Somaliland: Geel Lagu Qiimo Ridayo Sayladda Xoolaha Oo Caqabad Ku Haya Reer Miyiga

0
1062

Somaliland: Geel Lagu Qiimo Ridayo Sayladda Xoolaha Oo Caqabad Ku Haya Reer Miyiga

Hargeysa, 10 June 2020 (Warsugan)-Ilaa lixdameeyo neef oo geella oo hiliblayaasha caasimada Hargeysa ay leeyihiin ayaa la sheegay in lagu ilaaliyo xaafada Masalaha galbeed, geelaasi oo saylada xoolaha ay keenaan aroortii ay ugu talo galeen inay ku jabiyaan qiimaha xoolaha dadka reer miyigi ahi u iib keenaan saylada.

Geellan ayaa dad u dhuun daloola ay tilmaameen in hiliblayaashu ujeedada ay leeyihiin daaran tahay in xoolaha saylada la keeno ay ku qiimo ridaan.

Waxa kale oo la sheegay in geelaasi ay ka muuqato diif aad u daran oo calaf hagaagsan aan la siinin, ayaa dad badani walaac ka muujiyeen hab-dhaqanka hiliblayaasha ee ku saabsan geella ay suuqa kaga qiimo ridayaan dadka masaakiinta ah ee reer miyigu neefafka ay saylada u iib geeyaan.

“Ilaa lixdan neef oo geella oo ay leeyihiin hiliblayaasha Hargeysa ayaa lagu ilaaliya xaafada maslaha galbeedka, geellaasi oo ay ugu talo galeen in aroortii uun ay geeyaan salyadda xoolaha oo neefafka reer miyigu wataan ee ay iib keenaan ay qiimaha ku jabiyaan markay intaas oo geella soo tubaan gegida.

Arrinkan oo walaac weyn laga muujiyay, waxa ka sii daran geellaasi waxa ka muuqda diif daran oo calaf hagaagsan lama siiyo oo aroortii marka ay saylada keenaan xilliyada duhurkii ayay dib u celiyaan oo meel lagu ilaaliya.

Arrinkaasi waxaanu xukuumada ugu baaqayna in si dhakhso ah wax looga qabto, waxay duliyeen reer miyigii masaakiinta ahaa ee neefafka saylada u iib keenay, dhinaca kalena geellii gaajo ayay ku dileen marka waa in talaabo ku haboon laga qaada, habdhaqankan ilaa muddooyinkii u dambeeyay wuu taagna.

Sidaa darteed waa in talaabo laga qaada dulmigaasi ay bahaa;inkii iyo ummadii kula keeceen hiliblayaashu” Sidaa waxa yidhi mujaahid Yuusuf Sandheer oo sheegay inuu arrinkan soo taabtay.

Dhinaca kale arrimaha caynkan oo kale ahi marka ay dhacaan muxuu u dhacay lama yidhaahdo waxbaa laga qabta, talaabo sharcina waa lagu qaada dambiyada ay dalka ka galeen iyo habdhaqanada qalafsan ee saamaynta ku yeelanaya ummada.

 

Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here