Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 165aad iyo Maanta

0
465

Khilaafka  Musharaxnimada Madaxweyne Ee  Xisbiga Waddani Oo  Istaadhmay

Xisbiga Waddani Oo Siyaasi Muddo Musharaxnimada Madaxweyne U Taagnaa ku Sheegay Mid Xukumaddu Adeegsanayso

Hargeysa(Warsugan) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dooday in siyaasiga Maxamed Xirsi Guuleed aanu ka tirsanayn xisbiga Waddani. Siyaasiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay saxaafadda ka sheegayay inuu yahay masharax madaxweyne oo guddoomiye Cirro la tartamaya, iyagoo mararka qaarna codsaday inuu Guddoomiye Cirro u tanaasulo, hase ahaatee maalmo kadib cayimaadda shirka golaha dhexe ee Waddani ayaa xisbigaasi meesha ka saaray in siyaasigaasi ka tirsan yahay xisbiga.

Xoghayaha golaha dhexe ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur oo shalay u waramay telefishanka Star ayaa sheegay inaanu siyaasigaasi ka mid ahayn xisbiga “Ninkaas saxaafadda ayaan ka arkaa laakiin, ilaa imika xisbiga kama mid aha, markaa xisbiga xubina kama aha goleyaashiisana kama mid aha,” ayuu yidhi mudane Cismaan Afgaab

Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay xisbiga cid aan ka tirsanaynu u tartami Karin jagooyinkiisa “ Xisbiga qof ka mid ah ayaa xisbiga gudihiisa ka tartami kara, musharaxiinta goleyaashiisa kala duwana u tartami kara. Sida uu tilmaamayo qodobka sagaalaad ee shuruudaha xubinimada marka la buuxiyo ayay xuquuqdii qofku ka dhalanaysaa, markaa qofka aan shuruudaha buuxin xuquuqdii kale ma helayo, markaa qofku aasaaseyaashii buu noqon karaa, ururo ku soo biiray ayuu noqon karaa, markaa ninkan xubnaha golaha dhexena nooguma jiro,” ayuu yidhi mr Afgaab

Geesta kalena xoghaye Cismaan Afgaab ayaa ku dooday in xukumadda Kulmiye dabada ka riixayso xubno doonaya musharaxnimo oo siyaasigani ka mid yahay “ Inuu qof iska hadlaa waa dambi laakiin, waxaan dareemayaa in xukumaddu dabada ka riixayso shakhsiyaadka waxyeelaya xisbiyada mucaaradka, markaa isaga laftiisu waxaan filayaa inuu ka mid yahay uun dadkay dabada ka riixayaan, markaa anagana dhib naguma hayo qof meelahaas ka hadlay,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Siyaasiga Maxamed Xirsi Guuleed ayaa ku dooday in urur uu lahaa iyo Waddani midoobeen sidaasna uu uga mid ahaa xisbiga Waddani “Anigu xisbi Daljir la odhan jiray baan lahaa, iyagoo(Waddani) oo 15 cisho urur ah, aniguna aan sanad urur ahay oo gole dhexe leeyahay, gole fulineed aan leeyahay, hoggaan aan leeyahay ayaanu isku darsanay ururkaas. aniga iyo Cabdiraxmaan wixii doonaa hanaga dhexeeyaan laakiin, meel aan kaga noqday iyo meel aan ku idhi waan ka baxay midna ma jirto, markaa ninka yidhaahda taas waa nin aan waxba ka ogayn oo uba jawaabi maayo,” ayuu yidhi Siyaasigu xilli uu waraysi siinayay telefishanka Star.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhawaan iclaamiyay shirkiisa golaha dhexe oo bisha October dhici doona, kaasi oo lagu dooran doono musharaxa xisbiga iyo kuxigeenkiisa.Jagada madaxweyne ayaanay wali jirin cid kula tartamaysa guddoomiye Cirro marka laga reebo siyaasiga xisbiga Waddani dafirsan yahay. Sidoo kalena jagada madaxweyne xigeenka waxaa ku hirdami doona inta la og yahay Axmed Muumin Seed, guddoomiye xigeenka xisbiga, Prof Maxamed Cali iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka soo wada jeeda gobolka Awdal. Xisbiga Waddani oo taageero ku lahaa Awdal waxaa hadda caqabad ku ah Kulmiye kadib markii Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku biiray xisbigaasi. Sidoo kalena khilaafka looga bartay xisbiyada Somaliland tartankooda ayaa laga cabsi qabaa in Waddani qayb ahaan lumiyo taageeradiisa Awdal.

