AC Milan oo dooneysa ineey badbaadiso mustaqbalka sii madoobaanaayo ee Balotelli

0
469

AC Milan oo dooneysa ineey badbaadiso mustaqbalka sii madoobaanaayo ee Balotelli

Hargeysa (Warugannews) Kooxda AC Milan ayaa dooneysa ineey markaan u qalab qaadato sidii ay u badbaadi laheyd Flopka Liverpool xidiga heer Talyaani ee Mario Baloteli oo mustaqbalkiisa mugdi sii galaayo.

Adriano Galliani ayaa sheegay inuu doonaayo inuu badbaadiyo mustaqbalka sii dhumaayo ee xidiga Super Mario Balotelli oo ku jahwareersan kooxda Liverpool.
Macalinka AC Milan Sinisa Mihajlovic ayaa aqabalay in Balotelli uu kooxdiisa kusoo biiro wuxuuna doonayaa inu ka faaiideysto hadii ay wax ku danbeeyay oo fursad la siiyo
AC Milan ayaa dooneysa ineey hesho weeraryahan ay isku haleyn karto walow xidigaa ay ku dooneyso iney ku qaadato si amaah ah.
Sidoo kale Milan ayaa indha ku heysa xidiga kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic balse xidigan qarashka uu qaato oo mushaakiisa ah ayaysan bixin karin.

Kooxda Liverpool kala bar mushaarka Balotelli iyada ayaa bixin doonto madaama Milan qaab amaah ah ku qaadan doonto weeraryahankan awooda badan balse wali aan noqon sidii laga rabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here