Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay Sababta Ay Sanadkan Faraha Uga Laabatay Deeqaha Waxbarasho Ee Jaamacaddaha Dalku Siiyaan Ardayda Danyarta Ah

0
459

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay Sababta Ay Sanadkan Faraha Uga Laabatay Deeqaha Waxbarasho Ee Jaamacaddaha Dalku Siiyaan Ardayda Danyarta Ah

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in loo soo gudbiyay kumanaan codsi oo lagu dalbanayo deeqaha waxbarasho ee Jaamacaddaha Maxalliga ahi siiyaan dadka dan yarta ah. Wasaaradda ayaa sheegtay inay fahansan yihiin in dad badan oo iska bixin kara lacagaha jaamacadduhu doonayaan boosaska loogu talo galay dadka danyarta ah ee aan tahlayn lacagaha ardayda laga qaado. Wasaaraddu waxay gabi ahaanba sanadkan joojisay araajida lagu waydiistay deeqahaasi.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Prof Cabdi Cali Jaamac oo xilkaasi muddo kooban hayay ayaa sheegay inaanay wasaaradda u diyaarsanayn farsamo lagu kala ogaan karo cidda u qalanta deeqda waxbarasho ee Jaamacadduhu bixiyaan, sidaasi darteedna ay sanadkan jaamacaddaha awood u siiyeen in jaamacad kastaa ciddii ay u aragto inaanay lacagta iska bixin karayn siiyaan deeqda waxbarasho.

Prof. Cabdi Cali Jaamac, wuxuu sheegay inay araajida ku arkeen dad iska ladan oo dalbanaya fursadaha loo qoondeeyay ardayda aan lacagta iska bixin Karin “Waxaa la hakiyay ama jaamacaddaha loo daadajiyay deeqdii waxbarasho ee waddankeena.Wasaaradda waxbarashadu dadka ay u aragto Sabool ama inaanay tahli karayn iska bixinta lacagta ardayda lagaga qaado jaamacaddaha ayay ku qor-qori jirtay jaamacaddaha Waddanka mid walba intay qaadi karayso,” ayuu yidhi agaasimuhu.

Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay in wasaaraddu hawshaa hakisay sanad dugsiyeedkan “ Wasaaraddu hawshaa way hakisay sanad dugsiyeedkan 2016-2017, sababtuna waxa weeye dad fara badan baa soo codsaday, wasaaraddii kumanaan araaji ah ayaa la keenay oo sida daadka ayaa nala qarqiyay, waxaad arkaysaa dad badan oo Ladan(Hanti haysta) oo meeshii ordaya, waxana waxa loogu talo galay dadka aan awoodayn,” ayuu yidh Agaasime Cabdi Cali.

Waxa uu sheegay in badashada araajida iyo boosaska kooban darteed ay arrintaas faraha ka qaadeen “Wasaarad ahaan waxaanu isku qancinay inaanan hayn wakhtigan wixii aanu ku kala saari lahayn dadkan, kii ladnaa iyo kii u baahna ee aanu odhan lahayn kaas baanu siinaye adigu iska tag aanay hadda diyaar noo ahayn, markaa waxaanu nidhi jaamacadduhu waxay awood u leeyihiin in ciddii u qalanta een fiiga iska bixin karayn ay iyagu siiyaan deeqda, sidaas ayaanu Jaamacaddaha ugu daadajinay laakiin, xagga wasaaradda ayaa laga hakiyay,” ayuu yidhi Prof.ku.

Waxa uu intaasi raaciyay inay diyaarinayaan farsamaddii iyo qorshihii wasaaraddu ku kala saari lahayd cidda deeqdaas u qalanta iyo cidda aan u qalmin “Waxaanu bilaabaynaa nidaam iyo qorshe aanu ku kala saarayno dadka soo codsada deeqdan, markaa sanadka dambe wuxuu inoo soo gali anagoo diyaarinay shuruudihii lagu kala saari lahaa qofka u qalma ee baahan iyo kan ladan ee iska bixin karaya,” ayuu yidhi agaasimuhu.

Xigasho Wargeyska Warsugan