Agaasimaha Maamulka Dawladda Hoose Oo Ka Jawaabay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyey Arbacadii Shalay Fariina U Diray Kuwa Caadaystay Wararka Aaan La Hubin

0
431

Agaasimaha Maamulka Dawladda Hoose Oo Ka Jawaabay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyey Arbacadii Shalay Fariina U Diray Kuwa Caadaystay Wararka Aaan La Hubin

Hargeisa(WSN) Agaasimaha Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargeisa Md Maxamed Xuseen Jaamac Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Ay Warbaahinta gaarka midi Baahisay Oo Ku Saabsanaa In Hanti Dhawrka Qaranku Uu Baadhitaan Ku hayo Dawlada Hoose Ee Hargeisa Isla Markaana Agaasimihii Maamulka Laxidhay
Agaasime Maxamed Xuseen Jaamac Oo Shabakada Wararka Gaaroodinews Ay Khadka Taleefanka Kuwaraysatay Ayaa Sheegay In Warkaasi Uu Ahaa War Sal Iyo Raadtoona Lahayn cid la xidhay oo ka tirsan dawlada hoosena aanay jirin Isaguna uu hawlihiisa wato cid xidhay iyo cid wax waydiisay tooona aanay jirin, Xafiiskiisa iyo kuwo kale toona Aan Wax Baadhis Ah Lagu Samayn
Agaasimuhu Waxa Kale Oo Uu Sheegay In aan Xafiiskooda Wax Murani Aanu Kajirin Shaqada Dawlada Hoosena Ay Sifiican Usocoto, balse laga yaabo dad ujeedo gaara lihi ay arrintan warbaahinta u gudbiyeen, balse waxay ahayd in ay warbaahintu hubiso siday wax u jiraan oo ay la xidhiidhaan maamulka xafiiska ama anigaba, hadii ay cid waayeena ay yimaadaan dawlada hoose oo ay arkaan in xafiisku xidhan yahay taasina ma dhicin waxanan leeyahay inamada warbaahinta hubiya waxa aad dadka u gudbinaysaan, wax walba dabo ayey leeyihiin oo beentu way soo xidhantaaye
Gabagabadiina Waxa Uu Usoo Jeediyay Shaqsiyaadka Warbaahinta Wararkaa Khaladka Ah Siinaaya Inay ka Waantoobaan, Waxa Kale Oo Uu Agaasimuhu Sheegay In Shaqadii Xafiiska Maamulku Ay Sifiican Usocoto Hanti Dhawrkuna Uu Usimanyahay Dhamaan Xafiisyada Dawlada waana waajib saaran inay hawlahooda ka gutaan cidii ay ka shakiyaan balse xafiiska dawlada hoose may iman baadhisna kuma hayaan

Xigasho Gaaroodinews.com