Amb. Rashiid Nuur Gaaruf Wakiilka Somaliland Ee USA oo tacsi u diray Qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale

0
369

TACSI
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Los Angelis Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale, oo ahaa odoyaasha iyo aqoonyahanka Jaaliyada reer Somaliland. Aniga oo ku hadlaya magaca Jaaliyada Somaliland ee USA; Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shicibka Somaliland meelkasta oo ay joogaan, reer Sheikh iyo reer Dariiqo, ehelkii, akhwaankii, reerkiisii, caruurtiisii, Xaaskiisii Amina Adan Yaaxeen. Waxan illaahay ka Baryayaa inuu naxariistiisa ku manaysto marxuumka oo geeyo janada ugu saraysa. Marxuumku wuxu aad u caawin jiray jaamacadaha Somaliland oo dhan, gaar ahaan Jaamacada Hargeysa. Illaahayow kuu naxariiso, wuxu ahaa nin aad iyo aad u wanaagsan oo jecel qarankiisa, dadkiisa, asxaabtiisa iyo ehelkiisa. Aamiin.
Amb. Rashiid Nuur Gaaruf
Wakiilka Somaliland Ee USA