Madaxweyne silaanyo “Hannaanka Dimuqraadiyada Ee Dalku Waa Mudnaanta Shaqada Xukuumadayada, Taasoo Aanu Kasoo Dhisnay Hoos, Korna U Wadno, Marba Marka Ka Dambaysa”
Madaxweynaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Shalay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Caalamiga Ah Ee Inter Peace, Mr. Scott M. Weber Oo Fadhigiisu Yahay Magaalada Geneva Ee Xarunta Dalka Switzerland.
Hargeysa(Warsugan)War-saxaafadeed: Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Inter Peace, Mr. Scott M. Weber oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland.
Kulankan oo ay Madaxweynaha waxa ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md: Cali Xuseen Ismaciil (Cali Shoombe), Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Md: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debeda Md: Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed keyse), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, iyo Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), ahna La taliyaha cusub ee Arrimaha sharciga, halka ay agaasimaha guud ee Inter Peace-na ka weheliyeen agaasimaha Inter Peace Bariga iyo Badhtamaha Africa Mr. Jean Paul Mugiraneza, Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland Md: Maxamed Faarax Xirsi iyo Mr. Khadar Guuleed oo ka tirsan masuuliyiinta Hay’adda Inter Peace Xafiiskeeda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa fadhiga ku billaysimay ereyo soo dhaweyna iyo hadal dheer oo uu kaga hadlayo xidhiidhka hay’adda Inter Peace iyo Somaliland, waxa uu ka waramay Madaxweynu geedi socodka dhinaca dimuqraadiyada ee Somaliland iyo halka wakhtigan xaadirka ah uu marayo hannaan socodka dimuqraadiyada dalku.
Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa hadaladiisii ” Waxaan idinku soo dhaweynayaa dalka, waanan ku faraxsanahay booqashada aad iigu timaadeen, meelaha aad booqateen ee dalka ka mida, iyo goobaha aad mari doontaanba”.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ” Waxaan soo dhaweynayaa wada shaqayntii dheerayd ee aynu lahayn labadeena dhinac, Inter Peace iyo Somaliland, kaasoo soo taxnaa muddo labaatan sano ah, xaqiiqatana ahaa mid wax ku ool ah oo mudnaan u leh dalkayaga, waan idiinka mahad naqaynaa caawimooyinkiini mudada dheer socday ee aad noo yeelateen kuwaasoo buuxiyey meelo muhiim u ah dhismaha dimuqraadiyada dalkayaga”.
Madaxweynaha oo u gudbay, kana warbixinaya dhinaca dimuqraadiyadda ee dalka, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa ” Hannaanka dimuqraadiyada ee dalku waa mudnaanta shaqada xukuumadayada, taasoo aanu kasoo dhisnay hoos, korna u wadno, marba marka ka dambaysa, islamarkaana aanu dhex wadno is fahamsiinta iyo heshiisiinta dadkayaga siday isku aamini lahaayeen, una midoobi lahaayeen muqur, maal iyo maskaxba, anagoo islamarkaana garab wadnay maamul wanaag iyo tayeynta hay’adaha dawladda mudadada shan iyo labaatanka sano ah ee aanu lasoo noqonay xorriyadayada “.
Madaxweynuhu waxaa kale uu ka hadlay sida uu u socdo, una shaqaynayo qaranka somaliland, waxanu yidhi ” Dalkayagu haatan waa mid gaamuray oo adkaaday anagoo dadaal dheer ugu jirna adkaynta hay’adaha dawladda iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo si fiican u guta waajibaadka ay ummadda iyo qaranka ugu xilsaaranyihiin, taasoo aanu ku guulaysanay annagoo gacmaha is haysana dawlad iyo shacabba”.
Madaxweynuhu wuxuu weftiga uga waramay safarkiisii uu dhawaan kaga soo laabtay gobolada Bariga ee dalka waxanu yidhi ” Waxaan socdaal kaga soo laabtay gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo qeybo ka mida gobolkaasi oo ah gobolka Koonfur Bari ugu xiga Somaliland kaasoo ay ka bilaabantay diiwaangelinta codbixiyayaashu. Waxanan la kulmay duqayda waxgarada iyo masuuliyiinta gobolkaasi kuwaasoo aan ku guubaabiyey ka qeyb galka geedi socodka dimuqraadiyada dalka, anigoo u sheegay in miisaan, manfac iyo mudnaanba ay kala siman yihiin muwaadiniinta Somaliland, waliba la siin doono mudnaanta ah in lasoo gaadhsiiyo wixii horumar ay uga horreeyeen gobolada dhinaca galbeed ka xiga Gobolka Sool ee Somaliland “.
Madaxweyuhu wuxuu marlabaad carrabka ku adkeeyey inay isu diyaarinayaan dawlad ahaan xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka si buuxda uga dhacda min Bari ilaa Galbeed, dadweynuhuna codkooda ka dhiibtaan March, 2017, markuu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi ” Sidaan horeba u sheegay diyaar garow buuxa oo haatan gebogebo maraya oo aanu ku sugayno doorasho xor iyo xalaal ah oo dalkoo dhan ka dhacda horaanta 2017, ayaa noo socota”.
Dhinaciisa agaasimaha Inter Peace Mr. Scott M. Weber ayaa madaxweynaha uga mahad naqay soo dhaweynta iyo qaabilada, waxana uu intaa raaciyey inuu kuqanacsan yahay wada shaqaynta Inter Peace isagoo Somaliland iyo ammaan iyo bogaadin Somaliland ugu jeediyey geedi socodka dimuqraadiyada iyo dibu dhiska dalka, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii ” Madaxweyne aad baad ugu mahad santahay qaabilada iyo soo dhaweyntaba. Somaliland waa astaanta guusha, marka la barbar dhigo dalal badan oo Africa ah, taasoo ay caddayn u tahay isbedelada horumarineed iyo kuwa dimuqraadiyadeed ee aan ku arkayey muddo 16-sannood ah oo aan imanayey Somaliland”.
