Akhriso Wararka Maanta ee Wargeyska Warsugan iyo Cadadkii 32aad

0
432

Culimadda Waaweyn Ee Somaliland Qaar Ka Mid Ah Oo Khudbadii Jimcaha Ee Shalay Si Adag Ugu Xaarantimeeyey Nidaamka Bangiyadda Ku Shaqeeya Ribada iyo Daliishiga Quraanka iyo Sunaha Nebiga

Hargeysa(Warsugan) Culimada Somaliland ayaa khudbadihii Salaadda jimce ee shalay iyo muxaadarooyin dheeraad ah waxay si adag ugaga digeen in la meel mariyo sharciga bangiyada ganacsiga ee habka reer galbeedka ku shaqaynaya. Xeerkan oo muddo dheer golaha wakiillada hor yaallay waa mid ansixintiisu dalka u fasaxayso bangiyada reer galbeedku inay ka hawlgalaan. Sida ay xaqiijiyeen culimo golaha wakiilladu la kaashaday xeerkan waa mid gabi ahaanba aasaaskiisu khilaafsan yahay shareecada Islaamka, sidaasi darteedna baalmarsan dastuurka Somaliland oo shareecada islaamku saldhig u tahay wixii ka hor imanayaana yihiin waxba kama jiraan. Culimada daristay xeerkan waxay ka soo saareen ceebo ah in xeerkani fasaxayo bangiyo lacag ka ganacsada oo dadka dulsaar ama ribo dul saaraya lacagta ay ammaahiyaan ama qofka lacag dhigta loo saarayo dulsaar.
Culimada ayaa mudaneyaasha golaha wakiillada ku boorrinaysa Alle ka cabsi iyo inay meesha ka saaraan dooda xaasaasiga ah ee xeerkaasi ka taagan, waxaanay ku taliyeen in gabi ahaanba xeerkaasi la joojiyo loona hawl galo hirgalinta xeerka bangiyada islaamiga ah ee la ansixiyay, laguna dedaalo sidii loo keeni lahaa boqolaal bangiyo Islaami ah oo ka jira dunida kuwaasi oo hab islaami ah kula macaamila macaamiishooda.
Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro), Sheekh Berberaawi, Sheekh Almis Sheekh yaxye, Sheekh Cabdillaahi Laangadhe, Sheekh Aadan Sunne iyo culimo kale oo tiro badan ayaa si adag mawduucii jimcaha ugaga hadlay khatarta Ribada iyagoo talooyin nasteex ah u jeediyay golaha wakiillada oo xeerku hor yaallo wakhtigan
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Diri oo shalay oo jimce ahayd ku soo qaaday khudbadiisii ayaa si faahfaasan uga hadlay ka ganacsiga Ribada iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha guud ahaan. Sheekh wuxuu aad ugu dheeraaday Ribada iyo sida uu islaamku u xaarantinimeeyey.
“Ilaahay wuxuu yidhi dadka ribada cunayaa aakhiro waxay isa soo taagayaan iyadoo uu ilaahay calaamo ka muujiyey oo sida qofka waalan ama suuxaya ay ciirciirayaan” sheekha ayaa intaas raaciyey inay taasi tahay calaamadaha lagu garanaayo Ribada.
