Carro-weyn: Dawladda Somaliland Oo Qaramaysay Ciidamo Uu Hoggaaminayo Taliyihii Madaxtooyada Ee Xilligii Madaxweyne Cigaal iyo Xukumaddii Riyaale
Kuwaad 12 Cuqaasha beesha Cali Gari ah iyo waxgaradkooda ayaa sheegay in ciidamadan qalabkooda sita ay yihiin kuwii kaga jiray maamulada Puntland iyo Khaatumo
Taliye Abokor Sulub oo taariikhda Somaliland ku suntan ayaa mar kale ku suntanaan doona hawlkarnimadii iyo dedaalkii uu ugu jiray Midho dhalka qaran ay u dhan yihiin Shacbiga Somaliland.
Carra-weyn(Warsugan) Dawladda Somaliland ayaa qaramaysay ciidamo tiradooda lagu qiyaasay inka badan 260 oo ka soo baxay maamulka Puntland iyo kooxda Khaatumo. Ciidamadan oo ku sugan deggaanka Carra-weyn oo ilaa 30km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Buuhoodle waxaa halkaasi shalay ku soo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaaradda boosaha iyo isgaadhiista Somaliland mudane Cismaan Garaad Soofe iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka ee aaggaasi.
Abokor Sulub oo ahaa taliyihii madaxtooyada Somaliland ee dawladdii marxuum Cigaal iyo xukumaddii Daahir Riyaale, ayaa hoggaaminayay ciidamada Somaliland soo dhaweysay, waxaanu sheegay inay guud ahaan ciidamada ka kala keeneen maamullada Puntland, Khaatumo iyo kuwo deggaannadaasi iyo meelo kale ka kala tirsanaa. Ciidamadan ayaa Somaliland ka goostay iyagoo qaba tabasho dhinaca daryeelkooda ah hase ahaatee hadda muujiyay siday ugu kalsoon yihiin dawladda Somaliland iyo ka mid noqoshada ciidamada Qaranka.
Ilaa 12 Cuqaasha beesha Cali Gari ah iyo waxgaradkooda ayaa sheegay in ciidamadan qalabkooda sita yihiin kuwii kaga jiray maamulada Puntland iyo Khaatumo, haddana ay go’aansadeen inay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. waxgaradka beeshaasi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay Somaliland wax ula qaysan lahaayeen, islamarkaana uga shaqayn lahaayeen midnimada, horena ay ugu suntanaayeen wada jirka Somaliland.
Taliyeyaashii ciidamadan watay ayaa madaxda ku wareejiyay masuuliyadda ciidamada “Mudane Wasiir iyo jeneral Cali Barre, ciidamadan waa kuwii beesha Cali Gari kaga jiray Puntlad, Khaatumo iyo meelo kaleba. Waxaanu isugu soo ururinay beesha oo midaysan oo odayaasheedii, waxgaradkeedii, aqoonyahankeedii iyo cuqaasheedii wadata, waxaanu ku midawnay inaanu mucaaradnimo ka baxno oo aanu Somaliland noqono oo wax la qabsanno. Ciidankan oo 260 askari dhan waxaa ku jira kuwa boolis ah. waxaanu soo qaadanay ninkii nabad sugidda Puntland ugu sarreeyay, waxayagii oo dhan waanu soo ururinay,” ayuu yidhi Abokor sulub ooh ore Somaliland uga ahaa talliyaha madaxtooyada xukumaddihii Riyaale iyo Marxuum Cigaal.
Saraakiisha ayaa madaxda iyo saraakiisha ciidamada Somaliland waxay ku boorriyeen la wareeggida ciidamadaasi iyo nidaamkooda maamul, si loo waafajiyo habka ciidan ee Somalilad, maadaama beesha haldoorkeeda iyo xooggeeda ciidamada kala duwan ka tirsanaa hadda la bahoobeen ciidamada qaranka iyo guud ahaan Somaliland.
Afhayeen u hadlay jiif caaqilada ayaa muujiyay siday diyaar ugu yihiin wax la qaybsiga mushtamaca Somaliland “Anigoo ka wakiil ah Cuqaasha beesha Cali Gari waxaanu u taaganahay inaynu wax wada qaybsanno; hadday tahay ciidamada iyo hadday tahay arrimaha bulshada qaybtii aanu xaqa u lahayn. Taliska ciidanka iyo wasiirkaba waxaanu u soo jeedin inay qaabilaan ciidankan maadaama ay tahay libaaxa Africa malaha lala bariyi maayo ciidamo inay qaadato. Reerkani waa reer Qaran ah oo aad taqaanan, 1960 gobannimadii idinkaa la ordaye reer Cali Gari baa dhaliyay, ninkii yidhi todoba cisho u kaadiya reer Cali Gari ayuu ahaa, markii Somalia la isu tagayna ninkii kuraasta qaybiyay reer Cali Gari ayuu ahaa, maantana burji ayuu reerku leeyahay in gooni isu taaga Somaliland dhasho ayaanu rajaynaynaa.”
