Guddoomiyihii maxkamadda sare Ilka Xanaf oo sheegay in uu magaalada Hargeysa tagayo

0
353

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay inuu dib ugu laaban doono degaanada uu ka soo jeedo ee maamulka Somaliland, hadii loo diido inuu isku sharaxo xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.Ilka Xanaf ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya hadii aysan si siman ugu shaqeyn siyaasiyiinta xildoonka ah in uu dib ugu laabtan doono degaanadii uu kasoo jeeday.

Hoggaanka Sare ee dalka ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Cadaaladda.

Caydiid Ilka Xanaf ayaa muddo dhowr sano ah waxaa uu ahaa gudoomiyahii Maxkamada Sare ee Soomaaliya, waxaana uu in muddo ah ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee ka soo horjeeday gooni isku taaga Somaliland.