Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Raiisal Wasaarihii hore ee Wadanka Boortiqiiska udoortay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0
354

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Raiisal Wasaarihii hore ee Wadanka Boortiqiiska udoortay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Hargeysa(Warsugan)Shan iyo tobanka dal ee golaha ammaanka oo ay ka mid yihiin shanta dal ee rigliga ku ah ayaa si aan hore loo arag waxay iskugu raaceen in raysal wasaarahii hore ee dalka Portugal António Guterres inuu noqdo xoghayaha guud ee cusub ee qaramada midoobay.

Mr. Guterres ayaa bedeli doona Ban Ki Moon oo xilkaasi hayay muddo sagaal sannadood ah.
Mr. António Guterres waa 67 sanno jir, waxaana magacaabistiisani aan caadiga ahayni ku timid ka dib markii dalalka maraykanka iyo Ruushku isku khilaafeen cidda bedeli doonta Mr. Moon, iyagoo Ruushu dalbanaayay in loo magacaabo xilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay nin ka soo jeeda dalalka Beriga Yurub.

Magacaabista Mr. Guterres ayaa loo arkay xal, iyadoo labada dalba waa Ruushka iyo Maraykanku ay u arkeen inuu u noqon doono khilaafkooda xal.

Mr. Guterres ayaa hadda ah madaxa haayadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR

Xigasho Wargeyska Warsugan