Taliyaha aagga Bari ee ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeyo guuto Cali Barre ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidamada beesha Cali Gari. Waxa uu sheegay in ciidamadaasi hore uga mid ahaayeen ciidanka qaranka hase ahaatee ay ka baxeen “Awalba lug baad kula jirteen Somalilad ee haddii aad tidhaahdeen lugtii kalena waanu la soo galnay waxaanu idinku soo dhaweynaynaa rabitaan iyo maamuus iyo jacayl. Ku soo dhawaada ciidanka qaranka mar haddii aad Puntland iyo Khaatumo ka soo baxdeen, idinkaa u hormuud ahaa Khaatumo idinkaana la idin kaga dayan qaranimada,” ayaa ka mid ahaa hadalada saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland.
Wasiir Cismaan Garaad Soofe oo ugu dambeyn ka hadlay madasha lagu soo dhaweynayay ciidamada laxaadka leh, wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay “Kormeer baanu idiinku nimid, ciidamada qaranka ayaa ka mid tihiin hadda laga bilaabo oo waajibaadka ciidanka qaranku leeyahay ayaad leedihiin, xuquuqda ay leeyihiin mid la mid ah ayaad leedihiin. Ciidanka Somaliland baad ka mid tihiin oo xuduuda ilaaliya cidna dhibaato gaar ah kuma haysaan, ciidankana kuwaas uun buu la mid yahay cid uu dhib gaar ah ku hayo ama u gaysanayaana ma jirto,” ayuu yidhi Mr Soofe oo intaasi raaciyay in ciidankaasi la nidaam yahay ammarada saraakiisha ciidanka qaranka, islamarkaana yahay ciidankii deggaanka oo aan cidna duulaan ku ahayn.
Dawladda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hanatay quluubta bulshada gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, halkaasi oo bulshadu tabashooyin ka qabtay nidaamka Somaliland. heshiisyo u dhexeeya beelaha iyo xukumadda ayaa isa soo tarayay iyadoo rajo weyn laga qabo in diwaangalinta iyo doorashooyinka soo socda ay ka qayb qaataan bulshadaasi.
Togdheer, Gabiley, Wajaale iyo Gobollada Galbeedka Oo Laga Soo Dhaweeyay Ansixinta Heshiiska DP World
Hargeysa(Warsugan) Bulshada Somaliland ee gobollada iyo degmooyinka ayaa soo dhaweeyay heshiiska maalgalineed ee dekedda Berbera kaasi oo golaha wakiillada Somaliland dorraad ansixiyeen. Madaxdhaqameed iyo waxgarad ku kala sugan deggaannada Boorama, Gabiley, Hargeysa iyo meelo kale ayaa tilmaamay inay muhiim u arkaan horumarinta dekedda Berbera oo ah tan kaliya ee si rasmi ah uga shaqaysa dekeddaha ku dhereran xeebaha Somaliland.
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ah madaxda dhaqanka gobolka Awdal oo shalay ka hadlayay kulan madaxda dhaqanku ku soo dhawaysay maalgashiga dekedda ayaa yidhi “Waxaanu isugu nimid oo aanu taageero buuxda u fidinaynaa oo taageeraynaa mashruuca balaadhan ee baryahanba ka socday Somaliland, ee xukumaddu la gashay shirkadda weyn ee caanka ah DP World ee ku saabsan maalgalinta dekedda Berbera. Mashruucaas oo shalay(Dorraad) golaha wakiillada Somaliland ansixiyay ayaanu aad iyo aad u taageeraynaa haddaanu nahay Dhaqankii, odayadii, aqoon yahankii gobolladan Galbeedka Somaliland,” ayuu yidhi Suldaanku.
Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gabiley iyo ururada bulshada ayaa sidoo kale shir ay Gabiley ku qabteen waxay barbar istaageen heshiiska la ansixiyay ee dekedda Berbera. Maayarka Gabiley Maxamed Aamiin, ayaa sheegay in heshiiska DP World yahay aqoonsi dadban oo Somaliland la siiyay. Waxa uu sidoo kale sheegay In mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarka Somaliland ahi barbar socdo maalgalinta dekedda Berbera. Waxaa sidoo kale kulan lagu qabtay Wajaale lagu soo dhaweeyay go’aanka wakiillada ee lagu meel marshay heshiiska DP World.
Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay hirgalinta heshiiska dekedda Berbera. Waxa uu sidoo kale madaxda dhaqanka iyo qaybaha bulshada Gabiley uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka eek u saabsan dekedda Berbera.
Qaarka mid ah hoggaanka dhaqanka Gabiley ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiska dekedda Berbera lagu maalgalinayo. Waxay sheegeen inay madaxweynaha Somaliland iyo guddidayada ka soo shaqeeyay uga mahadcelinayaan tallaabada lagu horumarinayo dekedda Berbera oo la rajaynayo inay dhawaan wada maamulaan shirkad Somaliland iyo Imaaraadku wada leeyahay.
Sidoo kalena madaxda dhaqanka gobolka Togdheer ayaa shir balaadhan oo ay Burco ku qabteen waxay golaha wakiillada uga mahadceliyeen sida fudud ee ay u ansixiyeen heshiiska dekedda Berbera “Dekedda Berbera oo in badan ina ruxaysay, hadalkeeduna taagnaa, way inaga soo dhaweeyeen, ansixinta ay ansixiyeena waanu ku taageersanahay, sidii khayrka lahayd ayay sameeyeen,” ayaa ka mid ahaa hadalka madaxda dhaqanka.
“Heshiiska Somaliland iyo shirkadda DP World waanu soo dhawaynaynaa, si niyad sami leh oo aan shaki ku jirin ayaanu u soo dhaweynaynaa, heshiis kasta iyo go’aan kasta oo dalka dani ugu jirtana waanu taageeraynaa. Waxaanu taageersanahay sida baarlamaanku u meel mariyay heshiiska imaaraadka iyo Somaliland. go’aan kasta oo dalka u wanaagsan oo kan dekeddu ka mid yahay ayaanu taageraynaa, golaha wakiilladana waxaanu ku bogaadinaynaa waajibaadkooda ay guteen ee ay ansixiyeen heshiiskaa,” ayaa hadalka odayaasha ka mid ahaa.
Suldaanka Guud Ee Beelaha Habarjeclo Oo Wacad Ku Maray Inay Ka Fiirsan Doonaan Halka Ay Codkooda Marin Doonaan Xisbiyada Qaranka Uga Digay In aanay Cidla Ka Jiboon
Akhri Go’aamadii kasoo baxay Gunaanadkii Shir dhaqaeedka Guul iyo Gobanimo ee Beelaha Daahir Faarax Allamagan Cabdille iyo Xuseen Cabdille
Beer(Warsugan) Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo oo soo gunaanaday shir maalmihii u danbeeyey Ardaayada Daahir Faarax, Xuseen Cabdille iyo Allamagan Cabdille uga socday Dooxada Beereed ayaa hoosta ka xariiqay doorkan in beesha guud ee uu suldaanka u yahay ay ka fiirsan doonaan hubina doonaan halka ay codkooda marin doonaan isagoo suldaaanku bedka soo dhigay inaan waxba ka jirin taageerada la sheegay in Xisbiyada loo hayo taasna bedelkeeda uu ugu baaqay axsaabta inaan been loo sheegin oo aanay cidla ka muraaqoon, shacabka kala duwan ee uu Suldaanka u yahayna si weyn uga baaraan degi doonaan halka ay codkooda oo midaysan ku shubi doonaan isagoo shuruudo adag ku xidhay cidkasta oo cod doonaysa, suldaanka ayaa hadalkiisa ku ta’akiidiyey kuna ladhay dhaar uu dhawr jeer ku celi celiyey taasina ay muujinayso sida ay uga go’an tahay meel marinta qorshaha suldaanka iyo sida uu ugu taliyo beelaha uu hogaamiyo.