Agaasimuhu wuxuu sii waday hadalkiisii waxaana uu yidhi ” Dalal badan oo waa weyn oo Bariga Africa ku yaala markaan arkay ee aan u fiirsaday, Somalilandna aan eegay, waxaa iisoo baxay guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii aan arkayey labada dhinacba”.
Mar uu ka hadlayey waxqabadka Hay’adiisa waxa uu sheegay ” Waxan diyaar u nahay in aanu la shaqayno Somaliland Shanta sannadood ee soo socda annagoo sidaanu hore ula shaqayn jirnay iyo kasii dhawba ula shaqayn doona Somaliland. Waxanu leenahay khibrad afartan sannadood ah oo caalami ah iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, taasoo aan jecelnahay, idinkuna soo dhaweynayno, inaan kaga shaqayno dalkiina, waayo waxaad qabanaysaan sidaad adiguba tidhi, Madaxweyne, doorashooyin dhacaya horaanta 2017, taasoo ay adduunyaduna eegayso, ula socotana si dhaw, beesha caalamkuna idiinka mahad naqayso diyaar garowga fiican ee aad ugu jirtaan doorashooyinka soo socda iyo siday idiinka go’antahay hirgelintoodu”.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Akadamiga nabada iyo horuamrka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi isagoo weftiga u sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu tusaale u yahay dhinaca dimuqraadiyada madax badan oo dalalka Africa ah, ka dib markii uu ka tanaasulay inuu u tartamo muddo xileedkii labaad oo uu xaq dustuuriya u leeyahay inuu isu-soo sharrxo, isagoo haysta taageerada shacbigiisa, weedhaasi gudoomiyaha akademiga oo keentay inuu hadalka kusoo noqdo agaasimaha guud ee Inter Peace Mr. Scott oo uu yidhaahdo “Waxaad istaahishaa Mudane Madaxweyne, una qalantaa abaalgud caalamiya oo la siiyo masuuliyiinta dabbaqa hannaanka wanaagsan ee dimuqraadiyada ah, kana dega xilka marka ay dhamaystaan muddo xileedkooda, iskana tanaasula sidaada xaqii uu dastuurku u jideeyey markale inayisa soo sharraxaan”.
Markii Shirkaasi laga soo baxay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Agaasimaha guud ee Inter Peace iyo Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
Mucjiso: Laba Caruur ah Oo Isku Yaalla Kuna Dhashay Cisbitaalka Hargeysa Oo Ay Dhakhaatiirtu Ka Warbixisay Xaaladdooda iyo Qaab Dhismeedka Jidhkooda
Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa Ayaa Tilmaamay Inaan La Samayn Karin Qalliin Lagu Kala Jarayo Carruurtan, Wuxuuna Tilmaamay Arrimaha Sababa Isku Dhegenaanta Carruurta
Hargeysa(Warsugan) Wiil ka kooban laba qof oo isku yaalla ayaa ku dhashay Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa. Waa ilmihii u horeeyay oo noociisa ah oo ku dhasha dhakhaatiirta Somaliland, waxaana hadda fiican xaaladdiisa iyo xaaladda hooyadii. Dhakhaatiirta xannaaneeya ayaa sheegay in labada ilmood iskaga yaallaan Dhinaca feedhaha islamarkaana mid walba leeyahay gacan iyo lug, balse qaarka sare ay ku yihiin laba qof oo laba madax kala leh, halka jidhkana ay ka yihiin laba qof oo wadneyaal, calool iyo sambabo kala gaara leh.
Dr Ibraahin oo ka mid ah hawl wadeennada ka qayb qaatay qalliinkii Ilmahan lagaga soo saarayay Hooyadii ayaa sheegay inuu ahaa qalliinkii ugu ammakaaga badnaa ee ay arkaan “Run ahaantii waxay ahayd maalintii noogu naxdinta badnayd, wuxuu ahaa qalliin aanu aad uga naxnay, wuxuu ahaa qalliinkii noogu horeeyay ee noocan ah oo ee aanu aragno. Aniga iyo dhakhtaraduba markii aanu aragnay waxaanu isku daynay sidii aanu u kala badbaadin lahayn hooyada iyo ilmaha, runtiina waanu ku guulaysanay oo labadiiba way noo badbaadeen, ilmaha markii u horaysay ee aanu soo saarnay xaaladdiisu way adkayd. Wuxuu ahaa qalliinkii noogu qiso badnaa laakiin markii dambe eenu ku guulaysanay waanu ku faraxnay,” ayuu yidhi Dr Ibraahim.
Dr Cabdikariin Cawaale Diiriye, oo ah hawl wadeenada daryeelay ilmahan yar ayaa sharaxay siday ula tacaaleen markii ilmahaas yar hooyadii laga soo saaray, isagoo sheegay in xubnaha Ilmahan yihiin laba qof oo isku yaalla “Waxaanu ku guulaysanay inaanu labadoodaba xidida u furno oo sonkortooda kor u soo qaadno oo aanu xididka oo kaliya wax ka siino maalmihii hore oo dhan, ilaa intii aanu hubsanaynay wixii aanu afka ka siinaa meesha uu ka baxayo waayo? Caruurtu waxay leeyihiin hal dabo, laba meelood oo ay ka kaajaan, markaa maanu hubin ilmaha labaad haddaanu wax siinno meeshay ka baxayaan, inta ay xaaladda degdega ah ku jiraana way adag tahay in sawirro la saari karo,” ayuu yidhi Digtoorku.