“Nebigu CSW aad ayuu uga digay Ribada oo dhaqan jaahiliya ayey ahayd oo diimihii samaawiga ahaa way diideen Tawraad, Injiil iyo intoo dhamiba, wuxuu Nebigu yidhi CSW todobada dambe ee qofka halaaga iska ilaaliya, asxaabtu waxay su’aaleen oo waxay yidhaahdeen maxay yihiin? wuxuu yidhi waa 1. Ilaahay oo laga gaaloobo 2. Sixirka waxa loo yaqaano 3. Naftii oo gardaro lagu dilo 4. Ribada oo la cuno 5. Xoolaha agoonta oo la cuno 6.Maalinta cadawga lays hayo oo uu qofku cabsado oo uu dadka muslimiinta ah garabkooda ka baxo iyo 7. Dumarkii dhawrsoonaa oo la yidhaahdo way sinaysteen waxaas oo khatar badan ayaa lagu daray ”
Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo khudbadiisa sii wata ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay leedahay ribadu, waxaanu yidhi “Nebigu wuxuu nacdalay qofka ribada cunay, ka siinaya ee u sahlaya iyo kuwa saacidaya masalan kii u kala qorayey iyo kii markhaatiga ahaa labadii markhaati, intaba uu nacladay. Marka ay dadku ibtiloodaan ee ay diintooduna la fududaato aakhiru-samaankana ay u sii dhawaadaan ayaan darada ku dhacaysa ayuu Nebigu tilmaamayaa in bahashaa ribada la yidhaahdaa u macaanaan doonto iyada iyo waxa xalaasha ahini ay isugu mid noqon doonaan, digniin ayuu bixinayaa Nebigu markaa wuxuu yidhi waxaa iman doona wakhti oo dadka muslimiinta ah soo mari qofku wuxuu shaqaysanayo ee dakhligiisa ah aanu u aabo-yeelayn ma xalaalbuu noqonayaa mise xaraan”
Sheekh Diri oo fasiraayey ujeedada uu khudbadan ugu soo qaatay mawduuca ribada ayaa sheegay in golaha wakiilada uu ka taagan yahay maalmahan hadal haynta xeerka nidaamka bangiyada waxaanu yidhi “Waxaynu mawduucan u soo qaadanay maalmahan muranbaa ka taagnaa xeerar golaha yaala ee shuruucyada yidhaa waanu pass-garaynaa, xeerkaas oo iyaga laftoodu ay cadeeyeen, laba qaybood ayey isku haystaane qayb ka midi inuu xeer ribawiya yahay. Xeerka asalkii halka laga keenay taariikhdiisa waa la hayaa, qofkii soo qaaday, madaxweynihii loo keenay, wakhtiguu yaalay. Wadanka aynu jaarka nahay ee Kenya, waa xeer markiisa hore head-kiisu uu odhanayo xeerkani xeer Islaamiya maaha, kadibna ay macruuf yihiin qodobada ribawiga ah ee qof kasta oo la siiyo amaah in dulsaar la saari doono, dhaliil uu leeyahay taas ayaa kaw ka ah”
Sheekh Dirir wuxuu xukuumada u soo jeediyey inay talo ka waydiiyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta ee ka mid ah laamaha xukuumadda, waxaanu ku taliyey Sheekhu in wasaaradaas wax laga waydiiyo xeerka ama ribada iyo nuxurka uu xambaarsan yahay.
“kow iyo afartan sano ka hor ayaan xasuusanayaa ninkii kacaanka ka madaxda ahaa ee culimada laayey, intan ayuu ku laayey. Wuxuu yidhi raga iyo dumarku way siman yihiin Tulud iyo rubuc intuu ereyo nocaas ah jajabiyey, isaga oo hadlya cajilada way duudban tahay ayaa wuxuu yidhi wadaad xumo ayuunbaa diinta si xun u fasiraya. Arrintaasi midh la ogyahay oo macruufa weeye, maantana nin goleheena u hadlay, mibrada hebal lagama sheego dadka arrinkoodu muxuu yahay uunbaa la yidhaahdaa inta uu soo fadhiistay ayaa waxa uu yidhi wadaadu ribaday jimcaha dadka ka wacdiyi-doonaan waxaan dadweynaha u sheegayaa waxba in aanay ka dhagaysan waayo Aayadna way akhrinayaan, Aaydana way ka dul boodayaan waa fuuf ayuu yidhi waxba kama jiraan waxaa ay akhrinayaan” Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo hadalka sii wata ayaa yidhi “Ninkaa waxay culimadu u arkeen inuu golaha baarlamanka u hadlayo ee Somaliland. Sababta loogu arkayna waxa weeye culimada ayuu u jawaabay goluhuna arrinta ayuu ka doodayey ilaa hadana wax yidhi ninkaa waanu ku khilaafsanahay lama hayo”
Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay tusaalayaasha loo soo qaato wadamada hirgeliyey ku dhaqanka ribada ee ay ku doodayaan dadka u ololaynaya meel marinta xeerka bangiyada, waxaanu sheegay inay taasi tahay tusaale aan lagu dhiqi karin masiir umadeed.