Suldaanka guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa u quus gooyey Xisbiyada kala duwan ee qaranka, waxaana uu suldaanku sheegay in Ardaayada kala duwan ee uu suldaanka u yahay ay doorkan ka fiirsan doonaan cida ay codkooda siinayaan waxaana hadalada suldaanka ka mida ahaa ” Xisbiya waxaan leeyahay waxaa la leeyahay Kulmiyaanu raacnay waxba kama jiraan waxaa la leeyahay waxaanu raacnay Wadanina waxba kama jiraan, waar walaahay waan idin eegaynaa waxaad qabataan baanu idin eegaynaa hadalkiinaanu dhegaysanaynaa walaahay taftniid baad ku jirtaan yaan been laydiin sheegin, walaahay ninkii aanu aamino waxa uu qabanayo ninkii aanu aragno inuu daacad yahay ninkaasuun baanu codkayaga siinaynaa ”
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta ku jiraan marxalad hubsiimo ah islamarkaana ay codkooda siin doonaan cida hogaamin karta qaranka una arkaan inay shacabka baahiyihiisa wax ka qabanayso balse aanay marnaba waxba ku bixin doonin jibo suldaanku waxa uu axsaabta qarkood ku canaantay inaanay haba yaraatee wax qaadhaan ah ka geysan shirkan iyo kii hore ee lagu qabtay Magaalada caynaba sababtuna ay iswaydiin leedahay waxaana ka mid ahaa hadaladii Suldaanka Cabdilaahi sidantan ” Waar maanta waxba faan faan ku bixin mayno waaryaadha inaga hubsada nimankaa waar ninkaynu caruurteena u dhiibayno waar ninka gurigeena ka talinaya waar ninka adhigeena ka talinaya shicibow maantay talo inala gudboon tahay, waar ninkii ina wadi lahaa ee caruurta dhiqi lahaa maatada daa dahayn lahaa ee aan xamar inala qabanayn ee inala qoor jeexayn”
Hadalkan Suldaanka ayaa imanaya xili goobta gunaanadka shirka ku sugnaayeen Saddexda Xisbi qaran ee Kulmiye,Wadani, Ucid kuwaas oo qaarkood si soo dhaweeyeen hadalkaasi kuna farxeen, hadalka suldaanka ayey ku ladhnayd dhaar isagoo run sheegaayey, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa suldaan ay beelaha Habar Jeclo si weyn uga danbeeyaan sidoo kalena Musdanbeed u ahaa guud ahaanba ardaayada kala duwan ee uu Suldaanka u yahay.
Go’aamadii kasoo baxay Shir dhaqaeedkii ay Degamda Guul iyo Gobanimo ee Beer ku yeesheen Beelaha Daahir Faarax Allamagan Cabdille iyo Xuseen Cabdille
- Inay go’aan ku gaadhay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ku bogaadinaysaa bulshada kale ee Somaliland inay shareecada ku dhaqmaan.
- Taageerada Jiritaanka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland
- Waxaa la doortay 21 xubnood oo danaha beesha wadi doona islamarkaana hagi doona
- Waxay beeshu go’aansatay inay si buuxda uga qeyb qaadato doorashooyinka soo socda ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyadda, waxayna u diyaarisay 3 xubnood oo labana laga sharixi doono Gobola Togdheer halka mid kalena laga sharixi doono Gobolka Saaxil
- Waxay beeshu go’aan ku gaadhay inay si buuxda uga shaqayso adeegyada Aasaasigaa ee Bulshada iyo kuwa horumarineed ee deegaanada ay degan tahay oo dhan
- Beeshu waxay Xukuumadda ka raadsanaysaa wixii ay ka tabanayso ee xuquuqa
- Beeshu waxay Xukuumadda si buuxda ugu taageeraysaa mashaariicda horumarineed ee ka socota deegaamada gaar ahaan Gobolka Saaxil ee ay ugu horayso mashruuca weyn ee Dekeda Berbera lagu maal gelinayo
- Deegaanka Kililka Shanaad oo ay beeshu deegaan balaadhan ku leedahay, waxa ay go’aansatay inay ilaaliso ay si buuxda u hirgeliso qawaaniinta iyo shuruucda Dawlad Degaanka Somaliyeed ee Klilka 5aad iyo qawaaniinta guud ee Dawladda Faderaalka Itoobiya islamarkaana si buuxda u ilaaliso deegaanada ay ka degto Kililka 5aad
- Beeshu waxay taageero mugle u haysaa Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Md: Axmed Maxamed Siilaanyo waxay kaloo taageero mugle u haysaa Xisbi xaakimka Kulmiye ee Talada haya isla markaa beeshu waxay soo dhaweynaysaa Xisbiyada kale ee Qaranka .
Maxaad Ka Ogtahay Beel Ka Mid ah Beelaha Degga Somaliland Oo Wakhti Ka mida Wakhtiyadii Adkaa Ee Soomaray Dalka 60-Libaax Sida Awrta U Rartay, iyo Diyaaradii Ugu Horaysay Ee Sawir Ka Qaaday!