Isagoo sii sharaxaya sida ay yihiin xubnaha labada carruur ah waxa uu yidhi “ Nasiib wanaag, Sabtidii oo saddex cisho kadib ahayd waxay ka maarmeen Ogsajiinta, waxaanu saarnay sawir, waxaanu ogaanay ka sakow labada madax sidoo kalena ay leeyihiin laba wadne oo u kala gaar ah, laba Sanbab oo u kala gaar ah, laba caloolood oo u kala gaar ah, laba mindhicir oo u kala gaar ah, laba kaadi hays oo u kala gaar ah iyo mid walba inuu leeyahay laba kalyood. Markaa kadib waxaanu sugnay in intaanu mid wax siino hubino siday saxaradu uga imanayso, haddana kii labaad ayaanu tijaabinay, kii labaadna waxaanu ogaanay in saxaradii imanayso, taasna waxay noo fududaysay inaanu labadoodaba afka wax ka siin karno, waana wiil marka la eego lab ama dhedig midkuu yahay
Dr Axmed Cumar Askar, agaasimaha cisbitaalka Hargeysa ayaa tilmaamay inaan la samayn Karin qalliin lagu kala jarayo carruurtan, wuxuuna tilmaamay arrimaha sababa isku dhegenaanta carruurta “Xaaladahaasi waxay ku dhacaan mataano Ukun qudha ka wada yimid, markaa halkii ay ka kala bixi lahaayeen ayaa abuurta ilaahay ay sii wada koraan oo jidhkooduna is gala. Mararka qaarkood waxa laga yaabaa inay xubnaha gudaha wadaagaan, mararka qaarna ay qaybo ka mid ah wadaagaan. Waxay carruurtaasi iskaga xidhmi karaan garab ama dhinac, mararka ay sii adag tahayna waxay iskaga xidhmi karaan laabta, mararna caloosha, amarka Alle qaar madaxa isaga xidhmaa jira, qaar dhabar-dhabar isugu xidhmaa jira, qaar miskaha iskaga xidhmaa jira, markaa carruurtani waxay iskaga xidhan yihiin feedhaha iyo uur-kujirta labadaba way iskaga xidhan yihiin, waxaa jira laba madax, Illaahay abuurtiisa mid walba wuxuu leeyahay gacan u gaar ah iyo lug u gaar ah, uur ku jirtu inta badan way u kala qaybsan tahay,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Wuxuu intaasi raaciyay in cisbitaal ahaan ay arrinta labada carruur ah u gudbiyeen cisbitaalka Jaamacadda Finland, kana sugayaan barayaasha sare wixii ay talo soo jeediyaan. Waxa uu sheegay inaanay qalitaan lagu kala gooyaa suuro gal ahayn maadaama ay isku yaallaan oo mid walba lug iyo gacan dhinac ah leeyahay balse ay u baahan yihiin gargaar dhinaca daryeelka ah.
Mukhtaar Xuseen Maxamuud iyo Jawaahir Cabdi Xuseen oo ah waalidka dhalay labada carruur ah ee isku dheggan ayaa u mahad celiyay hawl waddeennada iyo maamulka cisbitaalka guud ee Hargeysa.Sidoo kalena waxay bulshada ka codsadeen in laga taageero wixii gargaar ah ee ubadku baahdo, marka masuuliyiinta cisbitaalku qiimayso.
Ubadka isku yaalla oo aan dunida ku cusbayn ayaa ku cusub Somaliland, iyadoo inta taariikhda la og yahay lagu arag ubadkan oo kale, sida dhakhaatiirtu tilmaantayna ay tahay kiiskii u horeeyay ee noocan ah oo ay la tacaalaan.
Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Daciifnimo Ku Tilmaamay In Saddexda Xisbi Qaran Madaxweynaha Ku Celiyaan Go’aanka Saami Qeybsiga Madaxweynahana Ku Bogaadiyey Magacaabista Wasiir Daakhiliga
” Waxan leenahay Annagu Niman kaa Hadhaya Ma Nihin Walaa Maxkamad- Maxkamadeed Walaahay Ilaa Aakhiro God kaan Kula Gelaynaa Baan Leenahay Horta Faysal Haku Biyo Cabo”
Hargeysa(Warsugan) Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridkaa ee UCID Aqoonyahana Jamaal Cali Xuseen oo Warysi gaara siiyey Wariye Faysal Maxamed Aadan (Fifa) oo ka mida Talefashinka Somali Cabdle ayaa kaga hadlay qodobo badan oo ay ka mid tahay garnaqii dhexmaray isaga iyo garabka ay iska soo horjeedaan ee uu hogaamiyo Faysal Cali Waraabe, waxaana uu sheegay inay ku qanceen go’aankaasi kasoo baxay gudida diwaan gelinta ururada siyaasada iyo axasaabta qaranka, sidoo kalena waxa u xusay in Faysal Cali Waraabe damac galay ka dib markii uu Xisbigu soo baxay taasina ay keentay khilaafkaasi, dhanka kale waxa uu soo bandhigay sharciyan inaan nina laba jeer gudoomiye noqon karin, sidoo kalena waxaa uu hoosta ka xariiqay in dhaka Faysal Cali Waraabe ay anbiil ka qaateen go’aankaasi balse hada ay dacwadoodu taalo Maxkamada sare ee Dastuurigaa islamarkaana ay sugayaan go’aankeeda isagoo intaasi ku daray inay tii horena ku guulaysteen ta danbena ay rajo weyn ka qabaan inay guul ku dhamaato. Mudane Jamaal waxa uu nasiib daro ku tilmaamay inay ceeb tahay in la arko markii saddexaad Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo cid dacwad maxkamadeed kula jira islamar ahaantaana aanay haboonayn inaad ka baxdo heshiiska iyo wacadka aad cid gashaa aanay fiicnayna if iyo aakhiraba , waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey go’aanka kasoo bixi doona Madaxkamada sare oo isagoo soo jeediyey in hadii cadaalad go’aankaasi uu kusoo baxo ay guul u tahay Xisbiga Ucid iyo taageerayaashiisaba.
