Abadhii/haweenaydii soomaaliyeed ee ugu horeysay baratana aqoonta Farsamda ciladsaarka baabuurta shahaadana ka qaadata. Faadumo Xuseen Dheeg.W/Q Hamze Hassan Gurre(HGurre)

0
494

Abadhii/haweenaydii soomaaliyeed ee ugu horeysay baratana aqoonta Farsamda ciladsaarka baabuurta shahaadana ka qaadata. Faadumo Xuseen Dheeg.W/Q Hamze Hassan Gurre(HGurre)

Faadumo Xuseen Dheeg dhego-carable. Waxa ay ahayd haweenaydii u horeysay ee barata aqoonta farsamada gacanta sida, Baabuurta iyo waxii la halmaala (Automotive engineering) . Faadumo Xuseen Dheeg waxa ay dhalatay hellaadii sanadkii 1957kii magaalada burco. 1967kii Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka bilowda magaalada Hargeysa Iskuulkii la odhan jiray (Womens Club Hrg )Dharwsano ka dibna waxa loo bedalay kana sii wadatay aqoonteeda qaybtii uu iskuulkii womens club kulahaa maagalada burco. Faadumo Xuseen Dheeg waxbarashadeedii sare waxa ay ku qaadatay magaalada Xamar/Muqdisho, waxa ay ka midnoqotay ardeydii imtaxanaadkii sanadahii 1974-1975 ugu sareeyey kuna baasay dhibcaha sare (A score). Faadumo xuseen dadaalkeeda iyo maskax furnaanteeda awgeed waxa ay ka midnoqtay ardeydii xulka ahayd,Loona qaatay tababarkii kuliyada sare ee farsamada gacanta ee soomaaliya.Looguna tala galay in ay marka ay dhameystaan macalimiin ka noqdaan.(Somali Technical institute/Technical collage). Ammuurihii ugu layaabka badnaa waagaas Faadumo waxa ay noqotay gabadhii ugu horeysay ee u badheedha in ay barato farsamada gacanta,Ka dib markii ay ka midnoqotay ardeydii keentay dhibcahii ugu sareeyey imtixaankii la qaaday wakhtigaas. Taasi waxa ay jidka u xaadhay in Faadumo ka mid ahaato ardeydii loo baahdey wakhtigaas in loo tababa baro aqoonta sare ee farsamada gacanta (Technical Engineering).Qorshahan oo markii hore ku talagalkiisu ka soo fulay dhanka dawlada sababo badan dartood, Wakhtigaasi aqoonta Machnical engineering/aqoonta farsamada baabuurta oo aanay jirin soomaali aqoonteeda lahayd. Macalimiinta xiligaa dhigi jiray waxa ay u badnaayeen Germany,Italy iyo ajaaniib aan wadanka soomaaliya u dhalan. Arrintaasi waxa ay keentay ama dhalisay in loo baahdo aqoonyahano soomaaliya oo dhigi kara aqoontan lafteedda. Faadumo Xuseen dheeg waxa ay ka mid noqotay macalimiintii hore loogu toobabaray aqoontan.Sanadahii 1980-1987 waxa ay macalimada ka ahayd kuliyaddii farsamada gacanta ee ay markii hore ka baxday qudheedu. 1987-1990 waxa ay macalimad markale ka hayd Dugsigii Culuumta baddaha (Marin Technical Collage). . Sida ay faadumo xiseen tibaaxday xiligaasi ardeydii loo qaatay in ay bartaan aqoontay waa ay koobnaayeen ama tiro yaraayeen.Dhedig ahaan haweenimo waxa ka qayb qaatay Faadumo Xuseen iyo Maryan Garraad Jaamac oo ahayd gabadhii labaad ama labaddii/2 haween ahaa ee aqoontan dhigta soomaali oo idil islama markaana dhamaysta kana qaata shahaadada. Faadumo Xuseen dheeg hada waxa ay ku nooshay wadanka maraykanka. Aniga oo ah Xamse Xasan Gurre waxa aan isku dayey in aan xidhiidh la sameeyo si aan uga sameeyo qoraalkan dheer ee taarikhiga ah. Nasiib wanaag waan helay Faadumo Xuseen Dheeg. Intaa ka dib waxa na dhex maray waraysigan.