Beer(Warsugan) Caaqil Cali Caddaani oo kamid ah Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Togdheer oo hadal ka jeediyey Shirkii Guul iyo Gobanimo ee ka socday Degmada Beer islamarkaana halkaasi lagu soo gaba gebeeyey ayaa soo bandhigay Taariikh aan hore loo arag taasi oo muujinaysa in Beelaha Daahir Faarax yihiin taariikhda Africaanka cidii ugu horaysay ee Diyaarad lagu sawiray ka dib markii uu Caaqilku miiska soo dhigay Buug koobsaday taariikhdaasi oo ku qoran Af-carabi lagana soo helay Madxafkii qadiimka ahaa ee Dalka Ciraaq oo hada baaba’ay.
Taariikhda uu Caaqilku soo bandhigay ayaa sheegaysa in African kii ugu horeeyey ee Diyaarad lagu sawiro ay ahaayeen Ardaayada qabsaday Shirka Guul iyo Gobanimo iyadoo taariikhduna ku baxday xilli abaar xuni soo food saartay deegaanka ay deganaayeen Ardaayadu islamarkaana ay haraad soo wajahay Maatadii taasi oo keentay in lagu gaadho mar hadii ay gaadiidkii Awrta iyo Geeliiba fadhiisteen lasoo qab qabto Libaaxyada ku jira Kaynta si loogu soo dhaamiyo Reeraha islamarkaana ay soo qabteen in ka badan 60-Libaax oo usoo dhaamiyey Caynaba, ka dib markii ay Libaaxyada oo aroori soo gaadheen Deegaanka Caynaba oo markaa ahaa halka Soomaalida biyo ugu dhaw ayaa markii uu Libaaxii biyihii uriyey cidooda qabsaday taasina ay sababtay in Magaalada Caynaba laga qaxo ilaa Ciidamadii Ingiriiska ee joogay ay qaxaan kuna hadlaan taar si gurmad loogu soo diro waxaana wakhtigaa Magaalada Cadan uu Ingiriiskii kasoo kiciyey Diyaaradii ugu horaysay taasi oo sawirtay ka dib markii ay ka noqdeen Ceelka caynaba libaaxyadii oo reerihii lagu furay lana waraabiyey Maatadii.
Caaqil Cali Caddaani oo taariikhdan cajiibkaa soo bandhigay ayaa waxaa uu sheegay in taariikhdani daaqada ka saarayso tii ina Cabdalle Xasan islamarkaana ay Beelahan noqonayaan dadkii ugu horeeyey ee African ah ee Dhaamiya Libaax sidoo kalena ay Diyaaradi sawirto waxaana ka mid ahaa hadaladii Caaqil Cali Caddaani sidan ” Saddexdan beelood ee Daahir Faarax, Xuseen Cabdile Iyo Alla-magan Cabdille ee halkan shirka ku qabtay taariikhiyan la garanayaa ( Al-macruuf Laa Yucaraf) bay carabtu tidhaahdaa markaa sheeg sheeg uma baahna, 300 oo sano buug laga soo helay oo laga soo qaaday Madxafkii Ciraaq baaba’ay ee qadiimka ahaa berigii anigu aan Iskuulada dhigan jiray waxaa taariikhiyan u qornaa African cidii ugu horaysay ee diyaarad lagu soo kiciyey uu ahaa Ina Cabdille Xasan sidaasaa jirtay, Buugaasi laakiin taariikhdaa inaan lahayn baan u malaynayaa wuu bedelay wuxuu sheegayaa Diyaaradii ugu horaysay ee African lagu soo kiciyey waxaa lagu soo kiciyey Habar Jeclo Reer Daahir sidaas baa buuga ku qoran buuguna wuu tafsiiray sida lagu soo kiciyey diyaaradda, af carabi buu ku qoran yahay wuxuu leeyahay abaarbaa dhacday wakhtigaa 1,700 meelahaa abaartu markay dhacday qolyahani dadka waa ugu horeeyeen markaa xuduudku muu jirin meelahaa hawdka meel kamida bay deganaayeen, Awrtii iyo Geelibaa fadhiistay maatadii wax loo dhaamiyaabaa la waayey dabadeedna waa la shiray waxaa yidhi waar maataduna waa bakhtiyeysaa inaguna waa bakhtiyeynaa sidee yeelaa meeshu Xagar daad bay lahaydoo libaax xagar daadkaa ku jira ayaa 50 nin laysku raacoo kolba mid baa la qabtay isna waa haraadan yahay abaartu waa haysaa