Dalal Dedaal Ugu Jira Doorashada Soomaaliya Oo Midwalba Ka Kale Iska Eegayo In Aanu Kaga Gacan sarayn Iyo Xulafadii Qadar Oo Uu La Banjaray Madaxweyne Farmaajo

0
1119

Dalal Dedaal Ugu Jira Doorashada Soomaaliya Oo Midwalba Ka Kale Iska Eegayo In Aanu Kaga Gacan sarayn Iyo Xulafadii Qadar Oo Uu La Banjaray Madaxweyne Farmaajo.

 

Farmaajo oo Riwaayadii uu hore ugu khalday Shacbiga Muqdisho dhamaadkeedana ay u wada joogeen Mar kale ku metelaya doorashada soo socota.

 

Hargeysa-10-06-2020-(Warsugan)-Sida aynu la wada socono waxa soo dhawaatay wakhtigii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in ay ka duwanaato doorashooyinkii hore gaar ahaan doorashadii u danbaysay ee lagu doortay madaxweynaha xilkiisu gabaabsiga yahay ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo gacan weyn ka helay dalka qadar oo isagu lahaa sababta uu kursiga ku fuulay ee uu kaga guulaystay madaxweyneyaashii la tartamayey oo uu codadkii habeenimadiiba meel sii dhigtay ka dib markii heshiis u socday qadar oo uu dilaal ka ahaa Fahad Yaasiin oo wakhtigan ah Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ay dilaalnimadiisana shuruudaashi ka mid ahayd in uu noqdo taliyaha sirdoonka hawlo badana uu u fudaydiyo dawladda qadar oo dano siyaasadeed ka lahayd taageeradii gacan qabasho ee madaxweyne Farmaajo iyo inuu gudaha Soomaaliya ka sameeyo Tv-yo ku hadla afka qadar oo Fahad wakhtigan gacan ku hayntooda iyo la wareegidoodaba uu hantiyey.

 

Iyadoo wakhtigan ay soo baxayaan warar salka ku haya xaqiiqda oo muujinaya sidii aanay mar danbe gacanta Soomaaliya ugu noqon lahayn dawladda Qadar, dedaalkaana waxa guclo orod ugu jira dalal badan oo markii hore si hoose isu nabayey arrimaha Soomaaliya balse ay ka dhextoostay qadar oo si lama filaana ula wareegtay ma jaraha siyaasada Soomaaliya ee musharixiintii wakhtigaasi oo midwalba dawlad gaari dhabarka soo taabatay haseyeeshee aanay is muujin marnaba, halka dawladda qadarna ay si badheedha isu dhextaagtay arrimaha doorashada Soomaaliya oo ay iyagu ahayd tooshka keliya ee ka ifayey wakhtigaasi goobtii baarlamaanku ku dhiibanayeen codkooda lagana dareemayey dufanka iyo luflufka kala tuuray qorshihii musharaxiinta kale, waxaanay ugu dhacday sidii ay iyagu rabeen wakhtigaasi muddo afar sanno ku dhawna waxa ay Soomaaliya ka fuliyeen aragtidooda siyaasadeed iyadoo mararka qaarna ay dhacdayba in ay dhalinyaro ka rarato Soomaaliya laguna soo celiyo iyagoo mayda wax ku dhacayna aan la garanayn ehelkoodiina laga qariyey halka kuwii ogdaayna la aamusiiyey oo afka loo buuxiyey.

 

Haddaba aynu eegno dalalka afka ciida loo daray wakhtigaasi ee doorashadan danbe isu diyaariyey siday markooda ma jaraha ugu qaban lahaayeen iyo kuwa ku soo biiray ee ku cusub loolanka dalka Soomaaliya la dheel-dheeliyaya siyaasad la’aanta iyo calooshooda u shaqaystayaasha aan marnaba ku dhaqmin rabitaanka shacbigooda ee fiirsada uun dantooda gaar ahaaneed. Dalka Maraykanka oo muddo shedaalinayey arrimaha soomaaliya si dadbana ugu dhexjiray ayey amakaag ku noqotay arrinta qadar ay ku hantiday farmaajo kuna qasabtay inuu celiyo Basaaboorkii uu mudada ku deganaa dalka Maraykanka oo ay ugu bedeshay mid qadar leedahay una damaanad qaaday inuu ku noolaan doono dalka qadar inta noloshiisa ka dhiman marka uu ka dego xilka Madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo maraykanka tustay in aanay waxba gacanta ugu jirin, balse waxa uu u xadhko xidhay sidii uu doorashada soo socota gacanta ugu dhigi lahaa murashax ka iibsamaya oo uu isagu wato waxaanu muddo baadi goob ugu jiray siyaasi uu isagu carbistay oo ku soo baxa doorashada Soomaaliya ciyaarana riwaayadii uu jilisteeda lahaa Madaxweyne Farmaajo ee ahayd waxa aan dalka ka saarayaa Ciidamada Itoobiya oo uu ololihiisi ku galay markii uu  sharaxnaa Soomaali badana ay ku taageertay madaama ay u arkayeen dalka ay Soomaaliya ka degi ladahay inuu yahay Itoobiya, balse la ogyahay halka ay ku danbaysay oo noqotay inuu marxiis siyaasadeed u noqdo Abiy Axmed iskadaa ciidamo uu ka saare waxa uu dalkiisa soo geliyey ciidamo hor leh ilaa ay ka noqdeen taliyaha ugu sareeya Amison ee muqdisho oo markii hore aanu sharcigu dhigayn in dal xuduud la leh dalka ciidamadu ku sugan yihiin uu yeesho taliyaha amarka u danbeeya bixinayaa, waxaanu maraykanku arrintaa u arkay inay kaga soconayso Siyaasi Soo Jiidasho leh, ciyaari karana roolkaasi, waana mid loo wada joogi doono halka ay sal dhigato iyo cida uu soo xusho iyo riwaayadu waxa ay noqon doonto.