Musharax Jamaal Cali Xuseen oo la waydiiyey sida uu u arko go’aankii Madaxweynaha dib loogu celiyey ee saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada ayaa waxa uu ku jawaabay ” Horta runtii ceebay ku ahayd Gudoomiyayaasha Xisbiyadu dhawr ayaamood inata ay dadka wakhtiga ka lumayaan oo shiraan intay Madaxweynaha ku noqdaan ay yidhaahdaan Madaxweeyne go’aan baan soo qaadan kari waynee adigu go’aan qaado, waxaan u arkaa taasi daciifnimo waxay ahayd inay (Options) dhawr wax oo la kala dooranaayo oo madaxweynuhu u geli karo inay u galaan bay ahayd oo ay yidhaahdaan Madaxweyne saddexdaa talaabo ayaa inoo haboon adigu saddexdaa talaabo kaad qaadan lahayd go’aankeeda soo gaadh oo ay usoo fududeeyaan madaxweynaha oo usoo jilciyaan bay ahayd laakiin inay isagii dib ugu celiyaan, gudomiyayaasha waa raggii u tartamaayey jagada madaxweynaha iyo gudoomiyayaasha xisbiyada qaranka markaa inay go’aan qaadan kari waayaan mid daciifnimo ah baan u arkaayey , anigu hadaan ku dhex jiri lahaa waxaan odhan lahaa adeer aynu options ama talaabooyin kale aynu ka fikirno options kaana waliba waxaynu ka talo gelin lahayn dad kamida gobolada bariga iyo gobolada galbeedka iyo dadka cabanaya iyagoo talo midaysan aanu haysano ayaan ula tagi ahayn madaxweynaha markaa arrinkan saami qeybsiga yaan wax weyn laga dhigin, dadku waxay u baahan yihiin in qol laysugu yimaado oo hal go’aan la qaato” Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata hadalkiisa ayaa yidhi ” Baaralamaankeenii bal imika u fiirso 12-sanadood buu marayaa Shan sanadood baa la doortay laab jibaar (Double) buu kursiga iskaga fadhiyey, waxay ahayd inay soo diyaariyaan xiligaasi oo dhan arrinkan saami qeybsiga iyo siday wax u bedelmayaan ilaa hadadaas baanay diyaar garayn baarlamaanka ayey ka muuqataa inay ku guuldaraysteen habkii iyaga lagu bedeli lahaa ee lagu soo samayn lahaa, hadana ka dib markii danbee arrinka gudida loo saaree xisbiyadu inay go’aan soo qaataan bay ahayd madaxweynaha ula tagaano madaxweynaha options tusaanoo dadka si fiican ugu shaqeeyaan, laakiin qof walba wuu ka baqay siyaasadu waxay u baahan tahay inaad go’aan qaadatid maaha inaad wax ka baqatid, anigu ilaa afar shan siyaabood oo lagu xalin karo waan ka fikiray laakiin taa markaan dadkeedii iyo waxeeda helo ayuun baan kala hadli karaa lakiin waxan inaan wax weyn ka dhigno inaan kuraastii baarlamaanka sida loo kala qeybsanayo iyo sida saami qeybsiga loo samaynayo waa wax caadiya weeyaane yeynaan ka dhigin aafo qaran” Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaaya saami qeybsiga Somaliand ee beelaha darafyada ayaa ceeb ku tilmaamay in Somaliand wax kasta ay beesha dhexe isugu ururto waxaana uu soo jeediyey in talada dalka laga qeyb geliyo beelaha darafyada si loo helo sinaansho dhanka maamulka iyo dawladnimada ah waxaana uu yidhi jamaal ” Hadii Saddex ninoo gudoomiye ah saddexduba isaaq yihiin oo saddexda ninba uun yidhaahdaan wax baanu gaadhaynaa barigii iyo galbeedkiina anagaa go’aan usoo saarayna dee waa khalad waxaa weeyaan haka mid noqdaan dadka galbeedka jooga dadka bariga jooga ee aan beesha dhexe ahayni laftarkoodu waa inay ka dhex muuqdaanoo iyaguna talada wax ku yeeshaan taladu maaha inay beesha dhexe kusoo ururto saami qeybsiguna wax badan buu u baahan yahay in laga hagaajiyo, ceeb bay inagu tahay kuligeen Somaliland in beeshii dhexe wax walba isugu ururto, imika ayuu madaxweynuhu bilabay wax wanaagsan oo oo wasiiradii A-da ahaa ay noqotay in lasoo geliyo beeliyihii darafyada way fiican tahay waliba waxaan leeyahay reer Sool oo kale marka ay is diiwaan geliyaan waxaa dhici karaysa inay markaa musharax madaxweyne ay yeeshaan laftarkoodu waa taariikhda markii ugu horaysay waa wax wanaagsan weeyaan waa wax dhici karaya weeyeen laakiin waa inay codkooda muujiyaan oo dadka ay tusaan inay Power yihiin xaga codka” Aqoonyahanku waxa uu si gaara ula hadlay saddex gudoomiye xisbi qaran waxaana uu fariin adag u diray Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxaana uu yidhi ” Nimanka musharxiinta kale waxaan leeyahay oo aanan runtii taageero ka helin xisbiga waddani wali maan dhuqaata gudoomiye cirro xaqayga kamuu hadal maalintii isaga baarlamaanka laga haystana waan u hadlay maalin qudhana kelmad xaqa oo toosana kamuu odhan, gudoomiye Muuse Biixina waxaan leeyahay ninka dhibaatada iyo dabkan nagu soo shidayaaba waa isaga, Muusow kursi laguma fuulo inaad dad kaleeto carqaladaysid oo dhibataysid taasi micnaheedu maaha anaa guulaysanaaya waxan ilaahay baa haya samaday ka qoran tahay hadaad adigu leedahayna waanu ku hanayna waad helaysaa hadii uu ilaahay anaga noo qorayna waanu helaynaa, Faysalna waxaan leeyahay intaad aniga iga qaadid musharaxnimo adigu intaad halkaa la istaagtid igu doorta waa habeen xalay ahaa oo tegay, waxaanay taasi u dhacayn kow horta waxaad noqonaysaa taariikhda ninkii ugu horeeyey intuu wax soo dhaco yidhaahda wixii aan soo dhacay igu doorta waliba oo cod igu siiya hada waan soo dhacayoo waa la arkayaa, sharciguna kuuma ogola inaad marakale is sharaxdid mana noqon kartid musharax hays wareerinin iimaanso nin weyn baad tahay qawl baad gashee oofi