dabadeedna waxaa la yidhi ileen Abjad qaadi maayee waxaa la saaray Karbaashyadii, Koorayaashii iyo Haamihii mid walba saddex casho uun bay meel ku xidheen dabadeedna Caynabaa loosoo dhaamiyey 60-Libaax ayaa qoladaa reer daahir usoo dhaamisay Caynaba, halkaasaa biyo ugu sokaysay Libaaxu waa nuguloo markii uu arkay biyihii uu uriyey ayuu marqudha wada qeyliyey waa la yaacay Ingiriiskii xoogaa ciidana oo ka joogay waa baxay Taarbay ku hadleen Diyaaradaa Cadan laga soo kiciyey iyagoo furaya Libaaxii oo reerihii waraabiyey oo diyaaradaasi sawirtay markaa cidii ugu horaysay ee African ee diyaarad lagu soo kiciyo qoladaasay ahayd hala ogaado taariikhdaa”
Si Kastaba ha ahaatee Taariikhdan oo koobsanaysa dhacdo cajiiba oo aan hore loo maqal ayaa ahayd hadal hayntii ugu badnayd ee socotay laguna hal qabsanaayey mudadii uu gunaanadka shirkaasi lagu gudo jiray, waxaana ay noqonaysaa taariikh facweyn oo ku cusub dhegaha Africanka iyo Soomaalida iyo bedelkeedana meesha ka saaraysa taariikhdii odhan jirtay diyaaradii ugu horaysay ee African sawirta ay Maxamed Cabdalle Xasan Sawirtay
Xukuumadda Somaliland Gaadhi Nooca Gurmadka Caafimaadka Deg Dega Ah Ku Wareejisay Degmada Awr-Boogays
Hargeysa(Warsugan) Xukuumada Somaliland ayaa gaadhi Anbalaas ah ku wareejisay Degamda Awr-boogays oo uu dhawaan ka qabsoomay shirweyne balaadhan oo dhexmaray Xukuumada Somaliland iyo islamarkaana ay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi qalinka ku duugeen inay qaateen qaranimada somaliand si buuxdana u aqbaleen, waxaana shir jaraaid oo ay si wada jira u qabteen Wasiirada Waraaradaha Warfaafinta iyo Biyaha ayaa shaaca ka qaaday in Degamda Awr-boogays lagu wareejiyey Baadhi nooca gurmadka deg dega ah ee loo yaqaan Anbalaas oo loogu talo galay inuu u adeego deegaankaasi iyo guud ahaanba degmooyinka u dhaw dhaw.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo wareejinta gaadhigaasi ka hadlay ayaa sheegay in gaadhigan loogu talo galo galay gargaarka caafimaad ee Awr-boogays iyo deegaanada u dhaw dhaw , wasiirku waxa uu xusay inuu gaadhigan uu ku deeqay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxaana hadalkii Wasiirka ka mid ahaa ” Awr-boogaysna waxaan u malaynayaa taariikhda JSL inay meel weyn ay kaga jirto waa meeshii shirkii 3aad ee JSL ka qabsoomay , Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Anbalaaskaa islamarkiiba keenay oo ku wareejiyey Degmada Awr-boogays iyo dhakhtar Cali Bulaale, waxaanu filaynaa inuu wax ka tari doono wixii bukaan socoda ee degmadaas ay leedahay iyo meelaha u dhaw dhawba”
Wasiirka Kheyraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Degmada Awr-boogays baahi weyn u qabtay gaadhigan wax weyna uu ka bedeli doono baahiyaha caafimaad ee jira waxaana uu yidhi Wasiiku ” Degmada Awr-boogays oo aanu anagu tagnay degaan aad u kala fog oo dhakhtaraduna ka fogyihiin uu yahay”
Gaadhigan Gargaarka deg dega ah ayaa baahi weyn u qabtay Degmada Awr-boogays qabtay baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah, iyadoo aan hore u lahayn gaadiidkaasi, waxaana hoos yimaada deegaano badan oo kuwaas oo xaalado caafimaad ka haystaan dhanka gargaarka deg dega ah balse waxa uu noqon doonaa mid si weyn wax uga baahiya caafimaad ee Deegaanadaasi ka jira.
