Ciidanka NISA oo la wareegay garaashkii laga soo abaabulay gaarigii maanta ku qarxay Suuqa Beerta

0
340

waaxa qoreya yaasir br

Ciidamada nabad sugida Qaranka ayaa sheegay iney la wareegeen garaashkii laga soo abaabulay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku qarxay Suuqa beerta oo ku yaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow aya goor dhow saxaafada Muqdisho u xaqiijiyey in ciidankiisa ay la wareegeen garaashkan oo ku yaalla nawaaxiga isgoyska Black sea ee degmada Hodan.
Waxaa uu intaa ku daray in xogta garaashkan ku saabsan iyo macluumad kale laga helay ninkii waday gaariga maanta ku qarxay Suuqa beerta oo ciidamada dowladu ay ku qabteen meel ku dhow goobti uu qaraxu ka dhacay xili uu isku dayeyey inuu baxsado.
“Baaritaanada weli wey socdaan, xog badan ayaan heynaa, dhamaan shaqsiyaadkii ku lug lahaa qaraxan waan ku raad joognaa cidankuna shaqo fiican ayey hayaan” ayuu yiri Jen. Gaafow.
Dad ka badan toban ruux ayaa ku geeriyooday, Tiro 30 ka badanna way ku dhaawacmeen, ka dib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaw waddo laga galo garoonka Dayuuradaha Magaalada Muqdisho.
Weerarrada noocan oo ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-Shabaab, balse weli kooxdan kama hadlin Weerarkan Khasaaraha faraha badan uu ka dhashay.