Maayar Cidin “Nin Aan Aabbihii iyo Awoowgii Xoolo Lahaan Jirin dadka Inuu Maago Maaha, Anigu Hantidayda ciddaan doono ayaan ugu Deeqi”

0
450

Maayar Cidin “Nin Aan Aabbihii iyo Awoowgii Xoolo Lahaan Jirin dadka Inuu Maago Maaha, Anigu Hantidayda ciddaan doono ayaan ugu Deeqi”

“Ballanqaadka aan Muuse Biixi u sameeyay, waxaan ka sameeyay gole dhaqan ee ma ahayn gole siyaasadeed”,Cidin

Berbera(Warsugan) Maayarka magaalada Berbera, mudane Cabdishakuur Maxamuud Ciddin, ayaa markii u horaysay saxaafaddu waydiisay Lacag uu musharaxa Kulmiye u ballanqaaday, sidoo kalena waxaa la waydiiyay warar sheegaya in dalal shisheeye danaynayaan isticmaalka Madaarka Berbera, waxaanu arrimahaasi uga jawaabay si ay cadho ka muuqato.

Todobaadadii la soo dhaafay ayaa xisbiyada mucaaradka ahi dhalliileen qorshe Maayarro Mudane Ciddin ka mid yahay oo musharaxa Kulmiye Muuse Biixi u balanqaaday lacag labaatan kun oo dollar lagu sheegay (20,000).sidoo kale baraha bulshada ayaa si weyn loogu naqdiyay in maayarada dalku lacag xaddigaasi leh cid siiyaan iyadoo dayac ka muuqdo magaalooyinka ay maamulaan.
Hase ahaatee Maayar Ciddin, wuxuu sheegay inuu leeyahay hanti gaar ah oo uu cidda uu doono siin karo. Maayarka oo si cadho leh uga jawaabayay eedaha Mucaaradka waxa uu yidhi “Ballanqaadka aan Muuse Biixi u sameeyay, waxaan ka sameeyay gole dhaqan ee ma ahayn gole siyaasadeed, gole shaqana muu ahayn, nin aan aabbihii iyo awoowgii wax lahaan jirina dadka inuu maago maaha; anigu adduun baan leeyahay shakhsi ah, mid aan aabbahay ka dhaxlay baan leeyahay, mid aan awoowgay ka dhaxlay baan leeyahay, hantidaydana cidda aan doono ayaan ugu deeqi karaa.”

Isaga oo sii wata hadalkiisa baanidda ah waxa uu intaasi raaciyay “ Hantidayda ciddaan doono ayaan ugu deeqi karaa, Jamaal Cali Xuseen waan siin karaa, Cabdiraxmaan Cirro waan siin karaa, Muuse Biixi-na waan siin karaa, wixii aan ballanqaadayna waa sidoodii,” ayuu yidhi Maayar Ciddin oo wajigiisa laga dheehanayay cadho uu ka qaaday hadal haynta mucaaradka iyo bulshada ee ballanqaadkiisa u arkay inuu hantida umadda ka bixinayo.

Xigasho Wargeyska Warsugan