Aafada dhuxushu waa aafo qaran QALINKII: sahal axmed maxamed

0
599

Aafada dhuxushu waa aafo qaran
QALINKII: sahal axmed maxamed

Deegaanku wuxuu ka mid yahay nolosha ama waxaa la odhan karaa waxaaba ku tiirsan nolosheena maadaama aynu u badanahay dad xoolo raacato ah xooluhuna ay ku noolyihiin daaqa dhirta oo doogga ama geed hoosaadka.

Haddaba iyadoo aynaan moogganayn muhiimadda weyn ee ay inoo leedahay ilaalinta deegaanku ayaynu haddana ku kacnaa inta badan falal liddi ku ah jiritaan dhirta iyo daaqa sida shidista dhuxusha , goynta cawska iyo deegaamaynta dhuldaaqsimeedka oo dhammaantood saamayn ballaadhan ku yeelanaya sii jiritaanka deegaanka,

Shidista dhuxushu waa mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee halakeeyey deegaankeena sidookalena waa masiibo u baahan in laga sameeyo gurmad taasi oo imakaba dhibaatadeeda si wayn looga dareemayo jamhuuriyada somalinad.
Waxaana ka mida Roob yaraanta, kulaylka dhulka oo saxara lamood ku sii socda, iwm.
Waxaynu ka war qabnaa in 21/12/2015 uu si rasmiya u dhaqan galay XEER NO.69/2015. Xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta, hadana waxaa hubanti ah in sidii la rabay loogu dhaqmin, hadaad u baxdo dhulka miyiga ah iyo waliba marka aad taraaga ku jirto waxaad wadad hareeraheeda ku arkaysaa godod waawayn oo qiiqoodu aad u badan yahay oo lagu moofaynaya dhirtii qoyanayd iyo wixii hanta ay lahaayeen umadani.
Dhinaca kale xeerkan ka hor waxaa jirtay haayad u gaara deegaanka oo la yidhaahdo HAYADA CILMI BAADHISTA DEEGAANKA IYO U DIYAAR GARAWGA AAFOOYINKA. Taasi oo lagu aas aasay XEER.35/2007.
Rag garaadka laga qaaday, oo gini u rooraaya
Oo ganacsi doonaa, arliga galalafaayuune
Gadbad iyo waxay mooriaan, gaadhiyaal kidha

Ugu dambayntii waxaan qoraalkayga kooban ku soo koobi lahaa soo jeedimooyinkan.
1. waa in sharciga hada jira ay wasaarada deegaanka iyo hayada garsoorku ku baraarug sanaadaan inuu yahay mid dhaqan gala umadana u shaqaynaya .
2. Waa in la helaa badalka dhuxa si looga maarmo jarida dhirtan, iyo dhuxulaysigaba.
3. waa in gudiyo adag laga dhex sameeyaa goobaha miyiga ah shaqaale baahan sana lagu yeeshaa tuulooyinka.
4. in wacyigalin balaadhan laga sameeyo dhinac miyiga.
5. in xoog loo dhiiri galiyo qofka keena wax lagaga maarmi karo dhuxusha.

QALINKA: SAHAL AXMED MAXAMED