axdigii, maxkamad iyo dhibaato ayuun baad marwalba ku jirtaa laakiin waxaan leenahay anagu niman kaa hadhaya ma nihin walaa maxkamad maxkamadeed walaahay ilaa aakhiro godkaan kula gelaynaa baan leenahay horta taas isaguna haku biyo cabo baan leeyahay” Md: Jamaal Waxaa uu si dareen leh ula hadlay Shacabka Somaliland isagoo uso jeediyey inay ka dhiidhiyaan cadaalad darada dulmigana aanay daawan waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ” Shacabka Somaliland Waxaan u sheegayaa waar hadii anigoo musharaxa ah lay dhici karayo oo badheedh cadaana lay dhacaayo dee dalkani dalba maaha been baan isu sheegaynaa adeer markaa somaliland iyo cadaalada iyo waxan la sheegayaa waa riwaayad runta in laysu sheegaa wanaagsan cadaalada inay dalkan shaqaysaa la doonayaa inaan ummaddan horumar gaadhsiinaa la doonayaa waxaa weeyaan dhibaatadu iyadoo la arkayo wax cad ayaa hadana la wada egaayaa la daawanayaa waa dulmi la arkaayo hadii dulmigii kuligeen wada daawano dee waa dhibaato markaa waxaan leeyahay inagu waxaynu u baahanahay uun cid alaale iyo cidii cadaalad daro dalkan ka samaynaysa ee dulmi ka samayaysa in laga qabto oo laga joojiyo weeyaan ” Geba gebadii Waraysigan ayaa waxa uu jamaal kaga hadlay Siyaasada Arrimaha Dinada Somaliland isagoo Madaxweynahana u gobaadiyey talaabada uu ku magcaabay Wasiirka Arrimaah gudaha Somaliland oo kasoo jeeda gobolka sool sidoo kalena waxa uu sheegay in siyaasada arrimaah dinadu u baahan tahay majiiro cusub iyo fikdrado cusub, waxaana uu hoga tusaaleeyey in siyaasadda arrimaha dibadu ku xidhantahay hagaaga siyaasadda arimaha gudaha somaliland isagoo intaasi ku daray in marka ictiraafka beelaha darafyadu doonaan ay uu isbedelka siyaaasadda arimaha dibadu imanayo .
Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Masar Iyo Cida La Filayo Inay La Kulmaan
Hargeysa(Warsugan)Warsaxaafadeedka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa lagu yidhi sidan: Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ooo socdaal shaqo ugu baxay dalk Masar ayaa shalay gaadhay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa shalay Abbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gegida Dayuuradaha ee Qaahira.
Weftiga Wasiirka oo Salaasadii gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga horyimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.
Mudada uu ku suganyahay weftigu Qaahira waxay kulamo muhiim ah la qaadan doonan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar Mudane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.
Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar .
Bulshada Reer Saaxil Oo Muujiyay Taageerada Ay U Hayaan Wasiirka Cusub Ee Ganacsiga Iyo Soo Dhaweyn Diiran Oo Ay Ku Qaabileen
Berbera(Warsugan) Dr Cumar Shucayb Maxamed wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyay deggaannada gobolka Saaxil. Gaar ahaana Berbera.Waxaa socdaalkiisa ku wehelinayay masuuliyiinta xukumadda ugu jira gobolka Saaxil, iyadoo madaxda gobolkuna kaga hortimid xadka gobolka Maroodijeex iyo Saaxil.
Wasiirkan ayaa dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilkaasi kadib muddo deggaannada gobolka Saaxil muujinayeen mucaaradad ka dhan ah xukumadda madaxweyne Siilaanyo. Wareejintii Haamaha Shidaalka iyo dekedda Berbera ayaa sii xumeeyay cilaaqaadka bulshada iyo xukumadda, hase ahaatee socdaalka wasiirka ayaa hadda u muuqda mid wax ka bedelay arrintaasi kadib markii taageero laxaad leh iyo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo uu kala kulmay Berbera iyo deggaannada jidka ku taxan.
Socdaalka wasiirka iyo xubnaha ka soo jeeda gobolka Saaxil ee ay ka mid yihiin wasiir xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Gadheer, wasiir xigeenka maaliyadda Cali Dhegoole, wasiir xigeenka warfaafinta Shukri Xariir ismaaciil iyo xubno kale ayaa imanaya xilli dhawaan dib loo dhigay shir bulshada reer Saaxil ku qabsan lahayd deggaanka Baxarasaafka, kaasi oo xukumaddu ka qabtay dareen ku aadan in lagu wiiqo heshiiska shirkadda DP world. Waxaa la filayaa in magacaabista wasiirka iyo socdaalkiisa Berbera wax ka bedelo dareenno lagaga soo horjeeday maalgalinta dekedda Berbera.
Wasiirka ayaa ugu horayn bulshada Saaxil uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran “ Waxaan halkan aad iyo aad uga mahadnaqayaa dadweynaha sharafta leh ee sida qiimaha leh loogu soo dhaweeyay gobolka Saaxil, runtii waxaan dareemayaa in dadku ka yimaadeen meelo fog-fog oo aan garanayo oo buuraha, dooxyada iyo deggaannada fog ah. Waxaa kale oo aan u mahadnaqayaa masuuliyiinta gobolka oo xuduuda u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa nagaga horyimid oo aad noo soo dhaweeyay,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirku wuxuu tilmaamay inuu wax u qaban doono deggaanka, islamarkaana wax qabsigooda ka shaqayn doono “Marka horeba waxaan u samaysanahay oo qorshahaygu yahay, inaanan jeclayn inaan dadka iska qaad-qaado oo muraayad madaw ku dhaafo, waxaan jeclahay inay dadku waxqabsadaan, anna aan wax la qabto. Waxaynu u baahannahay kaliya inaynu wax qabsanno, gobolkani waa gobolka ugu waxsoosaarka badan,” ayuu yidhi wasiirku.