Sheekh Siciid Maxamd Faarax
Siciid Maxamed Faarax, guddoomiyaha xafiiska diwaanka sakada ayaa isna si adag uga hadlay arrinta ribada waxaanu yidhi “Baananka aan islaamiga ahayn waa baanan ribo ama dulsaar ku shaqeeya, waana la wada og yahay oo waa la wada garanayaa. Waxyaabaha waddankeenan yare e iska saboolka ah ee iska dhiban Illaahay SWT inoogu barakeeyay waa ribadaas aan inna soo gaadhin. Maalinta bangiyadaas loo ansixiyo Illaahay kama dhigee ayaa la garan doonaa dhibta culimada iyo dadka ehlka caqliga ahi ka qaylinayso, maalintaas ayaa la garan waxay soo wadaan. Baanankaasi ribo ayay soo wadaan, ribada ha la iska ilaaliyo, Illaahay ha la iska ilaaliyo. Culimada dad baa suuqa u galiyay labada baan ee jira ayaa gunnaynaya oo ay difaacayaan, Illaahay baa laga difaacayaa oo sharciga Alle ayaa laga difaacayaa oo Kitaabka Alle ayaa laga difaacayaa. Dambiga kaliya ee Illaahay dagaal la galaa waa dambiga Ribada, dunuubta kale oo dhan Illaahay ma sheegin inuu dagaal la galayo,” ayuu yidhi Sheekh Siciid oo intaasi raaciyay inay cid kasta u furan tahay furashada bangi islaami ah, wuxuu sidoo kale mudaneyaasha baarlamaanka ugu baaqay inay ka waantoobaan ka doodida iyo ku hamiga in la ansixiyo xeerkaasi
Sheekh Aadan Siiro
Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) ayaa ku dheeraaday sida Shareecada islaamku u mamnuucday isticmaalka Lacagta Dulsaarka ah, waxaanu ku taliyay in dastuurka Somaliland la waafajiyo xeerka bangiyada ganacsiga ee golaha wakiillada hor yaalla “Haddaynu isku qabanno danaha gaarka ah ee dadka qaar wataan, ama baarlamaanku ha wataan ama kuwa sare ee dalka xukumaa ha wataan ama wadaado ha wataane ama baayac-mushtari ha noqdaane oo ay shaqayn waydo waxa inaga dhexeeya oo aynu ku eegi wayno waxaynu ku heshiinnay, macnaheedu waxay noqonaysaa inaynu kala fogaanno oo nin waliba halkiisa haysto. Waxaanu leenahay qolyaha qorshahaas(Ribada) wata waar aynu ku noqono waxaynu ku heshiinnay. Waxaa yar ee inna dhexyaalla(Dastuurka) waxaa u codeeyay boqolkiiba todoba iyo sagaasha (97%). Dastuurka qodobka 5-aad waxa ku qoran wax walba oo shareecada ka hor imanaya dibadda ayaa loo tuurayaa, markaa waxa weeye kaas aynu ku eegno masaladan.”