Dawladda Somaliland iyo Bangiga Adduunka Oo Ka Wada Hadlay Mashaariic Bilicda iyo Biyaha Hargeysa Lagu Horumarinayo
Hargeysa(Warsugan) Wasiirada maaliyadda, qorshaynta qaranka oo ay weheliyaan maamulka dawladda hoose ee Hargeysa ayaa shalay kulan la qaatay masuuliyiin ka socday bangiga adduunka oo u socday mashaariic lagu horumarinayo bilicda iyo biyaha Hargeysa. Madaxda ayaa sheegay in mashaariicdaasi muhiimad u leeyihiin nadaafadda Hargeysa iyo kor u qaadista adeegga biyaha ee caasimadda.
Kulan labada dhinac ku yeesheen xarunta wasaaradda maaliyadda waxaa sharaxaad ka bixisay wasiir Samsam Cabdi Aadan “Qolada Bangiga Adduunku waxay noola yimaadeen mashaariic ay la qabanayaan dawladda hoose iyo wakaallada biyaha Hargeysa, markaa hawshu waa bilaw, faahfaahinta lacagta iyo barnaamijka ay hayaana waa ka wada hadlaynaa. Baahiyaha jire ee dhinaca bilicda iyo biyaha ayaanu ka wada hadalnay in khayr ka soo baxana waanu rajaynaynaa,” ayay tidhi Marwo Samsam.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta Cali Salaan Jirde(Shoombe) ayaa tilmaamay inay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan kor u qaadista biyaha, sidoo kalena samaynayaan biyo shubka jidadka iyo meelaha lagu xafidayo khashinka, nooca dareeraha ah iyo kuwa kaleba. Waxa uu tilmaamay inay muhiim yihiin adeegyada qorshaha ugu jira bangiga aduunka.
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa isna ka hadlay qorshaha bangiga aduunka “Waxay wadaan mashruuc lagaga shaqaynayo xagga nadaafadda iyo biyaha. Mashruucaas oo lagu dhisayo dhaamamkii khashinka iyo meelihii khashinka la gaynayay si magaalada looga dhammeeyo khashinka, waxaanu bilaami doonaa sanadka soo socda,” ayuu yidhi Mr Soltelco, halka ay madaxda bangiga aduunkuna tilmaantay inay u socdaan taageerida bulshada Somaliland.
Beelaha Ku Diriray Deggaanka Bacaha Oo Nabad La Dhex Dhigay Iyo Odayaal La Dhaariyay
Ceel Afweyn(Xafiiska Af Hayeenka)- Waftidii Uu Hogaaminayey Wasiiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ee arrimaha nabadaynta u joogay deegaanka Bacaha oo ka tirsan Degmada Dararweyne ee Gobolka Sanaag ayaa maanta ku iskugu yeedhay sulaadiinta cuqaasha iyo wax garadka labada ardaa ee dhawaan dirirtu ku dhex martay Bacaha halkaasi oo dagaal ku dhex maray kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba.
Waftida saaka shir iskuyeedhay labada ardaa ee deegaankaasi dirirtu ku dhex martay iyo gudida nabadaynta waxaana isla goobtaasi lagu dhaariyey 50 oday oo kamida sulaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka labada ardaa ee deegaankaasi dirirtu ku dhexmartay.
Ugu horayn wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo Shirkaasi furay ayaa labada beelood si miisaan leh ula hadlay iska sheegay in manta ay sadex xaalo uga fadhiyaan kuwaasi oo kala ah .
1-in laba bilaabo caawa(xalay) ay si bilaa shuruuda ku kala raraan maleeshiyaadka Hubaysan ee kasoo kala jeeda labada beelood
2- in beel walba laga dhaariyo 25 oday oo ah mudanta reerka inay qaadanayaan nabad oo dadkooda iyo beeshoodana nabadaa u qaadayaan
3- in ciidamada milatariga iyo birmadkuna fasax u yihiin laga bilaabo maalinta barri inay cidii ay hub ku qabtaan kala wareegaan iyagana xabsiga u taxaabaan
Dhinaca kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirada gaashaandhiga iyo dib u dajinta oo iyaguna wasiirka arrimaha gudaha sidaasi ku raacay. Ugu danbayntii ergada labada ardaa ayaa qaatay go’aamada loo joo jeediyey iyaga oo ajiibay go aanka wasiirada isla markaasi beel walba waxaa isla goobta gacanta loogu saaray kitaabka quraanka kariiimka ah iyaga oo shan shan loo dhaariyey 50 ka oday oo 25 odayba dhinac yihiin.