Xukumadda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo Rajo Fiican Ka Muujiyay Wada Hadalka U Bilawday

Badhasaabka Sool iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Bariga Oo Soo Dhaweeyay Bilawga Wada Hadalada

Hargeysa(Warsugan) Wada hadallo muddo laga soo shaqaynayay oo u dhexeeya Xukumadda Somaliland iyo kooxda uu hoggaamiyo Cali Khalliif Galaydh ayaa Khamiistii ka furmay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar. Kulankaasi oo u muuqda mid xogtiisa la qariyay ayaa labada dhinac kaga wada hadlay arrimo la xidhiidha gogol xaadhka kulamo lagaga arrinsanayo qaddiyadda khilaafka Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

Wada hadaladan oo la sheegay in urur goboleedka IGAD iyo waddamo shisheeye qayb ka yihiin waxaa dhinaca Somaliland hoggaaminayay Cali Siciid Raygal  Wasiirka Dibu dejinta , Wasiir Dawladaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, halka kooxda khaatumo ay metelayeen Wasiirka Aminiga Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf,Wasiirka Arimaha Dibada Maxamuud Ismaaciil Shabac,  Wasiirkii Hore Arimaha gudaha Yaasiin Axmed Sulub, Xildhibaan hore oo SSC ah Xariir Awcali , Qurbe Joog Bashiir Mahdi, Caaqil Axmed Xasan X Cumar.

Kooxda Khaatumo iyo xukumadda Somaliland ayaa xaqiijiyay wada hadallada,iyadoo labada dhinacba ka muujiyeen rajo ah natiijo fiican. Wasiirka warfaafinta Cali Khalliif ayaa saxaafadda u sheegay inay rajaynayaan in kulamada bilawday ay ka soo baxaan wax u dan ah dadka ku nool guud ahaan Somaliland, wuxuuna muujiyay inay kalsooni buuxda ku qabaan wadaxaajoodka.

Badhasaabka gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa sharaxaad kooban oo uu ka bixiyay wada hadalka wuxuu ku tilmaamay mid dhamaystiraya wada Somaliland oo bulshada Cali Khaliif hoggaamiyaa ka dhinnayd, Waa hubaal in wada hadalku uu yahay furaha wada noolaanshaha iyo horumarka ” horeyna waxay Soomaali u tidhi, aanu wada hadalo,waa aanu heshiino,” ayuu guddoomiye Shiine ku yidhi boggiisa Facebook.

Waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in wada hadalladu dhammaystiri doonaan wada jirka qarannimada Somaliland “Kolay shacabka Khaatumo iyo madaxdooduba maaha kuwa aynu kala Maarmi karo, inta raacsanayd profesor Cali Khaliif iyo kooxdiisuba waxay ahaayeen inta ka dhinayd dhismaha iyo horumarka qarankan Guud ahaan,gaar ahaan gobolka Sool.  Sidaa daraadeed waan soo dhaweynayaa wadahadalka u furmay Somaliland inteedii kale iyo Khaatumo iyo taageerayaasheedaba,” ayuu yidhi mudane Shiine.