Sheekh Aadan Siiro wuxuu sheegay inaan si loogu eryo ama looga aar goosto khaladaad ka jira bangiyada islaamiga ah ee Somaliland ka shaqeeya loo doono in bangiyada reer galbeedka dalka loo fasaxo “Ka hadli maynno bangiyada islaamiga ah ee maanta jira oo aad looga cabanayo oo maalin walba su’aal nalaga waydiiyo, taasi waa baab gaar ah oo taas iyada halkeeda ayaynu ku xallin doonaa iyo in lala hadlo, waanu la hadalnay imikana waanu kala hadli doonaa laakiin, inaynu nidhaahno dalkaa lagu citiraafayaa, adeer waxa weeye citiraafka aad sheegayso mid nalagu gumaysto uma soconno,” ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekhu wuxuu baarlamaanka ku boorriyay inay fuliyaan wixii umaddu ku heshiisay ee Dastuurka ah “Qoladan baarlamaanka waxaan leenahay umaddu waxay idiin dooratay inaad fulisaan wixii lagu heshiiyay. Kama hadlayno bangiyada Islaamiga ah ee maanta jira, wax badan baa laga tabanayaa oo runtii waanu kala hadalnay, imikana waanu kala hadlaynaaye waxaanu leenahay waar dadka u naxariista oo shuruud aan shareecada ku jirin, waar shuruud aad idinku jeebada kala soo baxdeen ka daaya, waxan aad haysaan waa wixii umaddu ay lahayd, waayo? Waxay ahayd bangiga dhexe inuu lacagta umadda hayo laakiin, dadku waxoodii ayay idinku aamineen, markaa idinkoo dadka waxoodana ilaalinaya, ha ku dhibina ayaynu leenahay. Inaguna khaladaad shakhsiyaad sameeyeen darteed odhan maynno bangiyadii ribada ha la keeno, oo iyagu ujeedadoodu macno kale tahay oo ay islaamka kula dagaallamayaan oo ay diinta kula dagaallamayaan, oo ay dadnimadeena iyo jiritaankeena kula dagaallamayaan
Sheekh Cismaan Cali Xuseen
Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo isna khudbaddii jimcaha ku lafa guray mawduuca ribada ayaa ka digay in bulshada Somaliland loo xalaaleeyo ribada “Maalka qofka Dulsaarka (Ribada) ku soo gala barakaba ma laha. Barakada oo dhan Illaahay SWT baa ka xayuubiyay. Khayr iyo faa’iidaba ma laha. Iska daa faa’iido eh waxaaba xaaraan ah inaad gasho heshiis Xaaraan ah. Haddii aad bangi timaado oo aad tidhaa “waxaan u baahanahay kun dollar oo ammaah ah,” oo uu ku yidhaahdo waan ku siin laakiin, kunkiiba waxaan saarayaa saddex boqol oo dollar ama adigu aad lacag dhigato oo lacagtaadii Dulsaar laguu saaro heshiiska laftiisa ayaa xaaraan ah, dakhliga ribada kugu soo galaana xaaraan buu noqonayaa. Haddaad Illaahay rumaysan tahay Illaahay Ribada wuu tirtiraa, sadaqadana wuu siyaadiyaa, markaa Ribadu ha badnaato maal badana ha kuula eegaato ee waa maal aan barako lahayn,” ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekhu wuxuu intaasi raaciyay in qofka Ribada qaataa ka dhigan yahay ruux Illaahay dagaal la galay “Qofka ribada qaata, waa qof Illaahay iyo Rasuulkiisaba la dagaallamay, markaa waa ayo Xiniinyo caddaha Illaahay dagaalkiisa ku beegsanaya eel eh Rabbi baan dagaal ugu badheedhayaa? Rabbi baana sheegay oo waa Dambiga kaliya ee aynu Addillada Qur’aanka iyo Sunnahaba ku haynno in qofka Ribo la yimaada Rabbi u iclaamiyay ama ogaysiiyay dagaal. Rabbi wuxuu yidhi Subxaana “Haddaydaan ka tagin Ribada, waxaad ogaataan dagaal xagga Alle iyo Rasuulkiisa idinka yimaadda. Allaah miyaynu la dagaallami karnaa? Waar yaa Alle la dagaallami kara? Yaa leh Alle qalinkayga ayaan kula dagaallamayaa? Yaa leh Alle gacan aan taagay ayaan kula dagaallamayaa? Gacanta Rabbi baa leh, aqoonta aad sheeganayso iyo awoodda Rabbi ayaa leh, markaa haddii aad Alle la dagaalamayso adiga ayay kuu taalla,” ayuu yidhi sheekhu
Dr. Abdulqani Hussein Mohamed
Dr Cabdicani Xuseen Maxamed oo ah aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga baananka islaamiga ah iyo cilmiga dhaqaalaha ee Islaamka ayaa soo uruuriyey axaadiista ku soo aroortay xumaanta iyo ribada, waxaanu ku yidhi qoraalkiisa
• Jaabir ibn Cabdilaahi wuxuu yidhi: “wuxuu rasuulku Ribada ku nacdalay Shan: ka cunaya, ka cunsiinaya, ka u kala qoraya iyo labada markhaatiga ka ah, wuxuuna yidhi way ka siman yihiin denbiga” waxa xadiiska soo saaray Imaam Muslim.
