshada gaar ahaan kuwa kubadda ciyaara ee ku dhaqan gobolada iyo xaafadaha.