Aniga oo ku bilaabaya weydiintan su’aashii u horeysay ee aan weydiiyo.

1: Faaduma Xuseen Dheeg. Sida uu dhaqankii soomaalidu ahaa marka loo eego haweenka,waxa uu ahaa dhaqan aan haweenka xoriyad u siinayn in ay qabtaan shaqooyinka qaar ama baran karaanba, Sida farsamada gacanta,hagaajinta iyo ciladsaarka baabuurta, Dhismayaasha guryaha dhagaxa ah iwm.Hadaba adiga faadumo ahaan sidee ayey kuugu suuro gashay howshan mar la’aragta ah ka jibo keenkeedu?

JAWAAB,Faadumo Xuseen dheeg.Waxa ay iigu suurto gashay in aan barto farsamada gacanta khaas ahaan farsamada barashada baabuurta waxaa lug ku lahaa arrimo badan, ugu horeyn waalidkay oo ila doonayey in aan wax barto wixii aan rabo si xor ahna u dooran karo. Run ahaantii fursad dahab ah baan heystay iyo dhiiri gelin dheeraad ah oo ay igu taakulaynaayeen waalidkaygu.Ta kale anigu waxa aan ku kalsoonaa naftayda 100% oo aan ahaa qof kalsooni buuxda leh qumanahayguna qoorta ayuu ii sudhnaa .Wxaan ahaa qof tacliinta ku fiican oo jecel in aan waxbarto sida oo kalena waxa aan ahaa qof tartanka jecel oo leh dareen aad u sareeya markay noqoto waxbarasho nocay tahayba(A student) aya aan ahaa runtii . Waxa ii muuqatay in aan sameyn karo wixii nin sameeyo waanan ku niyad samaa in aan meel ka gaadhi doono waxa aan baranaayo noocuu doonaba ha ahaadee.

Intaa ka dib waxa mar kale Faadumo la weydiiyey Su’aal ahayd. Faadumo Xuseen ma ogayd in aad taarikhda ahayd gabadhii ugu horeysay ee u babacdhigta aqoontan ciladsaarka baabuurta in ay barato, Kalsoonidaada ka sakow ma islahayd aqoontan iyo farsamadan haweenba kow aad u tahay adigu waad ka hadhi doontaa kana niyad jabi doontaa?

Faadumo Xuseen markale waxa ay kaga jawaabtay su’aashaas.

Aniga faadumo ahaan waxa aan ahaa haweenka ama dumarka had iyo jeeraale qalbiga adag ama jecel wax uu rag qabtaba in aan dhinacayga qabsado, Waxii aan khilaaf ku keenayn diiniyan kitaabka alle swt. Waxa aan marwalba naftayda jeclaa kuna tahanbaabi jiray in aan sameeyo wax aan marar badan haweenku u tafo xaydan in ay guul ka gaadhi karaan. Faadumo Xuseen oo hadalkeeda sii wadata waxa ay intaasi raacisay markale. Faadumo ahaan anigu xitaa haweenaydii ama gabadhii aan kuliyada ka wada baxnay aqoontan,Waxa aanu ahayn laba dumar ah oo kalsooni iyo niyad dhisba isu ahaa sidii ay howshan uga bixi lahaayeen. Waan dhiiri gelin jiray iyana markeeda aniga ayey I dhiiri gelin jirtay. Wada jirka aniga iyo saaxibadaydan aanu isku rafiiqa ahayn xaqa aqoonta dugsi ayaanu isu ahayn sababa badan dartood.Tusaale ahaan xiliyada aanu firaaqada leenahay labadayada oo qudha ayaa sheeko wadaag yeelan jirnay. Taasina waxa ay ahayd arrin mihiim noo ahayd ama aanaan cidlo kelinimo dareemi jirin.

Waraysigii oo sii socda markale waxa la weydiiyey Faadumo Xuseen dheeg waydiin u dhacday sida tan. Faadumo Xiliyadaas ama wakhtigii aad aqoontan baranaysay cajaayibka ah, Ma noo sheegii karta sidii ay u arkaayeen wakhtigaas haweenkii ama dadkii soomaaliyeed ee aad meel la joogtay kaanna war hayey in aad tahay haweenay barata farsamada baabuurta iyo ciladsaarkooda weliba aqoona u baranaysa si ay shahaado uga qaadato?