Sidoo kalena wuxuu bulshada reer Saaxil dareensiiyay inay midaysan yihiin masuuliyiinta uu ka mid yahay ee gobolka Saaxil loo kordhiyay iyo masuuliyiintii hore ee reer Saaxil oo hore mucaaradad ugala kulmay bulshada “ Qoladayada imika la magacaabay iyo qoladdii naga sii horaysayba isku mid baanu nahay,” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiirka.
Maayarka Hargeysa Oo Sheegay Inay Shirkaddaha Laydhku Caqabad Ku Yihiin Dhismaha Jidka Madaarka
Hargeysa(Warsugan) Maayarka Caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa farriimo u diray dadweynaha reer Hargeysa iyo shirkaddaha Laydhka. Waxa uu sheegay inay mar kale bilaabi doonaan olole lagu bannaynayo jidka isku xidha Madaarka iyo Suuqa, islamarkaana ay baab’in doonaan ganacsiyada waddada ku dhaw iyo biraha laydhka. Waxa uu sheegay in shirkaddaha laydhku diideen inay rujiyaan biraha laydhka.Jidkaasi ayaa la filayaa in dhawaan dawladda hoose ka bilawdo dib u dhis casri ah.
Duqa Caasimada mudane Soltelco oo shalay ka hadlayay kulan todobaad leh oo ay Arbaca walba la yeeshaan dadweynaha, kaasi oo dawladda hoose iyo dadweynuhu kaga wada hadlaan arrimaha jira “Waxaanu mar labaad galaynaa ololihii waddada Madaarka, qolada laydhka waxaan leeyahay waa diideen in la dhiso waddadaas oo birihii waad qaadi waydeen, anaguna go’aankayaga waanu soo saaraynaa baritoole(Maanta) marka golaha deggaanku ka shiro,” ayuu yidhi maayarka oo sheegay in arrintaasi ay degdeg tallaabo uga qaadi doonaan.
Maayarka ayaa geesta kale bulshada ugu bushaareeyay in warshadaha dhismaha waddooyinku hadda si rasmi ah u shaqo bilaabayaan, islamarkaana hadda Karasharkii dhaqaaqay, halka warshadda kalena ku jirto tijaabo. Waxa kale oo uu sheegay inuu dadweynaha ku boorrinayo inay diwaangaliyaan hantidooda maguurtada ah, islamarkaana la shaqeeyaan kooxo ku hawlan diwaangalinta hantida maguurtada ah ee dadweynaha Hargeysa.
Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dhawaan burburisay ganacsiyada ku hareeraysan waddada isku xidha Suuqa Hargeysa iyo Madaarka, iyadoo qorshuhu yahay in jidkaasi loo dhiso habka casriga ah ee dawladda hoose hadda u dhigto laamiyadda. Waxaa la rajaynayaa in la saaro roogga daamurka ah ee qarada leh, balse wuxuu tilmaamay in laydhka dusha mara iyo biraha laydhka ee hareeraha waddada ka taagan caqabad ku yihiin dhismaha jidka.Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladda hoose oo marar badan shirkaddaha ku amray inay xadhkaha laydhka dhulka mariyaan ayaanay waxba ka socon.
Jiif Caaqil Khadar Maxamed Oo Iska Casilay Guddida Shirkii Garxajis Lagu Doortay, Kana Hadlay Sababta Iscasilaaddiisa
Hargeysa(Warsugan) Jiif Caaqil Khadar Maxamed Cabdi oo ka mid ah guddi dhawaan loo sameeyay beelaha Garxajis ayaa iclaamiyay inuu iska casilay xubinimadii guddidaasi. Shirka lagu magacaabay Tolwanaaje ee qaybo ka mid ah Beelaha Garxajis ku qabsadeen Hargeysa ayaa lagu doortay guddi. Shirkaasi ayaa lagu dhalliilay inuu yahay mid xisbiga Waddani dabada ka riixayo, waxaana sas ka qaaday xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, balse qabanqaabiyeyaasha ayaa ku dooday inuu yahay shir Beelaha Habaryoonis iyo Ciidagale iskaga laab-xaadhanayaan xurgufo dhexmaray ooh ore.
Hase ahaatee caaqilka shalay ku dhawaaqay iscasilaadiisa ayaa ku dooday in guddidii dhaqan u jehaysatay mid siyaasadeed, sidaasi darteedna uu iska casilay “Anigoo ka mid ahaa guddidii 21-ka xubnood ahayd ee Ardaayada Garxajis ku doorteen shirkii hotelka Maroodijeex, ahna xubin ugu jirtay beelaha Maxamed Daa’uud, waxaan caddaynayaa inaan si rasmi ah isaga casilay xubinimada guddidaasi, waxaan arrintaas ogaysiinayaa beelaha aan ka soo jeedo, beelaha Garxajis iyo Somaliland ba,” ayuu yidhi Caaqil Khadar.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu tilmaamay sababaha keenay inuu iscasilo “Waxaan ku sababaynayaa, shirkaasi ujeedadiisu waxay ahayd shir dhaqan, sidaas baa la isku ogaa laguna ballamay, wuxuuse ka leexday ujeedadiisii beeluhu ku shireen ee isugu yimaadeen, wuxuu u leexday arrimo iyo dano siyaasadeed, sidaasi ayaanan iskaga casilay xubinimadii guddidaasi,” ayuu yidhi Caaqilku.
Waxa uu sheegay inaanu jeclayn sii faahfaahinta arrimaha guddidaasi ku foogan tahay balse ay jiraan xubno markiiba u tafo xaytay inay guddida u adeegsadaan dano gaar ah oo dhinaca siyaasadda ah, taasi oo soo dedejisay inuu guddidaasi iskaga hulleelo.
Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Xilkii Kala Wareegay, Agaasimihii hore xilka looga qaaday
Hargeysa(Warsugan)Munaasibad Balaadhan Oo Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay oo ay Shalay xilkii kula kala waregeen Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Kaluumaysiga Iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi ee dhawaan madaxwayne siilaanyo xilka ka qaaday.
Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay,Wasiirka Kaluumaysiga,Agaasimaha Ciyaaraha,wasiir ku xigeenka kaluumaysiga,wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo shaqaalaha wasaarada.
Xil Wareejinta ayaa labada agaasime waxa xilka u kala wareejiyay wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland cali faarax buureed,waxaana uu sagootiyay agaasimihii hore isaga oo soo dhaweeyay agaasimaha cusub.
Ugu Horayn Madasha waxa ka hadlay agaasime Maamulka Iyo Lacagta jaamac Axmed Cismaan waxaana uu sheegay in Wasaarada inta uu xilka hayay agaasimihii hore uu shaqo badan soo qabtay,waxqabadka uu muujiyay inta uu xilka hayayna lataaban karo waxaana uu agaasimaha cusub u soo jeediyay in ay garab gali doonaan,Shaqaale badan oo shaqada u carbisana ay goobta joogaan oo hawl kar ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdi Wadaad oo isaguna Madasha hadlo kooban ka jeediyay ayaa cadeeyay in shaqada wasaaradu tahay xeebaha iyo sidii badaha loo mari lahaa,looguna adeegi lahaa dadka badaha jooga ee kaalmada u baahan.
“Wasaarada waxa ay qabataa oo ay masuul ka tahay meel kasta oo ay badi ku taal,taasina waa hawl adag agaasimaha cusubna waxaan u arkaa nin hawl kar ah oo ka soo baxaya,shaqadan loo dhiibayna waa mid aanu garab taaganay oo shaqada wasaarada sida wada jira ah ayaa wax kasta loo wajahaa.
Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa isaguna ganafka ku dhuftay in madaxwaynaha Somaliland Xukuumadiisa Door muuqda ka siiyay Dayarta Somaliland kuna Carbiyay isaga oo gaado baray kuna eegay in ay xil qaban karaan,waxaana uu ilaahay uga baryay inuu xilka uu hayo ku asturo agaasimaha cusub ee wasaarada Kaluumaysiga.
Agaasimihii Hore ee Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Jaamac Odawaa ayaa sheegay inuu xilku meerto yahay oo maalinba Qofkii Hanan Karo loo dhiibayo,waxaana uu tilmaamay inuu wax qabadk wasaarada kaga tagayo isaga oo agaasimaha kula dardaarmay inuu bulshadiisa iyo Kaluumaystada dalka ugu adeego si ay ku dheehan tahay cadaalada,kuna dadaalo sidii uu suuq ugu heli lahaa kaluunka badaha Somaliland laga soo saaro.
Fu’aad C.salaan Agaasimaha Cusub Wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland ayaa cadeeyay inuu u mahad naqayo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo)waxaana uu cadeeyay in xilka loo dhiibay uu ka soo dhalaali doono.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Maamulka Jaamacadda Hargeysa Ku Bogaadiyay Waxqabadka
Hargeysa(Warsugan) Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland mudane Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa shalay kormeeray jaamacadda Hargeysa, halkaasi oo uu soo indho indheeyay jidad laami ah, dhir la beeray iyo dhismayaal la wado oo maamulka jaamacaddu kor ugu qaadayaan bilicda Jaamacadda Hargeysa. Horumarka dhinaca bilicda ayaa ah mid si weyn uga muuqda intii maamulkani hayay, halka hore khilaafaad soo noqnoqda u ragaadiyay maamulka jaamacadda ee hore.
Wasiir Cabdillaahi Dheere, ayaa maamulka Jaamacadda ku bogaadiyay Nashqada cusub ee dhinaca bilicda ah oo ay ka mid yihiin Laamiyo iyo marar la dhex mariyay jaamacadda iyo sidoo kale dhirayn hab casri ah loo beeray. Wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay dhisme jaamacadda ka socda oo dhawaan la furi doono “6 bilood ka hor ayaanu halkan dhagax dhignay, wax badan baa iska bedelay, hadday tahay laamiyo la dhexmariyay Jaamacadda, hadday tahay dhirayn fara badan iyo doog lagu sameeyay iyo hadday tahay dhisme dhammaanaya oo dhawaan la furi doono,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu intaasi raaciyay “Aad iyo aad baanu maamulka jaamacadda ugu bogaadinaynaa shaqada fiican ee ay qabteen, waana mid loo baahan yahay, mar walba horumarku waa inuu sidaa u socdo oo is daba socdo oo la joogteeyo oo had iyo jeer wixii hore ee jiray wax lagu sii daro, guddoomiyaha iyo guddoomiye xigeenkuba waa mahadsan yihiin,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu sheegay in marka la wanaajiyo dhismaha jaamacadda iyo bilicdiisa loo gudbi doono wanaajinta tayada, isagoo tilmaamay in huguna la marti tago qofka, islamarkaana loo raadin doono waxyaabo kale oo lagu horumariyo “Inshaa Allah madaxweynahana waxaynu ka rajaynaynaa inuu wax weyn inoogu dari doono,” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiirka.
Madaxwayne Ku Xigeenka Maraykanka MR Joe Biden Oo Booqasho Ku Tegay Dalka Turkey.
Warsugan-Caalamka: Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho ku tegay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo ay uga bilaabantay booqasho rasmi ah. Joe Biden ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim, waxaana booqashadan loo arkaa mid Mareykanku ku doonayo inuu ku soo celiyo kalsoonidii Turkiga.
Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka ayaa kormeeray xarunta baarlamaanka Turkiga ee Ankara, halkaas oo ay duqeeyeen Milaterigii isku dayga afgambigii dhicisoobay ee 15-kii bishii July, waxaana dhismaha ka muuqday bur bur. Booqashada Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka ayaa waxaa si aad ah uga hadlayay warbaahinta Turkiga, iyagoo ka faaloonayay socdaalkan iyo waxa uu xambaarsan yahay.