• “Ribadu waa sadex iyo todobaatan albaab, ka ugu yari waxa uu la denbi yahay inuu nin ku hooyadii xaaseysto/guursado” waxa weriyey Xaakim waana xadiis saxeex ah.
• “Qofku inuu cuno dirham ribo ah waxay ilaahay agtiisa ka denbi badan tahay inuu 36 jeer sinaysto”waxa musnadkiisa ku weriyey Imaam Axmed Ibn Xanbal.
.
Khilaafka Eng Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Mar Kale Soo Shaac Baxay
Faysal iyo Jamaal Oo Isku Maandhaafsan Masuuliyiin Jamaal Magacaabay

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ku gacan saydhay masuuliyiin musharaxa Ucid aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen u magacaabay laamaha wadamada Yurub, kuwaasi oo uu u magacaabay inay ololaha doorashada ka caawiyaan, hase ahaatee guddoomiyaha Ucid ayaa ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Qoraal uu soo saaray Eng Faysal Cali Waraabe wuxuu dadka ay khusayso arrintan u sheegay inaanay waxba ka jirin magacaabista Jamaal Cali Xuseen “Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu Qoraalkan ku War galinayaa Dhamaan inta ay khusayso in uu dhawaan Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID uu magacaabay Xilal Sharciga Xisbiga Baal Marsan. Magacaabistaasina ay joojisay Hawl maalmeedkii shaqo qaybo ka mida laamaha debbada,” ayuu Eng Faysal ku yidhi qoraal uu ku socodsiiyay musharaxa Ucid, laamaha dibadda iyo guddida fulinta Ucid.

Eng Faysal wuxuu tilmaamay inaanay sharciga meelna kaga jirin magacaabista Jamaal “Haddaba Waxaa lala socod siinayaa dhamaan inta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto, Xeer hoosaadka Xisbiga UCID iyo Sharciga Xisbiga UCID midna aanay ku qeexnayn meelna aanay kaga jirin Magacaabistaasi isla markaana aan la gaadhin xiligii kaambaynka oo anay Sharci ahayn xisbigana aanay matali Karin dadkaas la magacaabay. Ugu danbayntii Xisbi ahaan Waa in aynu dhawrnaa Sharciga iyo kala Danbaynta Xisbiga UCID, waxaana laamaha Debada la la Socodsiinayaa in ay Shaqadoodii Sidoodii u wataan hawl maalmeedkoodi shaqana gutaan.”
Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu u madaxbannaan yahay magacaabista cidda kala shaqaynaysa hawlaha ololaha doorashada“Marka doorasho soo dhawaato hawlaha la qabanayo aad bay u balaadhan yihiin oo ay uga mug weyn yihiin xilliyadda caadiga ah ee aan doorasho lagu jirin. Haddaba hawlaha doorashooyinka iyo dhaqaalahooduba waxay dusha ka saaran yihiin masuulka u tartamaya jaggadda Madaxtinimo iyo hadba intii ka caawinaysa tartanka doorashadda ee ay isku xisbigga yihiin iyo taageerayaashiisa. Markaasi qofka u tartamaya jaggadda madaxtinamadu waxaa ku waajib ah in uu soo magacawdo hadba dadka uu ku kalsoon yahay ee hawshaasi la qabanaaya isagoo tixgelinaaya dadkii hore uu Xisbiggu ugu magacaabay xilal khuseeya goobaha qaarkood,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharaxu wuxuu sheegay inay lagama maarmaan noqotay in laamaha qaarkood uu ku kabo dadk isaga metela “Haddaba maadaama uu xisbigga UCID ay kala qaybsan yihiin Gudoomiyaha iyo Murshaxa Madaxweyne. Sidii aanu horeba ugu heshiinay Gudoomiyaha (heshiisyaddii hore ee awood qaybsigga ee qoraalka ahaa) in aanu xilalka Xisbigga ka wadatashano, marka ay soo dhawaato doorashaduna uu Murashaxa Madaxweynahu u madax banana yahay magacaabista kooxda kala shaqaynaysa Kaambaynka ee lagu xoojinayo dadkii hore xisbigga u sii jooggay, ayaa waxa aan halkan idiinka cadeynayaa in Kooxdii aan dhawaan u soo magacaabay Gobolka Wales, gaar ahaan magaaladda Cardif ay hawshoodda si habsami ah u wataan iyagoo matalaaya Murashaxa Madaxweynaha ee xisbigga UCID.”

Ugu dambeyn Jamaal Cali Xuseen waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Xisbigga in aan weliba dhawaana soo magacaabi doona xilal kala duwan oo dalka iyo dibaddaba khuseeya oo iga caawin doona si aan u noqdo Murashax ku guuleysta hawlaha laga filaayo. Waa shay caadiya oo dunidana ka dhaca in qofka u tartamaaya jaggadda madaxweyne uu xilliga Kaambaynkiisa ugu diyaar garoobo in uu magacowdo dadka uu is leeyahay waxay kaa caawin doonaan in Kaambaynkaagu uu guuleysto. Taasi micnaheedu maaha meel kasta dad baan u magacaabi doonaa. Waxaa jira goobo faro badan oo dalka iyo dibaddaba ah oo aan ku kalsoonahay in dadka xisbigga UCID u joogga imika ay ku filan yihiin hawlahayga Kaambaynka; laakiin goobaha xoojinta u baahan, iyo xilalka kale ee caawinaya murashaxaba waxa ay noqon doonaan xilal aan dadka kartideeda iyo dedaalkeedaba leh u magacaabi doono haddii Ilaahay yidhaahdo.”
Todobaadadii la soo dhaafay ayuu Jamaal Cali Xuseen wuxuu laamaha wadamo Yurub ah u magacaabay labaataneeyo masuul oo kala shaqayn doono arrimaha ololaha doorashada, kuwaasi oo ah guddiyo olole oo isaga metelaya, hase ahaatee Eng Faysal ayaa ku doodaya in arrintaasi khilaaf hawlaha laamaha qaar joojiyay keentay.

Taliye Ku Xigeenka Laanta Socdaalka Ee Togdheer Oo Ka Hadlay Neef Xoolo Ah Oo Loo Malaynaayo In Qof Dhiiga Ka Jaqay

Magaalada Burco Oo Lagu Arkay Neef Xoolo Ah Oo Dadqal Cunay Iyo Bulshada Oo Ka Muujisay Cabsi Xoogan

Burco (Warsugan)- Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa lagu arkay dhacdo aan nooceeda hore loo arag ka dib markii dadweynaha ku dhaqan Xaafada Maxamed ee Magaalada burco lagu arkay neef xoolaa kaasi oo sida ay dadka ku dhaqan xaafadaasi sheegeen inuu cunay qof dadqal ah , waxaana ay dhacdadani noqotay mid fajac iyo amankaad ku reeb tay dadka ku dhaqan xaafadaasi iyo guud ahaanba bulshada reer burco
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ayaa ka hadlay cabsida ay leedahay dhacdani qaar kamida dadweynaha ku dhaqan xaafada Maxamed Cali oo ah goobta lagu arkay neefkan la cunay ayaa sheegay inay tahay dhacdo naxdin iyo argagax leh noola baahan yahay in si dhakhso ah looga hawl galo cidii ka danbaysay falkaasi gacanta lagu soo dhigo waxaana uu halis ku yahay bulshada gaar ahaan curuurta iyo maatada.
