Diinta Aan U Shaqayno (geeraar cusub)

0
608

Diinta Aan U Shaqayno (geeraar cusub)

geeraarkan aan u magac bixiyay diinta aan u shaqayno wuxu inagu baraarujinayaa inaynu dhamaanteen isu taagno dacwada diinta ka shaqaynteeda

Asc. qof kasta oo muslim ah dacwadda ka qayb qaadashadeeda waxa ka saaran masuuliyad, in xaqa la isu sheego, wanaaga la is faro , xumaantana la iska reebo waa mida uu ilaahay inagaga fadilay umadaha kale, ilaahay sw wuxu yidhi ((waxaa tihiin umad dadka loo soo saaray midii ugu khayrka badnayd wanaagaa is faraysaan xumaantana waad iska reebaysaan ilaahayna waad rumaynaysaan)) nebiguna scw xadiisbuu ku yidhi (( in ilaahay sababtaada ku hanuuniyo qof kaliya ayaa kaaga khayr badan geela kiisa cascas)).

geeraarkan aan u magac bixiyay diinta aan u shaqayno wuxu inagu baraarujinayaa inaynu dhamaanteen isu taagno dacwada diinta ka shaqaynteeda, haddaba geeraarku wuxu

yidhi

xaqaa daahir ahaanoo
daa’imbaa ballan qaaday
inuu daalicinaayee
waxan nahay dad islaamee
dadaal aan la nimaadnoo
diinta aan u shaqayno

daahirow nabigeenaa (scw)
anbiyada u danbeeyoo
alle soo dirimaayo
dabadiisa rasuule
diinta aan u shaqayno

raga iyo dumarkeeniyo
duqaydiyo dhalinteeniyo
da’yarteena barbaartuba
inagoo isku duuban
ducaad aynu ahaanoo
diinta aan u shaqayno

dadka uu alle uumay
darajaynu ku dheernay
dacwad laysugu yeedhee
diinta aan u shaqayno

cali binu abi daalib
nabigaa u dardaarmay (scw)
in dartaa qof ilaahay
dariiq toosan ku beego
inay daawad ka roontaye
diinta aan u shaqayno

hadii nayla dagaaliyo
hadii nayla dilaayiyo
hadii naylala doodiyo
hadii nayla duraayiyo
hadii nayla dabraayaba
inagoo dar ilaahaya
diinta aan u shaqayno

daa’imkeen idankiisa
dabka naarta holcaysa
daakhilkeeda jaxiima
si aynaan ugu daadan
diinta aan u shaqayno

daa’imkeen idankiisa
dabaqeeda firdawsa
dahabkeediyo luulka
si an deeq uga gaadhno
diinta aan u shaqayno

daa’imkeen idankiisa
si aan daarta aduunkiyo
ta danbeba u badbaadno
diinta aan u shaqayno

adaa dhaafa dunuubtee
daa’imow na ilaali
daryeelkaaga ilaahow
caadilow nagu daaso
dabiibkaaga ilaahow
rabbiyow nagu daawee
dulqaadkaaga tawaabow
nagu sii danbi dhaafka

W/T ismaaciil maxamed-cali
ismaaciil6666@hotmail.com
Helsinki Finland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here