Sooyaalka Warbaahinta Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
613

Sooyaalka Warbaahinta Soomaalilaan
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Idaacadaha
• Idaacadda Radhyow Hargays, oo magaceedii hore ahaa Radhyow KUDU. Erayga KUDU waa goodirka. Waxay ahayd idaacaddii ugu horaysay ee af-soomali ku hadasha adduunka. Sannadkii 1941-kii ayaa la bilaabay tijaabadii ugu horaysay. Waxay socotay tijaabadaasi ilaa 1942-kii. Waxa idaacada si toos u maamulayey dawlada ingiriiska oo wakhtigan ka talinaysay Somaliland. Sannadkii 1944-kii ayaa laga bedelay magacii Radhyow KUDU, waxaana laga dhigay Radhyow Hargaysa. Ninkii ugu horeeyey ee ka hadla idaacada Radhyow Hagaysa wuxuu ahaa Xaaji Cabdi Ayuub, waxaanu markii dambe noqday ninkii ugu ee ka hadla idaacadda BBC laanta af-soomaaliga, oo sannadkii 1957-kii. Wakhtigan oo ahayd markii la aas-aasay idaacadda BBC Somali.
• Idaacadda Radhyow Halgan waxay SNM la wareegtay sannadkii 1982-kii ilaa 1991-kii, ayaa ahayd idaacaddii ay isticmaali jireen jabhadii SNM oo dagaal kula jirtay dawladii Max’ed Siyaad Barre. Magacii hore ee idaacaddan la odhan jiray ayaa ahayd Radhyow Kulmis, waana markay isticmaali jireen jabhadii SSDF.
• Madbacadii ugu horaysay ee la keeno dalka waxay la odhan jiray Horseed Printing Press. Sannadkii 1952-kii ayaa dalka la keenay. Hawladeenadii Mad-bacadan ayaa ahaa, Ahmed Jimcaale, Ibraahin Guleed iyo C/laahi ismaciil.
• Idaacadaha FM-ka ee Qur’aanka, ee Hargaysa, Burco iyo Boorama oo hoos yimaada Idaacada Hargaysa ayaa dhawaan hawada soo galay.

Wargaysyadii 1949-kii ilaa 1960-kii
• Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda. Waxaanu soo baxay sannadkii 1949-kii. Wuxuu ka soo bixi jiray wiigii hal-mar. luuqada af-carabiga ayuu ku soo bixi jiray. Waxa lagu diyaarin jiray Hargaysa,waxaan lagu soo daabici jiray dalka Yaman. Waxa soo saari jiray Cali Maygaag Samatar iyo Jaamac Jibriil Rooble
• Wargayskii labaad waxa la odhan jiray AL-SOMAL ,wuxuu soo baxay sannadkii 1951-kii. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Maxamuud Jaamac Uurdoox.
• Wargayskii saddexaad waxa la odhan jiray AL-LIWA wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii. Micnaha Al-Liwa waa calanka.wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Ahmed Yuusuf Ducaale.
• Wargayskii afraad waxa la odhan jiray QARNI-IFRIIQIYA, wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii badhtamahiisii. Macnaha wargayska ayaa ahaa Geeska Afrika. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi.waxa soo saari jiray Cumar Maxamed C/rahmaan(Cumar dheere).
• Wargayskii shanaad waxa la odhan jiray AL-SARAAXA, oo micnaheedu yahay runta. Wuxuu soo baxay sannadkii 1959-kii. Sida kuwii hore ayuu af-carabi ku soo saari jiray. Waxa soo saari jiray C/casiis Xaaji Ismaaciil (Dakharre)
• Wargayskii lixaad waxa la odhan jiray Somalilandnews, oo micnaheedu yahay warkii Somaliland. Wuxuu ku soo bixi jiray af-ingiriisi. Waxa soo saari jiray C/rixiin Caabbi Faarax.
