Guddoomiye Cirro iyo Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Hadlay Heshiiska Waddani iyo Isbahaysigii Kulmiye Dhex Maray

0
351

Guddoomiye Cirro iyo Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Hadlay Heshiiska Waddani iyo Isbahaysigii Kulmiye Dhex Maray

Hargeysa(Warsugan) Siyaasiyiinta la baxay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka Kulmiye ee hore uga baxay xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa shaaciyay inay xisbiga Waddani la gaadheen heshiis rasmi ah oo nuxurkiisu yahay inay ku biiraan Waddani. Wada hadallo muddo dheer soo socday ayaa shalay la soo gabo gabeeyay, waxaana lagu shaaciyay in xubnahaasi kamid noqon doonaan Waddani.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in taageerada xubnahani guul u tahay Waddani, hase ahaatee sharaxaad kama bixin qodobadda heshiiska. Waxa uu si guud u tilmaamay arrimaha laga heshiiyay “Waa laga heshiiyay awood qaybsiga, waxaa laga heshiiyay mabaadiida guud, waana la soo bandhigi doonaa, mana jecli inaan ka hor dhaco,” ayuu yidhi mudane Cirro.

Geesta kalena Afhayeenka garabka Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay Waddani taageeraan “Dadaal dheer kadib, waxaa la soo gaadhay in la isla gaadho heshiis rasmi ah.heshiiskaas waxay ubucdiisu tahay in garabkii isbahaysiga Kulmiye si rasmi ah ugu biiro xisbiga Waddani, sidaasi darteed waxaanu xubnihii aanu wada hadalka kaga wakiilka ahayn, taageerayaashooda iyo umadda Somaliland ogaysiinaynaa inaanu la midawnay xisbiga Waddani,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Labada dhinac ayaan iftiimin qodobada heshiiskoodu ku salaysan yahay, hase ahaatee wararka laga helayo ayaa tilmaamaya in xubnahaasi saami xooggan ka helayaan hoggaanka xisbiga iyo goleyaashiisa dhexe iyo fulinta.Waxaa la tuhunsan yahay in siyaasiyiintan oo degaanno kala duwan ka soo jeedaa cudud ku biiriyaan Waddani, hase ahaatee waxaa la dhawrayaa shirka golaha dhexe ee Waddani oo maalmaha soo socda ku mudaysan sida loogu hirgaliyo heshiiska labada dhinac.

Xigasho Wargeyska Warsugan