 

Dalka xiga ee isna doorashan gacanta gelin doonaa waxa la rajaynayaa inuu noqdo dalka Kenya oo wax badani uga bexeen arrimaha wakhtigan ka socda Soomaaliya waana mid ku cusub siyaasada la karkariyo ee Soomaaliya, waxaanu ku talo jiraa laba arrin oo kala ah inuu arrinta badda Soomaaliya ay isku hayaan u helo siyaasi ay isku aragti yihiin iyo inuu Meesha ka saaro dalalka kale ee aan xadka la wadaagin Soomaaliya, balse siyaasadiisa ka taliya si aan iyaga loogu soo jihayn mardanbe.

 

Dalka saddexaad ee isagu mulkiyey Soomaaliya oo ah Turkiga ayaa isna welwel ka qaba dalal ay is hayaan oo uu ugu horeeyo Maraykanka oo muddo dheer rajo ka qabay gacan ku haynta Soomaaliya, balse si dhibyar ay kaga baxday gacantiisa, waana ta welwelka ugu weyn ku keentay Turkiga kana cabsi qaba in markan laga hoos saaro talada gacan ku haynta, waxaanu ka fikirayaa sidii uu indho sarcaad ugu samayn lahaa siyaasiyiinta Soomaaliya u sharaxan waxaana dhawaan soo baxday warar ka soo yeedhay siyaasi reer Kenya ah oo ka dayriyey 10,000 oo duuliye ciidan ah oo Turkigu Soomaaliya u tababarayo, isagoo u balan qaaday inuu siin doono diyaarado dagaal taas oo welwel hor leh ku abuurtay Iyana caalamka, madaama Soomaaliya aanay ahayn dal xasiloon oo hubka soo galaaba uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah, waxaana wararku sheegayaan in Turkigu wado qorshe uu naato kaga  saxeexayo in Soomaaliya laga caawiyo dhinaca Hubka iyo Gaadiidka madaama uu isagu xaga ciidamada maamulo masuuliyadeedana uu qaadayo, taana waxa uu uga faa’iidaysanayaa rajo gelin uu ku xodxodanayo siyaasiyiinta Soomaaliya ee isu soo taagaya doorashada soo socota.

 

Dalka Afraad ee isna sida lama filaanka ah ku soo galay Soomaaliya ayaa noqday Dalka Masar oo sannadkan muujiyey baahida siyaasadeed ee uu u qabo inuu ka dhex muuqdo Soomaaliya madaama oo dalka ay is hayaan ee Itoobiya si weyn ugala wareegay labadii sanno ee u danbeeyey, xiisadii ka dhaxaysay ee Niilkuna ay sii xumaatay, waxaanu hadda qalqaalo ugu jiraa in markiisa waa Masare qayb uu ka noqdo ciidamada jooga Soomaaliya ee Amison oo midawga Afrika keenay, balse aanay masar ka mid ahayn, arrintaas oo uu la sugayo kulanka u horeeya ee ay Afrika kaga arrinsanayso arrimaha Soomaaliya, waxa Iyana jirtay in uu dhawaan hub ku soo daabulay muqdisho kaas oo indhaha caalamku qabteen, balse aan weli laga hadal madaama cunaqabatayni saarnayd hubka Soomaaliya ay jirto.

Iyadoo ay dalalka danaynayaa Siyaasadda Soomaaliya badan yihiin haddana waxa aan Meesha ka maqnayn dalka Itoobiya oo doonaya inuu mar uun arko Soomaaliyadii ay cadaawadu ka dhaxayn jirtay oo u daba-fadhiisanaya arrimaha siyaasada maamulkeeda iyo musharaxiinteeduna ka soo shidaal qaadanayaan Itoobiya, balse waxa itoobiya lagu dhaliilaa in ay tahay dal saboola oo aan awood dhaqaale la barbar istaagayn siyaasiga ay rabaan inuu Soomaaliya ka soo baxo waana ta keentay in si farshaxannimo ah marba meel uu ula safro Farmaajo Abiy Axmed.

Ugu danbayn aynu eegno xaaladda wakhti xaadirkan uu ku sugan yahay farmaajo oo aan weli ka quusan kursiga balse u ordaya mar kale inuu isa soo sharxo wax buuran oo uu la shiryimaadana aanu hayn ayaa doonaya inuu mar kale riwaayad u dhigo shacbigii muqdisho ee uu ku indho sarcaadiyey arrintii nacaybka Itoobiya oo ay si wacan u daawadeen dhamaadkeedii kuna danbaysay jacayl dhalay marxiisnimo, haseyeeshee riwaayada cusub ee 2020 uu ku metelayo musharaxnimada danbe ee Soomaaliya ayaa dadku ka sii dheregsan yihiin taasoo ah waxa aan meel wacan marinayaa midaynta Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo la ogyahay inuu midayn kari waayey maamuladii Soomaaliya ka jiray ee uu xukumayey afar sano oo uu joogayna uu dagaal ku hayey, waxaana is waydiin mudan bilaha kooban ee u hadhay ee ku celceliyo waxa aan isu soo dhawaynayaa labada shacbi ee Somaliland iyo Soomaaliya, iyo wadahadaladii ayaan furayaa ama eryo afka baarkiisa ah ay Shacbiga Muqdisho u arkaan mar kale iyo kursiga aan ku gaadho, waxaana is waydiin leh dagaalkii iyo cunaqabatayntii uu ku hayey shacbiga Somaliland ma si dhib yar ayey ku ilaaween oo ay tiisa ku aaminayaan.

Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here