Madaxtooyada Somaliland Oo Munaasibad Sagootin Ah U Qabatay Gudoomiyaha Cusub Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Iyo Agaasimaha Cusub Ee Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Hore Ugu Tirsanaa Masuuliyiinta Wasaaraddaasi + Sawiro

0
730

Madaxtooyada Somaliland Oo Munaasibad Sagootin Ah U Qabatay Gudoomiyaha Cusub Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Iyo Agaasimaha Cusub Ee Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Hore Ugu Tirsanaa Masuuliyiinta Wasaaraddaasi.

Hargeysa(WSN)Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah u qabatay Gudoomiyaha cusub ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Sharmaake Axmed Muxumed (Sharmaake Geelle) iyo Agaasimaha cusub ee Guddida qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle (Jabarti) oo hore ugu tirsanaa sharaakiisha wasaaradaasi.

Munaasibada oo xalay ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa ahayd casho sharaf lagu maasuusay masuuliyiintaasi dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland xilalka u magacaabay.

Casho sharafeedaasi ayaa waxa ka qayb galay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, agaasimeyaasha waaxaha wasaaradaasi iyo hawl wadeeno ka tirsan Madaxtooyadda Somaliand.

Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Sharmaake waynu ku hambalyeynayaa xilka cusub ee loo magacaabay, Waanaynu u ducaynaynaa in ILAAHAY ku asturo xilkaasi, waxa kale oo aanu hambalyo u dirayaa Maxamed Jabarte oo isna inaga maqan oo shaqaalaheena ka tirsanaa oo isna loo magacaabay Agaasimaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland.”

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Saacid Cabdi Ciise, oo isagauna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ujeedada kulankeenu waxay tahay sidii aynu ugu ducayn lahayn xilkaa culus ee loo igmaday labadaas nin ee dhalinyarada ah, ee Sharmaake iyo Jabarte, waxaan leeyahay annaga dhalinyaro ahaan dareen wayn ayey inoo leedahay, xilkaa culus ee heerka qaran ah, taasi waxay sababtay in aanu caawa idin maamuusno oo aanu idin karaamayno, idinkoo awalba naga mid ahaa, xilkaa aad qabataeen ALLE ha idinku asturo.”

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir ayaa isaguna halkaas ka hadlay waxaanu yidhi “ waxaan hambayo iyo duco u dirayaa Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Saaxiibkay sharmaake Geele, iyo Agaasimaha cusub ee guddida qandaraasyada qaranka Maxamed Jabarte, waxay ahaayeen saaxiibo inaga mida, shaqaalaha madaxtooyada waa dad walaalo ah, oo midaysan wali maan arag labad qof oo loo garqaadayo, faraj iyo wado wayn ayaa inoo furmay maanta waxa inoo bilaaban tahay inaynu dalacno, sanad kaliya ayaa laba shaqaalaheena ka mid ah ayuu madaxweynuhu magacaabay awal may dhici jirin.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawlada Sharmaake Geelle oo ka mahad celiyey casho sharafeeda lagu maamuusay waxanu yidhi “ qofku markuu soo shaqo tago deegaanka uu u soo shaqo tago ayaa keena inuu dhiiranaado ama uu niyad jabo, maalintii u horaysay ee madaxtooyada soo galay iyo maanta oo aan idinka tagayo aroortii markaan soo shaqo tago ilaa duhurkii WALAAHI ma garanayo maalin aan anigoo murugaysan idinka tagay, farxadaas caawa aad igu sagootinaysaa waa ii qiimo. Caawa waxaan qirayaa in intiina halkaas ila joogtaa inay igu culus tahay inaan idinka baxo, shaqo ahaan kala fogaan mayno.’”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees oo isaguna munaasibadaasi soo gabagabaayey ayaa yidhi “ caawa waxaynu halkan isugu nimid inaynu hambalyeyno Sharmaake oo ka mid shaqaalaheena oo tallaabo hore u qaaday, waa arrintii aynu xisbi ahaan iyo dawlad ahaan doonaynay in dhalinyaradu ay kobacdo oo ay hore u socoto. Ku dhayasho ayuu mudan yahay, raggu marku meel yimaado wuxuu ku kala horumaraa dabciga dadaalka iyo shaqo wanaaga, iyo Umadda oo aad la saaxiibto oo dadku aabo iyo hooyo kuu wada noqdo, maaha inaad noqoto qof dabeecad xun oo marka lala hadlo duda.”
DSC_0000

DSC_0001

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0005

DSC_0006

DSC_0008

DSC_0009

DSC_0021

DSC_0024

DSC_0027

DSC_0028

DSC_0031

DSC_0033

DSC_0036

DSC_0037

DSC_0042

DSC_0044

DSC_0046

DSC_0049

DSC_0051

DSC_0054

DSC_0059

DSC_0069

DSC_0091

DSC_0102

DSC_0104

DSC_0119

DSC_0127

DSC_0134

DSC_0148

DSC_0152

DSC_0158

DSC_0160

DSC_0161

DSC_0170

DSC_0173

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0178

DSC_0182

DSC_0185

DSC_0186

DSC_0189

DSC_0194

DSC_0196

DSC_0199

DSC_0201

DSC_0205

DSC_0212

DSC_0219

DSC_0222

DSC_0236

DSC_0238

DSC_0255

DSC_0260

DSC_0264

DSC_0278

DSC_0288

DSC_0290

DSC_0304

DSC_0306

DSC_0308

DSC_0310

DSC_0317

DSC_0321

DSC_0323

DSC_0327

DSC_0328

DSC_0330

DSC_0332

DSC_0336

DSC_0338

DSC_0342

DSC_0344

DSC_0347

DSC_0350

DSC_0352

DSC_0353

DSC_0367

DSC_0370

DSC_0372

DSC_0374

DSC_0378

DSC_0381

DSC_0394
Wa bilaahi Tawfiiq