Anaga oo ah Gudida Mataanaha Saaxil ee UK Waxaanu Canbaareyn Wadareed Mug leh Dusha kaga Tuureynaa Xukuumada Siilaanyo oo Wadankii Boobaysa.

0
447

Anaga oo ah Gudida Mataanaha Saaxil ee UK Waxaanu Canbaareyn Wadareed Mug leh Dusha kaga Tuureynaa Xukuumada Siilaanyo oo Wadankii Boobaysa.

Uk(Warsugannews)Waxaanu Canbaareyn wadareysan Dusha ka huwinaynaa Xukuumada Siilaanyo oo noqotay Xukuumad ay ka go’an tahay in aan waxba loogu iman oo aaney iyada waxba
ka danbeyn.Waxay Xukuumadani goosatay in ay dhadhamo dheecaankii shacabka siisato oo wada xaraashto dhamaan Hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda Somaliland oo dhami wada lahayd. waxay wada Xaraashtay oo sheerar qarsoon oo aan weligood dhamaaneyn kula gashay Hantidii qaranka shirkado sameys ah iyo Shaqsiyaad gaar ah. Muwaadin Bal illaaheena Weyn Baanu idinku Dhaarinee Bal hoos u dhugta Hantidan qaranka ee hoose ee ay ummadeena baahan ka dhaceen:

1- Wershadii Sibidhka ee Berbera
2- Wershadii Leydhka ee Hargeysa
3- Wershadii Leydhka ee Berbera
4- Guryihii dawlada ee shacabka oo gaadhaaya ilaa 520 guri
5- Xaruntii Netfishka ee Berbera
6- Leynkii Booliska ee Hargeisa
7- Xafiisyadii qaranka sida kii Wasaarasda Duulista Hawada ee Hargeisa
8- Station Police yadii Xaafadaha Hargeisa qaar kood
9- Gandhi- Libaray oo Weli inoo huursan
10- Xanaanooyinkii Caruurta sida ta Hargeisa
11- Sariibadihii iyo Suuqyadii Ganacsiga oo la xaraashay sida Sariibada Octobar
12- Buurta Gacan Libaac oo Sheikh Carab ah laga iibiyey laakiin lagu dhici la yahay ilaa hada
13- Xero Dhiitii Caasimada Hargeisa oo aad ogeydeen labadii maalmood ee aan xoolaha la qalin wixii ka dhacay.
14- Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad Chines ah sife qarsoon oo gacan wadaag ah looga kireeyey
15- Bir-libaaxdii dalka taalay oo dhan (all scrubs) oo cagta iyo carabka la mariyey
16- Liisanka Baabuurta ee Qaranka oo shaqsi maquuno loo siiyey
17- Isbaaradii Baabuurta loo dhigtay Dekeda Berbera ee Barlamaanku Furdaamiyey
18- Warqadii wado marista ee Dalka oo shaqsi shirkad sheegta sife gacan wadaag ah loogu naaxiyey
19- Haamihii keydka Shidaalka oo Feedh, Haraati iyo Xuurto ka maraaya Baarlamaankii Dalka oo Aduunku wada daalacday
20- Dekedii Berbera oo Foox badan iyo Faal lala dabo joogo oo Bisha danbe la filaayo in la wareejiyo lana mashruuceeyo si sheerar loogu galo
Maadaama ay u Saareen Khuburo ku sheeg Budhcad ah oo caan ku ah sida Lacagaha buuran loo lunsado.

Waxaa inataa sii dheer Liisamada Dhinaca ka raran ee la bixiyey ee hoosta lagu hayso ee aan maanta lagu dhici kareyn laakiin meel loo sii dhigtay
Mustaqbalka in dalka lagu maalo oo lagu biyo dhiijiyo waxaana Liisamadaa ka mid ah. Liisamada Sahaminta Patrolka, Liisamada sahaminta Gaasta dabiiciga ah, Liisamada Sahaminta Macdanta kala duwan, Liisamada Wershedaha Gaasta Cabeeya, Liisamada Weshedaha Kaluunka Badweynta ka Xaalufiya, Liisamada Dhoofka Xoolaha, Liisamada dhoofinta Milixda.Maadaama hore sife aan sharciga waafaqsaneyn loogu xaraashay dhamaan dantii guud iyo Hantidan maguuraanka aheyd ee Qaranka ee aanu xaga sare kaga dhawaajinay waxaanu dagaal iyo dhimasho ka xignaa in Hamaaha Keydka Shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo Shirkado Sameys ah oo iigu dar ah.

Allah Mahad Leh
Wa-Lahum Aclam
Wa-Billahi Towfiiq
Gudida Qubejooga Mataanaha Saaxil ee UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here