Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobollada Galbeed Oo Iscasilay iyo Sababaha Uu Cuskaday

0
552

Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobollada Galbeed Oo Iscasilay iyo Sababaha Uu Cuskaday

Boorama(Warsugan) Guddoomiyihii Maxakamadda Rafcaanka ee gobollada Awdal iyo Salal Idiris Faarax Muuse ayaa shalay iska casilay xilkaasi. Waxa uu sheegay inuu cabashooyin ka tirsanayo hoggaanka garsoorka oo guddida caddaaladdu ku jirto, hase ahaatee ma sheegin waxay cabashaddiisu salka ku hayso, wuxuuna ku dooday inuu mar kale sharixi doono arrimaha ku kallifay inuu iscasilo.

Guddoomiyaha hore oo isagoo shalay ka sii ambabaxaya Hargeysa, una sii jeeda Boorama telefoonka ugu waramay telefishanka Somnews wuxuu xaqiijiyay iscasilaaddiisa “Xilkii aan u hayay Garsoorka ee ahaa guddoomiyaha maxkamadda Rafcaanka gobollada Awdal iyo Salal waan iska casilay,” ayuu yidhi mudane Idiris.

Mar la waydiiyay waxa ku kallifay iscasilaaddiisa wuxuu ku jawaabay “Waxaa soo dedejiyay iscasilaaddayda dhalliilo fara badan oo ka dhexjira Garsoorka iyo guddida Caddaaladda labadaba, taas oo aan u arkay inaanan wakhtigan la sii shaqayn karrin, markii aan arkay waxyaabaha socda, waxa la rabaana waa in caddaalad laga shaqeeyo,” ayuu yidhi guddoomiyaha hore.
Tabashooyinka uu iftiimiyay guddoomiyaha hore ee Awdal wuxuu ku gaabsaday in marka uu gaadho Boorama sharaxaad ka bixin doono, isagoo ka gaws adaygay inuu xilligan saro arrimaha uu tibaaxay ee Garsoorka iyo guddida Caddaaladda ka khaldan, wuxuu sidoo kale tilmaamay inaanu wali go’aansan ka sii mid ahaanshaha bahda caddaaladda ee dalka iyo in kale.

Dhalliilaha iyo iscasilaadda guddoomiyaha hore ee Racfaanka gobollada Galbeed ayaa imanaysa xilli bulshadu rumaysan tahay in isbedel ka hana qaaday bahda garsoorka, kadib markii isbedel lagu sameeyay hoggaanka loona dhiibay Aadan Xaaji Cali.Maxakamaddaha ayaa arrimo laaluush qaadashadu ka mid tahay meesha ka saaray, sidoo kalena ka garnaqay arrimo bulshada dan u ah iyo muranno siyaasi ah.

Xigasho Wargeyska Warsugan