Sidoo kale la taliyaha arrimaha bariga ee madaxweynaha Somaliland  Naasir garaad Abshir ayaa bulshada iyo saxaafadda taabacsan Cali Khaliif ku boorriyay inaanay ka hor iman wada hadalka furmay islamarkaana dhawraan natiijada “ Shirkii shalay  dhacay durbaba qaar ayaa madaxda khaatumo caayay, waxaan leenahay shacabka is dajiya oo qofka waxa  uu wado waa la eega markiiba lagama horyimaado hadii ay ku qancin waayan markaa  ka hor yimaadda laakiin cayda ka daya madaxda, ” ayuu yidhi lataliye Naasir

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu xaqiijiyay in beesha caalamku qayb ka tahay wada hadalada bilawday “Ragga Cali Khaliif ka mid yahay ee ku soo dhiiraday wada hadalka iyo bulshada caalamka oo qayb ka ah oo rabta in mandaqadan aynu deggenahay dadku nabad kuwada noolaadaan dhammaantood way mahadsan yihiin,” ayuu yidhi

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada inay is dejiyaan islamarkaana  ka war sugaan natiijada kasoo baxda shirkaasi hordhaca ah  waxaana uu markale yidhi ” Markaa dadka waxaan usoo jeedinayaa inay isdejiyaan oo cayda durba maalin gudaheed lagu bilaabay  waar waxaa laga sheegaa qof marka mudo bilo ah wixii uu wado aad soo aragtid, shalay shirka dhacay uu Profisoorku ragga wasiirada ah soo diray ninkii maanta caaya ee ragaa madaxda ah aflagaadeeya isagaa shikhsi xun ah, dadka aflagaadada halaga dhaafo far qudhi fool dhaqdaa la yidhi cali khaliif waa nin maskax badan maanta hadii uu u arkay inaan gala guurkaa lagu jiraynin dhinac loo qaado oo loo meeleeyo adeer wuu ku saxsan yahay anaguna waanu ku taageersanahay”

 

 

Cali Guray Oo Taageeray Maalgelinta Marsada  Berbera Si Dad banna U Duray Xisbiga Waddani

Hargeysa(Warsugan) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa tilmaamay in wax kasta oo ka khaldan heshiiska dekedda Berbera ay ka xumaan doonto shirkadda DP oo maalgalinta kala laabata dekedda, maadaama ay jiraan dad arrintaasi muran galiyay oo ka hor jeeda maalgelintaasi. Waxa uu sheegay in muhiimada maalgelintaasi aan la barbar dhigi Karin maalintaasi oo la waayo.

Qoraal kooban oo uu aragtidiisa kaga hadlay ayuu ku sheegay inaanay jirin dan gaar ah oo ugu jirta balse uu danta guud u arko, maadaama oo wax dhaama oo lagu bedeshaa jirin. Waxa uu sidoo kale si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin xisbiga Waddani ah oo uu tilmaamay inay ka soo horjeedaan heshiiskaasi, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“In la ogolaado Mashruuc wax ka qaldan yihiin haduu doono waxa ka sii xun in la diido oo gebi ahaanba la waayo. In la ogolaadaa maaha xaaraan maqdac ah, ee waa talaabo xaga wanaagsan loo qaaday, hadii uu ka badbaadi karo musuqmaasuq, qabyaalad, eex iyo qaraabo kiil marka uu bilaabmo wejigiisa fulintu oo ah ta aniga werwerka ugu wayn aan ka qabo waayo waxan madaxa ku hayaa sidii loo fashiliyay Mashruucii Sahanka Saliida ee GENEL.