Taliye ku xigeenka Laanta Socdaalka Gobolka Togdheer Farxaan Ismaacil Cali oo isagu ka hadlay goobta falkaasi ka dhacay ayaa ku tilmaamay dhacdo la yaab leh islamarkaana wuxuu ka dhawaajiyey inaanay falkaasi ka daba hadhayn oo ay ku daba jirayaan isagoo arimahaasi ka hadlaayan wuxuu yidhi ” Neef Xoolo ah oo isagoo sidii ilaahay u sameeyey u nool inta garabka la gooyey oo aad arki karto in lagu gooyey mindi iyadoo meel kale la taataaban dabeedna markii mindidii lagu gooyey halkaa laga dooray wadnihii iyo beerkiisii markii aanu qiyaas ka qaadanayna aanu u aragnay in qof farsamo yaqaana oo aan bahal ahayn wax dhiigina aanu ka quban, waxa kaloo iyadana in la eego leh neefkan ma jirto rif rif kaloo ka muuqda iyo wax kaloo ka muuqan, waxaa weeye hadaanu nahay laanta socdaalka gobolka togdheer iyo hadaanu nahay bilayska iyadoo ay waxyaabo hore oo gobolka ka dhacayna ay jiraan tana ay nagu abuurayso shaki kale oo soo kordhaya ay tahay kana waanu ka daba tegi doonaa xaaladu siday tahay baadhis baanu ku samayn doonaa , Dadkana waxaan leeyahay bal waxyaabaha noocaasa aad aragtaan Population ka magaalada deganoow markii meelaha amniga iyo dawladda lasoo socdiisa caruurtana fiidka ka xaraysta”
Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo dhawaan Xabsigaweyn ee magaalada burco la keenay nin lagu soo eedeeyey inuu cunay inan yar deegaanka Wadhan oo ka tirsan Gobolka Togdheer, isla mar ahaantaada ay hadal haynteedu taagnayd taasi oo ilaa hada lagu jiro baadhisteeda sidoo kalena arintani ayaa noqoysa mid labaysa dhacdadaasi hore waxaana ay cabsi ku abuuraysaa dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaalda burco.
Dhacdooyinka dadqalka ayaa beryihii ugu danbeeyey si weyn loogu hadal hayey Gobolka Togdheer gaar ahaana Magaalada Burco, waxaana ay arimahaasi noqdeen kuwo marar badan soo noqday basle wakhtiyadan waxaa la arkay dhacdooyin iyo falal ku saabasan dadcunimada oo lagu arkay magaalada burco iyo nawaaxigeeda, dawlada iyo shacabka ayaa looga baahan yahay iskaashi wada jir ah si looga hor tago oo aanay u faafin dhacdooyinkani.
Liiska 50-ka Cusbitaal Ee Ugu Adeega Wanaagsan Dhanka Caafimaadka Afrika Oo Ay Edna Hospital Kaalinta 13aad Ka Gashay
Mareegta Caalmaiga ah ee Web Matrix ayaa soo saaray liiska 50 cusbitaal ee ugu adeeg wanaasagan qaaradda Afrika ,ee 2015.
Liiskan oo 13aad ay ka gashay Somaliland gaar ahaan Cusbtaalka Edna Adan Maternity Hospitaal, halkay adduunkana uu ka galay Cusbitaalkani 4149 .
Cusbitaalka Edna Adan iyo maamulaha cusbitalka Dr Edna waxay magac weyn u soo jiideen Somaliland oo ka soo dhex mudh yidhi dalal guun ah oo ay ugu horeeyan South Africa Iyo Masar kuwaas oo kala helay

Guushan u soo hoyatay magaca Edana aya ku suntan Somaliland adeegeeda caafimaad taaso aad ka dheehan karto magaca dowladda Somaliland.