Xildhibaan Nacnac Oo Bulshada Ugu Baaqay In Laga Qayb Qaato Dhismaha Cisbitaalka Dhimirka Hargeysa
Hargeysa(Warsugan) Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha cisbitaalka Dhimirka ee Hargeysa oo dhismihiisu socdo. Waxa uu sheegay in dhismahaasi qayb laxaad leh ka qaadanayo dadka dhimirka wax ka qaba ee ku dayacan dariiqda magaalooyinka, kuwaasi oo u baahan daryeel bani aadanimo.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay tabarucaad gacan lagaga gaysto dhismaha cisbitaalka Dhimirka ee ka mid ah dhakhtarka weyn “ Dadkeenaa dhimirka wax ka qaba ee waddooyinka maraya rag iyo dumarba waa inagu ceeb, Alle ceebteena ha asturee, Illaahay yaanu ceebteena bannaanka dhigin ee aynu iska dhammayno cisbitaalka loo dhisayo dadka dhimirka wax ka qaba,” ayuu yidhi.
“Ninkii laba boqol helaya, ninkii saddex boqol helaya, ninkii in ka badan helayaa waar ka kaca ayaanu leenahay, inamo reer London ah ayaa aad wax uga qabtay oo aanu iyagana u ducaynaynaa. Bulshada Somaliland gaar ahaana reer Hargeysa waxaanu leenahay qofka labaatan dolar helaya ka boqol helaya cid walba waxay helayso ha kaga qayb qaadato, walaalayaal aynu meeshaa iska dhammayno ee dadkii u baahnaa waddooyinka wada hurdaan,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Musharaxiinta U Taagan Golaha Wakiillada Oo Ka Digay In Doorashada wakiillada Dib Loo Dhigo
Hargeysa(Warsugan) Ku dhawaad labaatan ka mid ah musharaxiinta doonaya inay doorashada golaha wakiillada Somaliland u tartamaan horraanta 2017-ka ayaa madaxweynaha ugu baaqay inaanay marnaba dhicin dib u dhac ku yimaada doorashada Wakiillada. Musharaxiintan ayaa ka walaacsan in dib loo dhigo doorashada wakiillada, lana soo qaddimo tan madaxtooyada Somaliland.
Golaha wakiillada Somaliland ayaa hore go’aan ugu gaadhay in mar la wada qabto doorashada madaxweynaha iyo tan wakiillada, waxaana go’aankaasi sii adkeeyay maxakamadda sare oo go’aamisay in wakhtiga guurtidu mudaysay la qabto doorashada wakiillada iyo madaxtooyada, hase ahaatee caqabada ka taagan saami qaybsiga ayaa abuurtay shaki ah in dib u dhac ku yimaado doorashada wakiillada.
Siyaasiyiintan Hargeysa saxaafadda kula hadlay waxay ku doodeen in dib u dhac ku yimaadda doorashu noqonayo in bulshadu ka aamin baxdo Somaliland “Waxaanu nahay musharaxiintii Somaliland, haddii ay dabeecad inaga noqoto in mar walba sidii ballantu ahayd si ka duwan wax u dhacaan, waxay keenaysaa inaanay umadduna ina aaminin, inaga laftarkeenuna is aamini wayno. Mudane madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad na tidhaa saami qaybsigiina waan dhammeeyay, doorashaduna waa wakhtigeedii ee doorashada ha la isugu yimaado ciddii wax isla haysa. Taas ayaanu kaaga fadhinaa madaxweyne. Dhawaaq taas ka gadisan hadduu kaa soo baxo waxay nala tahay inay dawanka guud ahaan nusqaan ku noqonayso,” ayaa ka mid ahaa dalabka musharaxiinta.
Mudaneyaashan ayaa ka digay in la kala qaado doorashooyinka madaxtinimo iyo wakiillada “Cidda ku riyoonaysa waxbaa la kala reebayaa oo baarlamaanka ayaa laba sanno loo kordhinayaa,waxaa ka horaysa wixii sharciyaddaas lagu kordhin lahaa in la keeno. Anagu waxaanu diyaar u nahay doorashada,” ayaa dooda musharaxiinta ka mid ah.
Ugu dambeyna waxay tilmaameen inaan wanaag laga dhaxlin kuraas muddo dheer la iskaga fadhiyo, iyagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu go’aan ka qaato arrinta saami qaybsiga oo ah caqabada kaliya ee dib u dhigi karta doorashada. Madaxweynaha waxaa hor yaalla sidii uu si caddaalad ah bulshada Somaliland ugu qaybin lahaa 82 kursi ee wakiillada, taasi oo lagu tilmaamay mid adag marka loo eego daraasado la sameeyay oo dadka la waydiiyay taladooda ku aadan saami qaybsiga.