Rugta Ganacsiga ee Deg.Togwajale oo Xisbiga Ucid ugu Deeqday $saddex boqol oo kun oo Dollar iyo dareenada ku xeeran Qaadhaankaasi

0
366

Rugta Ganacsiga ee Deg.Togwajale oo Xisbiga Ucid ugu Deeqday $saddex boqol oo kun oo Dollar iyo dareenada ku xeeran Qaadhaankaasi

Wakhti ay Degmada ka jiraan baahiyo badan oo la xidhiidha dhinaca Adeegyada Aasaasiga ah,
Islamarkaasna ay bulshadu ka biyo diidanayd baryahanba lacag aan sharciga waafaqsanayn oo laga qaado gaadiidka kala duwan ee qaada badeecadaha LCG ah ee u gudbaya dhinaca Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, lacagahaasi oo ka badan Cashuurta sharciga ah ee Wadaaradda maaliyaddu qaado, ayaan ilaa hada lagaranayn sharciyadeeda iyo halka ay ku xerooto, balse waxa la yaab ku noqotay bulshada Deg. Markii todobaadkan ay rugtani ugu deeqday lacag qadarkeeda lagu qiyaasay Saddex boqol oo Dollar Xisbiga Ucid, arintani oo markii la waydiiyey Gudida sobobta ay Lacagtan ugu bixiyeen arimo kaambayn maadaama ay adeegyadii bulshada ee Deg ay u baahan yihiin in kor loo qaado, waxay ku jawaabeen in ay Codsi u soo qorteen odoyo waawayn oo Xisbiga ka tirsan Islamarkaasna horay uga tirsanaan jirtay ganacsatada dalka sidaas Dardeedna ay u tixgaliyeen Codsigaasi,

Arintani iyo sharciyada lagu qaado lacagahan ayaanay waxba kala soconin Maamulka Deg oo iyagu ku cusub Shaqada,
Waxa iyana Xusid mudan in Xafiiskii Xisbiga Kulmiye albaabada loo xidhay lixdii bilood ee ugu dambeeyey kadib markii kiradii Xafiiska lagu yeeshay hal sano taasina sobobtay in dadkii Guriga lahaa ay Albaabada u laabaan,
Isku soo wada xooriyoo Waxa Degmada Togwajale ka jira Hayado kale oo Dakhli ururineed oo aan ka diwaan gashanayn Dowladda dhexe islamarkaasna Halisteeda leh
Wabillaahi Towfiiq
By Mustafa Hussen Carraale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here