Berbera cid aan u haynin wax u dhaama Mashruuca DP World ka dhegaysan maayo aan diidno hadaynu Somaliland waayo waa kanna ha la waayo ku kalena ma hayno eh dan ma u tahay Somalind iyo gaar ahaan Berbera. Anigu maya ayaan leeyahaye bal kuwa leh haa ha inoo faahfaahiyaan khayrka inoogu jira hadii aynu diidno aynu kuba raacno eh.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh masuuliyiinta xukuumadda ee kolna reer la faqaysa kolna dhalinyarada jaamacadaha qaar ka soo naqaysanaysa iyo dad ay si gaar ah wax ugu laabeenoo odayaasha dhaqanku ka mid yihiin waxa ka fiican inay badheedho oo wax garadku iyaga iyo inta ag joogta uun maaha muxaafid iyo mucaaridbana way leeyihiin, dad kale oo kuwa siyaasiyiinta ah ee muxaafid iyo mucaaridka ah aan ahayn kana aqoon badan oon xisbiyoba ku jrinna waynu leenahay waanay buuxaan dalkana way joogaane maxa indhaha looga lalinayaa oo xalaal duhur baa qashayaaye loogu bandhgi waayay ee loogala warwareegayaa. Niman xilal aanay ku haboonayn haya oo la wada yaqaano cid ay wax u sheegi karaan iyo cid wax ka dhegaysanaysa midna ma jirto. Sida ay dadka wax ugu sheegi karaan oon ahayn inay kala xadaan oo kolba in gaar ula faqaan kol kaleba intii isku reerka ahayd ardaayo u sii kala guraan oy isku diraan waxan ahayn garan maayaan,” ayuu yidhi Cali Guray.

 

Maamulada Sool Iyo Saraar Oo Kormeeray Deegaanka Madax-Laguxoor Oo Looga Shakisnaa Deegaamayn Iyo Baaq Ay U Direen Bulshada

Laascaanood(Warsugan) Maamulka Labada Gobol ee Sool iyo Saraar oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan taliska sadexaad ee Ciidanka qaranka ayaa kormeer hawleed ku tegay Degaanka Madax-laguxoor, oo ka tirsan degmadda yagoori ee gobolka sool, halkasi oo dadka reer guuraaga ahi ka samayeen kaam magaalo ahaan loo dhisay oo ay  deegaameyen dadka reer guuraaga ah.

kormerkan oo ay hogaaminayeen Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar,Maayirka Degmada Yagoori Iidle Xuseen Maxamud, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool, iyo masuulin kalo ka socday Gobolka Sararaar, markii ay halkaasi gaadheen waxa ay kula kulmeen kaam cusub oo dadka reer guuraaga ahi ay magaleyeen iyo dhirtii kaymaha ahayad ee degaankaasi oo gumaad loo gaystay waxanay masuliyiintani ka digen Gumaadka dhirta ay u gaystaan rerer miyigu.

kaamkan oo ahaa mid aan xiligaasi kormeerka lagu marayay aan cidi deganayan ayaa waxa ugu horayntii halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar waxanu yidhi “Waa jeexii ay xooluhu daaqayeen in makhaayado yaryar laga furo oo dadka lagu mashquuliyo oo lagu baabi iyo deegaanka marka horeba waa khalad, dadku in ay wada degaan dhulkii banaan sharcibaana laga soosaaray dhulka”

waxa halkaasi isna ka hadlay Maayirka Degmada Yagoori Iidle Xuseen Maxamud, waxanu sheegay in dadkii halkaasi magaleeyay ay dawladu go’aan ka qaadatay isla markaana dadkii laga raray kaamkan ” dadkii halkan deganayaa ayaa laga rarayaa iyo bihii ay kaydsanayeen oo ahaa laba bacood waanu furfuray waxanau saaray gaadiika, dadkii way guuureen waanay furfurteen, biyihiina way ka dhaansadeen waxa markaas lo baahanayhay oo aanu doonaynaa uun in dhulka daaqisnka ah aan la degaamayn oo ilaa Oog,Guumays, Hadhwanaag iyo Yayle cid udhaxayn karta aanay jiri karin deegaanna laga samayn karin dad waynaha intaasi aan sheegay dega ee daaqasatada ah waxa aan farayaa in aan degaan cusub iyo kaam toonna laga ogolayn” ayuu yidhi Maayirka Degmada Yagoori Iidle Xuseen Maxamud.

Dadka reer guuraaga ah ee Gobolka Sool oo ay soo mareen abaaro ayaa imka ka soo doogay iyaga oo xoolahooda ula hayaama ama u guura hadba halkii dhaanta meesha ay xiligaasi deganyihiin.

