Burco: Qiiimaha Saxaradda Tamaandhada Oo Gaadhay $ 80 Doollar iyo Suuqyadda Hargeysa Oo laga Dareemayo Korodhka Qiimaha Khudaarta

0
458

Burco: Qiiimaha Saxaradda Tamaandhada Oo Gaadhay $ 80 Doollar iyo Suuqyadda Hargeysa Oo laga Dareemayo Korodhka Qiimaha Khudaarta

“Saxaradda baradhada ahi waa konton ($50), basashu waa konton doolar ($50), kiiloga qajiga ah ayaa laabtan maraya (20,000 Sl)” Hooyo Khudrada Iibisa
Burco ( Warsugan) Khudrada loo isticmaalo maalinlaha ee lagu iibiyo suuqyada magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa cirka isku shareertay dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.

Ganacsata suuqa khudaarat ee magaaladda Burco oo qaar ka mid ahi ay warbaahinta la hadleen ayaa muujiyey cabasho xoogan iyaga oo wasaarada beeraha ee Somaliland u soo jeediyey in dhulka tacab la galiyo isla markaan la maalgeliyo beerlayadda wadanka.

Qiimaha kiishka xabuubta ah ayaa magaaladda Burco ka maraya lacag u dhiginta $ 80 Doolar, halka basasha iyo baradhaduna ay gaadheen konton doolar ($50).

“Khudrada waxa aan ku idhi shayba shay ka daran oo ka qaalisan keeska xabuubta ahi waa sideetan doolar ($80), gadbada baradhada ahi waa konton ($50), basashu waa konton doolar ($50), kiiloga qajiga ah ayaa laabtan maraya (20,000 Sl), kiiloga liinta ahi waa labaatan laan ah (20,000)” Sidaasi waxaa tidhi mid ka mida haweenka magaaladda Burco ku nool ee ka ganacsada iibinta khudaarta.

Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay wasaaradda beeraha u soo jeedisay “Wasiirka wasaaradda beeraha waxa aanu u soo jeedinaynaa inuu wadanka hoos u eego oo tacab la galiyo oo maatada hoos loo eego. In dalkeena la maalgeliyo ayaan u sheegaynaa wasaaradda beeraha oo ay dhaqaale bixiso oo dadka masaakinta ah wax siiso oo hoos loo eego, Itoobiya ayaa ina haysata oo Itoobiya lacagteeni jaad iyo khudrad ayey ku xarootay”

Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa ah mid aan ka dhicin dhanka qiimaha khudaarta magaaladda Burco, waxana aad u kacay qiimaha khudaarta kala duwan.

Xigasho Wargeyska Warsugan