Ku simaha Madaxweynaha oo tacsi u diray eheladii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale

0
343

TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN-19/02/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cilmi Bulaale oo ku geeriyooday Magaalada Los Angelis ee Dalka Maraykanka taariikhdu markay ahayd 18/02/2017.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday muxtarim ah door muhiimana ku lahaa horumarka dalka, gaar ahaan dhiirigelinta Jaamacadaha, sidoo kalena ahaa muwaadin qadiyada gooni isu taaga Somaliland uga ololayn jiray dalka maraykanka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.