Weydiintaas Faadumo waxa ay kaga jawaabtay sida tan. Aniga faadumo ahaan horta go’aan adag oo waalidkayguna garab igu siinaayeen ayaa meel ii yaalay ama aan gows danbeeka ku haystay. Hase ahaatee Mogadisho iyo Hargeysa way ka ilbaxsanaayeen gobaladii markaa soomaaliya laysku odhan xoriyad yar oo aan badnayn ayaa jirtay oo haweenka lasiin jiray.Hargeysana waxaaba ku yaalay dugsigii Hablaha ee (Wamens club/Shacab Girls) ee aan ka soo baxay wakhtigii wax barashadaydii hore. Way ahayd arrin dad badani la yaabaan oo way noo soo daawasho tegi jireen intooda badani may rumaysan jirin in gabadh soomaaliyeed farsamada gacanta gaar ahaan Baabuurta iyo ciladsaarkooda baran karto. taasina waxay igu sii kordhisay awood dheereed ah oo dhinaca maskaxda si aan uga jibo keeno oo aan wiilashii fasalkayga hadhuudhlaha ugu dari lahaa oo maaddo walba aan noqon jiray (A STAR).

Ugu danbeyn Faadumo Waxa la weydiiyey. Waxyaabihii ugu adkaa ama dhibaato ahaan ka hor iman jiray,Maadama ay ahayd haweenaydii ugu horeysay ee farsamadan aqooneed u badheedha kuna dhiiratay arrintan mar curadka ah, iyo Maanta hadii wadankeedii ay u dhalatay ee Soomaaliland bulshadiisa iyo dawladiisaba ka codsan lahaayeen in ay ka qayb qaato tallo am tusaalena u noqoat da’yarta haweenka ah ee wax baranaya. Sidee ama qaabkee ayaad ugu qayb qaadan kartaa dhiiri gelinta dhanka haweenka ee arrinta barashada aqoonta farsamada MACHANICAL iyo cilad saarka baabuurta?

Faadumo Xuseen dheeg waxa ay suaashaas kaga jawaabtay.

Hadii aan ku horeeyo tan maxaa kugu yaab badnaa ama dhib badanaa .Faadumo ahaan horta runtii wax iga yaabiya maan arag waayo anigaa doortay oo ku adkeystay barashada aqoontan.Laakiin waxa aan mar mar nici jiray saliida urteeda iyo faraha oo iga madoobaanjiray marka aan shaqo gacmeed aan qabanaayo ama casharada practical ah qaadanaayo. Hadii aan u soo daadego tan talo ahaan ama tusaale ahaana waxa aan odhan lahaa kulana tallin lahaa dawlada Somaliland,In dib loo furo dugsigii farsamad gacanta ee Hargeysa oo uu ka mid ahaa nin kayga faarax diiriye xasan, Ragii rakibay ee habeeyey dugsigaa 198kii, oo la raadiyo dadkii aqoonyahanada ahaa ee u dhashay Somaliland kolay qaar way noolyihiin, Lana tababaro caruurta soo koraysa . Farsamada Gacanta waxaa u baahan dib u dhisida dalka hooyo iyo da’yarta soo koraysaa. Waayo aqoontan farsamada gacantu waxa ay ka mid tahay, Aqoonaha aduunka xoog looga tix geliya.Waana khibrad mudnaanteeda leh. Waxii lanooga baahdo lodkayagii reer soomaaliland ee aqoontaa bartay, Aniga ahaan diyaar ayaan u ahay waxii aan ka qaban karo.

Ugu danbeyntii Faadumo Xuseen hada waxa ay ku nooshahay Wadanka Maraykanka ilaa hadana waxa ay ka shaqaysaa arimaha bulshada(Social activism). Sida ay xustay Faadumo xuseen, Xaajigeeda ama saygeedu(Faarax Diiriye Xasan) waxa uu ahaa macalinkeedii ama maamulihii kuliyadii farsamada gacanta ee ay wax ka baratay Engineer Faadumo Xuseen Dheeg. Labadooduba waxa ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan reer Somaliland. Dhamaad

Contact Inform

Cell-phone

0014153294683

Email:
hgurre.madaale@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here