Hadaba kaalinta kowaad ee liska waxaa galay Cusbitaal ku yaala dalka koonfur Afrika gaar ahaan gobalka Swaziland “Gambro Healthcare”

50 dal ee lagu shaaciyey mareegtan ayaa waxaa gabi ahaanba ka maqna ,halka ay Kenya iyo Marooko oo kale galay (kaalinta 5 iyo 6 aad) ,dowladda moroshiyoos oo caan ku ah dalxiiska ayaa labba kaalin heshay .

Waxaa xusid mudan in Cusbitaalka Edna Adan oo la aasaasay 2002 uu noqday hormuudka caafimaadka dalalka lagag hadlo soomaaliga iyo kuwa jaarka marka laga reebo dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Oo Ka Hadlay Weerar Culus Oo Al-shaab Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Kenya Ee Somalia Ku Sugan Ku leeyihiin Gobolka Gedo
Nairobi(Warsugan) Dagaal yahannada ururka Alshabaab ayaa magaalada Ceel cadde ee gobolka Gedo waxay ku weerareen ciidamada Kenya ee ka tirsan midawga Africa ee Somalia u jooga ilaalinta nabadda. Ilaa 4 gaadhi oo walxaha qarxa laga buuxiyay ayay Alshabaab lala eegtay albaabka saldhiga AMISOM oo ku yaalla degmada Ceel cadde ee ku taalla koonfur galbeed Somalia, meel u dhaw xuduudka Kenya iyo Somalia. Waxa qaraxyada daba socday rasaas xooggan oo Al-shabaab ooda kaga qaaday ciidamada Saldhiga, iyadoo halkaasina dagaal xooggan ku dhex maray labada dhinac.
Col. Paul Njuguna, oo u hadlay ciidamada AMISOM ayaa galinkii hore ee jimcaha shalay u sheegay telefishanka Aljazeera in ciidamadu la dagaalamayaan dagaal yahannada Shabaab “Ciidamadu waxay wakhtigan la dagaallamayaan argagixisada si ay dib ugaga riixaan Saldhigga,” ayuu yidhi Col. Paul Njuguna.
Ilaa hadda si madax bannaan looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka saldhigaasi hase ahaatee Al-shabaab waxay sheegtay inay weerarka ku dishay in ka badan 60 askarta Kenya ah “ Dagaal yahanno ka yimid taliska Saalax An-Nabhani, waxay weerarreen xooggaga difaaca ee Kenya, saldhigooda ku yaalla Ceelcadde ee gobolka Gedo, iyagoo la wareegay Saldhiga islamarkaana dilay in ka badan 63 Askarta Kenya ah,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Ururka Al-shabaab.
Hase ahaatee waxaa sheegashada Al-shaab beeniyay ciidamada Kenya oo ku tilmaamay inay tahay sheegasho ay caan ku yihiin iyo borobagaando “ Qof walba wuu yaqaan borogaandada Al-shabaab, waxay ku doodayaan inay qabsadeen saldhiga iyagoon qabsan,” ayay Amisom saxaafadda u sheegtay.
Geesta kale Uhuru Kenyatta madaxweynaha Kenya ayaa arrintan ka hadlay, kuna dooday inaanay noqon doonin mid cabsi galisa ama ka kaxaysa Somalia. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tiro ka mid ah ciidamada Kenya la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dalkiisa aanay cabsi gelin doonin Al-Shabaab. Waxa uu sheega in Kenya ay ugaadhsan doonto dambiilayaashii ku lugta lahaa weerarka, islamarkaana dhiiga askartiisa aan laga dhigi doonin mid aan macno lahayn.Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somalia, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa afar baabuur oo walxaha qarxa laga buuxiyey ku weeraray albaabka xerada, waxaana kadib xigay dagaal xooggan oo dhex maray ayaga iyo ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa. Weerarka Al-shabaab ayaa la nooc ah weerarro qorshaysan oo ay marar badan la eegatay ciidamada Africa ee Amisomo iyo kuwa Somalia.