Faallo: Turkey-gu Wuxuu Garwaaq-saday Geesinimadda Shicibka Somaliland Bahada Warsugan

0
632

Faallo: Turkey-gu Wuxuu Garwaaq-saday Geesinimadda Shicibka Somaliland
Bahada Warsugan

Hargeysa ( Warsugan) Somaliland iyo Turkey-ga mudooyinkii u danbeeyey dhanka siyaasadda waxa ay noqdeen labo aan kala fogayn marka la barbar dhigo xidhiidhka dublomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka qaaradda Afrika, gaar ahaana Geeska Afrika.
Siyaasaddaha is wada ee adduunyaddu inta badan dhex dhigto wadamadda isku haya arrimaha masiiriga ah waxa ay keenaan xidhiidho ka dhex dilaaca dan wadayaasha iyo dan loo wadayaasha, waxa ka soo baxa xidhiidho laga filan karo diidmo (Negative) iyo kuwo kale oo soo dhawayn ah (Positive). Xidhiidhadaasi waa kuwa laga dheefi haddii ay u dhacaan sida quman arrimo taban oo keena isku soo dhawaansho mug leh.

Dawladda Turkey-gu markii ay la soo wareegtay fidinta gogosha wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya waxa soo baxay dano badan oo ka dhex abuurmay labada dhinaca (Turkey iyo Somaliland) oo gaadhay heer laga wada hadlo dhaqaale abuur iyo xidhiidh qota dheeraada.

Turkey-gu waxa uu Somaliland u ogolaaday in jinsiyadda (passport) Somaliland lagu geli karo wadankiisa, iyadda oo dal ku galka laga qaadanayo safaaradiisa uu ku leeyahay dalka. Arrinta soo dhawaynta ah ayaa dabooli doonta culays saarnaa isku socodka labada dal gaar ahaan arrimaha caafimaadka oo hore loogu xidhay jiray waraaqaha caafimaadka in loo doonto Soomaaliya, isla markaana lagu sadcaalo jinsiyadda Soomaaliya.

Albaabka cusub ee u furmay shacabka Somaliland waxa uu ku yimi samir iyo dadaal dheeraad ah oo ay badi kaga maarmeen arrimaha caafimaadka Turkeyga wadamo kale oo Somaliland la leedahay xidhiidho caalami ah, waase talaabo soo raagtay oo wakhtigan ku soo beegan tahay. Geesinimadda shicibka reer Somaliland kama dhaco jawaabtii shicibka Turkey-gu kaga jawaabay inqilaabkii dhicisoobay ee Recep Tayyip Erdoğan la doonayey in xilka lagaga tuuro.

Xigasho Wargeyska Warsugan