 

 

Warsaxaafadeed: Wasiirka Duulista Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Gaadiidka Iyo Isgaadhsiinta Dalka Itoobiya

 

Hargeysa(Warsugan) Warsaxaafadeed : Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Duulista Somaliland ee ku sugnaa Dalka Itoobiya ayaa la Kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta  ee Itoobiya.

 

Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyada    Somaliland Mudane Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa kulan la-yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta  ee Dawlada  Itoobiya Mr Workbeh Gebeyehu.

 

Kulankaas oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhiisnta Itoobiya ayaa waxay labada dhinac ka wada hadleen guud ahaan Duulimaadyada u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, Mashruuca  Wadada  Berbera, iyo isu-socodka Ganacsiga, iyo iskaashiga xaga Amaanka ee ka dhexeeya labada dal.

 

waxaana ay ku dheeraaden labada dhinac xidhiidhka Saaxibtinimo ee  Taariikhiga ah ee mudada`dheer u dhaxeeyay  labada wadan.

 

Ugu danbayantii Kulankan oo ay Wasiir Cumar ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye iyo  Masuuliyiinta Safarada Soamaliland ee Addis-Ababa,  ayaa waxa uu ku dhamaaday is afgarad.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Itoobiya Mudane Workbeh Gebeyehu waxa uu balan qaaday in ay Dawladiisu siin  doonto Deeq  Tababaro ah  Hawlwadeenada Wasaarada Duulista Somaliland, taas oo kor u sii qaadi doonta khibrada iyo tayada Shaqaalaha Madaarka Cigaal International Airport iyi guud ahaan dalkaba.

 

Gabagabadii Waftiga Somaliland ee uu hogaaminayo Wasiirka Duulistu ayaa uga mahad celiyey Deeqdaasi Tababarda ah iyo Wadashaqaynta ka dhaxaysa Labada Dawladood.

 

Allaa mahad

 

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada  Duulista

 

 

Xildhibaan Bidhi Iyo Cuqaal Bulshada Togdheer Ee Aan Hore Isu Diwaangalin Ugu Baaqay Ka Faaidaysiga Diwaangalinta Buuhoodle

Burco(Warsugan) Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi) iyo qaar ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer ayaa dadweynaha aan is diwaangalin ugu baaqay inay iska diwaangaliyaan deggaannada Buuhoodle oo la rajaynayo in dhawaan diwaangalinta codbixiyeyaashu ka qabsoonto. Waxay sheegeen in dadka raba inay isa soo diwaangaliyaan loo fududaynayo socdaalka, islamarkaana gaadiidka ay raacayaan loo diyaarin doono.Xildhibaanka ka tirsan golaha deggaanka Burco ayaa si gaar ah farriinta diwaangalinta ugu diray dadkii soo doortay oo uu sheegay inuu rabo inay soo saaraan xildhibaan golaha wakiillada ah.

Gobolka Togdheer oo ahaa kii u horeeyay ee diwaangalintu ka qabsoonto ayaa ku beegmay xilli abaaro dalka ka jireen, islamarkaana dadka qaarkood ka baxsanaayeen xuduuda.Xilliyadaasi ayay jireen walaacyo ku saabsan in diwaangalinta dib looga dhigo balse qorshaha guddida doorashada ayaa u muuqday mid aan la bedeli Karin.

