Xukumadda Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Madasha Wadatashigu Ku Doonayso In Hay’addaha Caalamiga Ah Waddanka Laga Caydhiyo

0
887

Xukumadda Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Madasha Wadatashigu Ku Doonayso In Hay’addaha Caalamiga Ah Waddanka Laga Caydhiyo

Hargeysa(Warsugan) Xukumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay haddallo uga yimid madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, taasi oo ku aadan in waddanka laga saaro hay’addaha caalamiga ah. xukumadda ayaa sheegtay in guud ahaan hay’addaha samafalka iyo kuwa hawlaha kala duwan ka haya Somaliland buuxiyeen nidaamka iyo shuruucda u dejisan Somaliland, islamarkaana aanay jirin sabab loo dareeriyo. Hase ahaatee madasha oo dhawaan shir jaraa’id qabatay ayaa rumaysan inaanay xukumaddu daacad ka ahayn citiraaf raadinta maadaama hay’addaha caalamiga ahi caddaadis lagu saari waayay inay aqbalaan Somaliland
Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta Somaliland Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo shalay u waramayay Suxufi Cabdiraxmaan Fantastic oo ka tirsan Startv, waxa uu sheegay inaanay dalka joogin hay’addo Soomaaliya ka haysta ruqsad, balse ay dhammaantood dalka ku joogaan ogolaanshaha Somaliland iyo buuxinta shuruucda iyo nidaamka dawladnimo ee Somaliland.
“Hay’ad kasta oo dalkan ka diwaan gashan oo ka shaqaysaa waxay haysataa ruqsadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ku shaqaysaa nidaamka iyo shuruucda u dejisan Somaliland, sidaas darteed haba yaratee ma jirto hay’ad dalkan kaga shaqaysa ruqsad ay dal kale ka soo qaadatay, waxaanay buuxiyaan shuruudaha iyo nidaamka Somaliland, waxayna ku diwaan gashan yihiin ruqsad ay Somaliland siisay,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay soo jeedin dhawaan wasiirkii hore ee maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, haddana ka tirsan madasha wadatashigu xukumadda kaga dalbaday inay hay’addaha caalamiga ah dalka ka saarto ama ay aqoonsadaan Somaliland.waxa uu sheegay in dhammaan hawlaha ay hay’addahaasi qabtaan ku soo qaataan magaca Somalia, sidaasina ay ku duudsiyayaan aayo ka tashiga Somaliland ee madaxbannaanida ku dhisan. Waxa uu ku dooday in hay’adduhu dan ku qabaan Somaliland, islamarkaana ay tahay in caddaadis lagu saaro aqbalidda madaxbannaanida Somaliland, haddii kalena waddanka laga caydhiyo.

Xigasho Wargeyska Warsugan