La soo noqoshadii Soomaalilaan 1991
Wargaysyadii 1991-kii ilaa 2016-ka
• Wargaysyada soo baxay waxa ka mid ahaa CODKA HARGAYSA, waxana soo saari jiray C/rahmaan Yuusuf Cartan, Cumar Jaamac, C/laahi Jaamac Maxamed iyo Cawad Saalax.
• Wargayska XORRIYO ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay. Waxa soo saar jiray C/laahi Adan Cumar (Wayab).
• Wargayska Jamhuuriya ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay wakhtigan, waxa soo saari jiray Faysal Cali Sheekh iyo Xasan Siciid.
• Wargayska Maandeeq oo imika la yidhaa Dawan ayaa soo baxa ka dib waxaana soo saari jiray Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka), Axmed Ciro iyo Faysal C/laahi Cabdalle. Waana 1998-kii
Wixii intaasi ka dambeeyey waxa soo baxay wargaysyo badan oo ay ka mid yihiin:
• Wargayska Haatuf oo soo baxay sannadkii 2001-dii
• Wargayska Ogaal oo soo baxay sannadkii 2005-tii
• Wargayska Geeska Afrika oo soo baxay sannadkii 2006-dii
• Wargayska SaxanSaxo oo soo baxay sannadkii 2007-dii
• Wargayska Waaheen oo soo baxay sannadkii 2008-dii
• Wargayska Yool oo soo baxay sannadkii 2008-dii
• Wargayska Saxafi oo soo baxay sannadkii 2009-kii
• Wargayska Foorre oo soo baxay sannadkii 2011-kii
• Wargayska Hubaal oo baxay sannadkii 2012-kii
• Wargayska Somaliland today oo soo baxay sannadkii 2012-kii
• Wargayska Himilo oo soo baxay sannadkii 2013-ka
• Wargayska Sahan oo soo baxay sannadkii 2015-kii
• Wargayks Warsugan oo soo baxay sannadkan 2016-ka
Tilifiishanada ( Muuq-baahiye) 1991-kii ilaa 2013-ka
• Tilifiishankii la odhan jiray Somaliland T.V oo markii dambe loo beddelay Hargaysa T.V imikana la yidhaa Somaliland Space Channel ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ka soo baxa Somaliland. Sannadkii 1997-kii ayuu hawada soo galay.
• Tilifiishanka Somaliland National Television ayaa ahaa kii labaad waxaanu hawada soo galay sannadkii 2005-tii
• Tilifiishanka Horn Cable T.V ayaa ahaa kii saddexaad waxaanu hawada soo galay sannadkii 2006-dii
• Tilifiishanka Bulsho T.V ayaa ahaa kii afraad waxaanu hawada soo galay sannadkii 2008-dii.
Wakaalada Wararka:
• Wakaalada Wararka ee SOLNA ayaa ahayd wakaaladii Kowaad, waxaana la aas-aasay sannadkii 2007-dii.
Internet
• Internet-kii ugu horeeyey waxa hirgalisay shirkadii la odhan jiray EROLITE sannadkii 2000, ayey ka bilaabeen Hargaysa iyo Boorama.
• Shirkadii labaad waxay ahayd Barkaat oo sannadkii 2001-dii bilowday adeega Internet-ka
Shabakadaha wararka (Websites)
• Hadhwanaagnews waxa la aas-aasay sannadkii 2000
• Gebilaynews waxa la aas-aasay sannadkii 2004-tii
• Oodweynenews waxa la aas-aasay sannadkii 2007-dii
• Ramaasnews waxa la aas-aasay sannadkii 2008-dii
• Halbeegnews waxa la aas-aasay sannadkii 2008-dii
F.G. shabakadaha warark Somaliland way tira-bateen, markaa kuwuu ugu waaweynaa ayaan soo qaatay.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Protectorate office for media………….unpublished Paper
Sayid Maxamed Yuusuf ………………Sooyaalka Somaliland 26 june ka hor
Yuusuf Geelle Waaberi……………goob-jooge..1955 ilaa imika