XIldhibaan Bidhi oo xafiiskiisa shalay kula hadlay saxaafadda ayaa dadweynaha u jeediyay baaqa diwaangalinta “Anigoo ku sugan xafiiskayga waxaa ila jooga cuqaashii degaanka la iga doortay, waxaanu dhammaantayo si wada jir ah farriin uga dirno dadkayagii. Sidaad la socotaan waxay diwaangalintii ka bilaamaysaa gobolka  Buuhoodle oo ka tirsanTogdheer oo 22 goobood ah. waxay bilaamaysaa 16-ka bishan. 10 goobood waa xaga soke, 12-na waa xagga shishe, maadaama 22 goobood oo gobolka Togdheer u hadhsanaa ay yihiin waxaan farriin u dirayaa dadweynaha gobolka Togdheer ee aan is diwaangalin inay maanta fursad u haystaan inay iska diwaangaliyaan Buuhoodle oo wax walba diyaar ugu yihiin,” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Sidoo kalena cuqaasha ayaa bulshada ku boorriyay inay is diwaangaliyaan “ Waxaan dadka leeyahay waa fursad aan fursadi ka dambeyn ee ha la is diwaangaliyay. Haddii aad jeceshay inaad qof u codayso oo aanad warqada sidan ma codayn kartid.Waxaanu ku soo dhaweynaynaa dadka xafiiskan xildhibaan Bidhi furay, dadka ugu fog Burco ayay ka tagayaan, waxaanu ku caawin doonaa gaadiid, sii dhaweyn iyo soo celin labadaba,” ayaa ka mid ahaa hadalka cuqaasha.

Xildhibaan Bidhi iyo cuqaasha ayaa si mugleh dadweynaha ugu boorriyay inay ku dedaalaan ka faa’iidaysiga fursaddan hore u seegtay ee hadda la dariska ah. waxay sheegeen inay muhiim tahay farriintan oo siyaasadna aanay ka madhnayn maadaama lagu tartami doono doorashada wakiillada iyo tan madaxtinimada labadaba. Waxay tilmaameen in dhulka balaadhan ee diwaangalintu ka dhacaysaa fududaynayo in dadka meelaha kala duwan joogaa si sahlan u tagi karaan goobaha diwaangalinta.

 

Masuuliyiin Xukumadda Ka Tirsan Oo Dalka Ku Soo Dhaweeyay Haweenay Ganacsigeedu Saamayn Ku Leeyahay Geeska Africa

Hargeysa(Warsugan)  Aamina Xirsi Mooge oo ah ganacsato reer Somaliland ah oo dalka Yugaandha ku nool ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa oo ay socdaal ku timid. Haweenaydan ganacsiga ku leh dalka Uganda waxaa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibada, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, wasiiro iyo xubno kale.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Aamina ku tilmaamay mid ka mid ah dadka reer Somaliland ee nolosha horumarka ka sameeyay. Waxa uu sheegay inay sanadadii 2004-tii iyo 2007-dii ay u dhammaysay hawlo qaran oo uu u tagay dalka Uganda “ 2007-dii oo aanu Yugaandha ku tagnay wefti balaadhan oo baarlamaanka iyo xisbiyadu ka mid yihiin, waxay Aamina noo suuro galisay wixii aanu dalka Yugaandha uga baahnayn, waxay haddana noo diyaarisay inaanu dalka Ruwanda tagno, iyadoo weftigii oo dhan naga bixisay lacagtii tigidhada,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibada Axmed Kayse, ayaa sheegay inay Aamina ka filayaan inay wax kala qaban doonto xidhiidho wasaaraddu ku fidinayso waddamada bariga Africa “Iyadoo aniga, wasiirkii, agaasimihii baratakoolka, guddoomiyihii qurbejoogta iyo safiirkii Sweden iyo wasaariddiiba halkan joogto waxaan rajaynayaa inta ay Aamina joogto inay xidhiidh cusub noo samayso dalkeeda Yugaandha iyo dalkeenan Somaliland iyo bariga Africa oo dhan oo aanu runtii hadda wajiyo ku leenahay Kenya laakiin aanu doonayno inaanu ku sii fidno bariga Africa oo dhan, markaa anaga wasaarad ahaan farxad weyn ayay noo tahay, waxaanu neelanahay ku soo dhawoow dalkaagii,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Cabdi Cabdillaahi Xirsi, guddoomiyaha wakaallada qurbejooga Somaliland ayaa sheegay in haweenaydani ganacsi balaadhan ku leedahay dalka Yugaandha kuwaasi oo ay ka mid yihiin warshad dhinaca sonkorta ah, soo dejinta sibidhka iyo ganacsiyo kale.Waxa uu sheegay in Aamina oo dalka Yugaandha caan ka ahi ay soo dhaweyso dadka Somaliland ee dalkaasi Yugaandha danaha u taga ama kuwa ku nool.

