Af Hayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Xiiray Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Xadhiga Saladinta Iyo Fanaaniinta

0
557

Af Hayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Xiiray Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Xadhiga Saladinta Iyo Fanaaniinta

Hargyes(Warsugannews) Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Ayaa markii u horaysay ka hadlay madaxdhaqmeed iyo fanaaniin ay xukuumada Somaliland Xidhxidhay isla markaana Xabsyida u taxaabtay, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Oo khadka taleefanka ugu waramay HadhwanaagNews isago ku sugan Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia Addis Ababa Suldaanka Oo Arimahaas Ka Hadlayaa waxa uu Yidhi “ Waxaan Doonayaa in aan ka hadlo Salaadiinta Xidhxidhan, Suldaan Mawliid Sabayse, Boqor Raabi Yuusuf iyo Wailba Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Dhamaan Madaxdhaqmeedkaas La Sii Daayo Ayaan Xukuumada Ku Odhan Lahaa Suldaanku Ma Mudna In La Xidho Madaxdhaqmeedkuna Waxa ay inaga Mudanyihiin Sharaf Iyo Cisi .

Sido Kale Waxaan Leeyahay Fanaaniinta Xidigaha Geeska iyagan Hala Sii Daayo Oo Xoriyadoodii Loo soo celiyo waxaan Xukuumada Somaliland u soo jeedinayaa in ay faraha ka qaadaan oo Dadkaas Xoriyadooda u Soo Celiyaan Xadhig Xal Maaha waxaan shacbiga Reer Somaliland Aan ku boorinayaa in ay Qaranimadooda iyo Amnigoogaba Ilaashadaan .
Sido kale Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Waxa Uu Hambalyeeyay shirka u qabsoomay Beelaha Galbeedka Hargeysa Iyo Beelaha Bariga Hargeysa Waxan Yidhi “ Waxaan Hambalyeeynayaa Beesha Galbeedka Hargeysa Iyo Beesha Bariga Hargeysa, Labadaa Belood ee Walaalaha ah xalka dalka iyo nabad galyadiisa ay ka wada hadleen waa ku mahadsanyihiin waxaana hogaaminaayay Nimaan Salaadiin ah Waan Soo Dhawynayaa Waana Aan ku taageersanahay.

Dhanka kale Suldaan Xiiray Waxa uu bogaadiyay Heshiisaka Dhex Maray Dowlada Somaliland Iyo Dawlada Ethiopia Waxan Yidhi “ waxa kale oo aan soo dhawaynayaa Heshiiska Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Ethiopia oo aan leeyahay waa wax wanagsan in xidhiidh fican ina dhex maro Hadalkayga waxan ku soo gabagabyin lahaa hala soo daayo Salaadiinta Iyo Waliba Fanaaninta .

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here