Joe Biden, ayaa markii uu ka degay Ankara waxaa waddooyinka taagnaa dadweyne fara badan, kuwaas oo watay boodhadh ay ku qornaayen halku dhigyo kala duwan.
Arrimaha ugu muhiimsan ee labada dhinac ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah wadaadka Fethullah Gulen, oo Dawladda Turkigu dooneyso in Mareykanku ku soo wareejiyo.
Turkiga iyo Mareykanka ayaa saaxib dhaw oo xulufo ahaa, balse xidhiidhkooda waxaa ku yimid kala shaki, markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Erdogan.
Dhul Gariir Galaafatay Nolosha In Ka Badan 60-qof oo Ka Dhacay Badhtamaha Talyaaniga.
Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay badhtamaha Talyaaniga waxana ku dhintay ugu yaraan 60 qof, dad badan oo kalena waa la la’ yahay.
Dhulgariirka ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2. ee cabirka loo isticmaalo dhulgarirada, Meeshii uu dhulgariirku ka dhacay ayaa u dhawayd magaalada Norcia oo u dhow Perugia.
Maayirka magaalada Amatrice, ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana logu gurmanayo mid mid.
Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche, ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga dalxiisayaal ugu tirade badan ee wakhtigan ku sugan wadankaasi Talyaaniga.
Ciidamadda Booliska Oo Ku Xadgudbay Xuquuqda Gabadh Muslimad ah.
Ciidamadda Boolis Faransiis ah ayaa ku xadgudbay xuquuqda gabadhmuslimad ah oo xidhnayd dhar asturan oo loo yaqaano khamaar mid kamid ah xeebaha dalka Dalkaas.
Sawiro ayaa la soo dhigay baraha bulshada iyadoo sidoo kale wargeysyada caalamka ay wax ka qoreen Booliska Faransiiska ah oo hubeysnaa kuwaasoo ku amray gabadha in ay iska bixiso dharkii ay xidhneyd.
Maamulada magaalooyin ku yaal koonfurta Faransiiska ayaa mamnuucay in dharka khamaarka loo yaqaan ee daboolaya madaxa iyo jidhka aan la xidhan karin kadib markii weeraro ay ka geysteen dalka Faransiiska ururka IS.
Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday magaalada Nice Talaadadii waxaana sawiradan lagu arkay afar askari oo hubeysan kuwaas oo gabadh ku sugneyd xeebta magaaladaa ku amraya in ay dharka siibto iyadoo magaaladaana ay ahayd magaladii uu nin dhalinyaro ah uu baabuur ku jiidhay dad badan oo u dabaaldagayay maalinta xornimada dalka Faransiiska.
Haweeneyda lagu qasbay in ay dharka xijaabka ah iska bixiso ayaa sidoo kale la ganaaxay. “Waxaan la joogay qoyskeyga xeebta,”ayay tidhi gabadhan oo 34 sano jir ah magaceedana ku sheegtay Siam,“Waxaan xidhnaa dhar caadi ah oo madaxana aan ku daboolay qorshahayguna ma ahayn in aan dabaasho.”ayay tidhi gabadhan.
Qof goobjooge ah oo goobta ku sugnaa ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdadan oo yidhi;“Arrinta ugu murugada badneyd waxa ay ahayd markii dad goobta ku sugnaa ay ku dhawaaqeen”Ka tag meesha oo gurigaaga ku laabo” halka qaar kalana ay u sacabinayeen ciidamada Booliska,”ayay tidhi. Waxayna haweeneydaas goobjooga ahayd sii raacisay“Gabadheedu waa ay ooysay.”
Mamnuucida ay magaalooyin ku yaal koofurta Faransiiska mamnuuceen ayaa waxaa racfaan ka qaatay ururada u dooda xuquuqda dadka iyadoo la filayo in maxkamad ay go’aan ka gaarto khamista.
Weeraro Ka Dhacay Magaladda Muqdisho Oo Lagu Dilay Saraakiil Ciidan.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta (shalay) lagu toogtay magaalada Muqdisho sida ay goobjooagyaal u sheegeen warbaahinta.
Laba weerar oo kale ayaa ka dhacay Muqdisho xalay (Habeenhore) iyo shalay kuwaasi oo mid ka mid ah lala beegsaday guriga Wasiir-U-Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.
Taliyaha Booliiska saldhigga Afar Irdood Gaashaanle Cabdulqaadir Axmed Shire ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay weerarka lagu qaaday guriga Wasiiru-Dawlaha, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxa uu sheegay inay shan qof usoo qabteen weerarka kuwaasi oo baadhitaan ku socdo.
Dhinaca kalena askari ka tirsan ciidanka dawladda ayaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho mid kalana waa lagu dhaawacay markii ay soo weerareen maleehsiyo loo malaynayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabab.
Ciidamada Dawladda ayaa rasaastaais ka jawaabay waxayna toogasho ku dileen mid ka mid ah dadkii weerraka soo qaaday sida ay idaacadda VOA u sheegene saraakiisha dawladda.
Kenya Oo sheegtay inay dhoofin doonto shidaal sanadka danbe
Kenya ayaa sheegtay in ay dhoofin doonto shidaal markii ugu horaysay bisha June sanadka danbe.
Waxay soo saari doontaa marka hore kumanaan barbiil maalintii, laakiin madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wadanka uu doonayo inuu noqdo wadan dhoofiya shidaal badan laba sano gudaheed.
Shidaalka, oo laga helay afar sano ka hor galbeedka Kenya ee Lokichar, ayaa lagu soo qaadi doonaa baabuur iyadoo la keenayo dekadda Mombasa ilaa la dhameeyo dhuun aada Lamu oo la dhisayo.
Horaantii sanadkan Uganda ayaa ku dhawaaqday inay dhisayso dhuun shidaal oo gaadhaysa Tanzania.