“Maanta waa maalin weyn, waa maalin aan aad ugu farxay, waa iidayda in dhulkayga oo ay maanta iigu horayso sidaas la iigu soo dhaweeyay, sidaas la ii saraysiiyay aad iyo aad baan idiinku mahadcelinayaa, madaxweynaha, wasiirada iyo cid walba aad baan ugu mahadcelinayaa,” ayay tidhi marwo Aamina oo tilmaanay inay aad ugu faraxsan tahay dadkeeda sida weyn u soo dhaweeyay.

 

Turkiga Oo Soo Saaray Amar Lagu Soo Xidhaayo  Ninka Lala Xidhiidhiyo Af-ganbigii Guul Daraystay  Iyo Fethullah Gulen Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey

Isntanbul(Warsugan) Wadaadka Turkish-ka ah ee fadhigiisu yahay Mareykanka Fethullah Gulen ayaa cambaareeyey waraaq amar  kasoo baxay Dawladda Turiga  kaasi oo lagu soo xidhaayo   waxaana  maalintii shalay ahayd  amarkaasi  laga soo saaray dalka Turkiga, Waxana wadaadkan ay Xukuumadda Orgedon u ku eedanaysaa inuu ahaa Maskxadii ka danbaysay  Inqilaabkii fashilmay  ee ka dahcay wadankaasi

Fethullah Gulen oo ah wadaadka lala xidhiidhinaayo qorshaha afganbigii fashilmay ayaa ka hadlay dhankiisa amarka kasoo baxay Dalkiisa Turkiga ee la doonayo in isaga lagu xidho  waxaana uu yidhi  “Waa wax hore loo diiwaan geliyey in hanaanka cadaalladda Turkiga uu yahay mid aan madaxbanaaneyn, sidaa darteedna amarka cusub ee xadhigu  waa tusaale muujinaya kali-talisnimada Erdogan ee ka fogaanshaha dimoqraadiyadda, Waraaqda lau xidhaayo  ee laga soo saaray Turkiga waxba kama badaleyso xaaladeyda”   ayuu ku yidhi Mr  Gulen oo amarkaasi ka jawaabayey .

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Gulen oo  saaxiib hore ahaayeen madaxweyne Erdogan, uu afgambiga la abaabulay saraakiil milatari, waxayna dowladda Mareykanka ugu baaqday in lasoo masaafuriyo.

Fethullah  Gulen ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoomay  waxaa uu daa dafeefyey  inaanu haba yaraatee wax wara ka hayn inqilaabkaasi oo  dhacay 15-kii July ee sanadkan kaasi oo lagu guul daraystay

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa shalay sheegay in dowladdiisa ay fiiro gaara u yeelayso islamarkaana ay xidhi doonto dhamaan ganacsiyada kala duwan ee kooxda uu hogaamiye Fethullah  waxaana hadalkiisi ka mid ahaa  “ way naga   go’an tahay inaan  jarto dhammaan xidhiidh  ganacsiyeedyada   kooxdan  gacmaha dhiig kula jirta”.

Sidoo  kale Reccep Tayyip Erdogan  wuxuu dhaqaale kasta oo gacanta u gala kooxdaasi  lagu magacaabo FETO oo uu hogaamiye u yahay  Fethullah Gulen ay taahy dhiig miirasho shacabka Turkiga lagu sameeyey iyo Xabad lagu soo ganay Sahcabkiisa waxaana uu markale yidhi   “ lacag kasta oo gasha kooxda Gulen ee FETO waxay  ka dhigan tahay xabad lagu soo ganay  qaranka turkiga ”