Guriga Aan Dhisanaayo Ku Bixi Maayaan 600,000 Dollar ee Waxa Ku Baxaaya Wax Ka Yar oo ah 50,000 Dollar, Madaxtooyaduna Waxba Ii Dhisi Mayso.”. Saleebaan Bukhaari

0
347

“Guriga Aan Dhisanaayo Ku Bixi Maayaan 600,000 Dollar ee Waxa Ku Baxaaya Wax Ka Yar oo ah 50,000 Dollar, Madaxtooyaduna Waxba Ii Dhisi Mayso.”. Saleebaan Bukhaari.

Hargeysa(Warsugannews)Xildhibbaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), ayaa si toos ah u qirtay dhismaha guri uga socda bariga Hargeysa oo ay shalay baahisay mareegta Somalilandlive, balse waxaa uu si cad u dedefeeyey in dhismaha gurigaas ay u dhisayso Madaxtooyadu, isaga sida oo kalena carabka ku dhuftay in qadarka lacagta ah ee ku baxayaa uu ka yar yahay xadiga lacagta ah ee ay shalay soo tabisay Mareegtu.

Mudane Saleebaan Bukhaari, ayaa hadalkan ku sheegtay mar uu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu cay iyo aflagaado qaawan kula dul kufay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu sheegay in uu ka dambeeyey in dacaayado laga fidiyo, balse ah wax aan sal iyo raad toona lahayn oo uu meel kaga dhacaayo xoriyadda hadalka iyo baadhitaanada xorta ah ee ay warbaahintu umadda ugu xil saran tahay siddii ay u soo bandhigi lahayd shakhsiyaadka caadaystay cunis iyo boobka hantida umadda.

”Guri sadex dabaq ah oo madaxtooyadu iidhasayo adeer wax jira maaha waa jago yar oo anigu aan lahaa oo beri hore aan nin kasiistay 6,000 oo Dollar iminkana aan guri yar ka dhisanyo 600,000 iyo waxaa ay sheegayaan ku bixi maayaan ee 50-kun wax ka yar baa ku baxaya anaana dhisanaya cidna iima dhisayso iimana maalgelinayso lacagta yar ee ku baxaysana deyn baaba wax laygaga leeyahay”.Ayuu yidhi Saleebaan Bukhaari.

Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, ayaa sida oo kale isku dayey in uu bulshada daaha ka saaro dhismaha guriga saddexda dabaq ah ee uu ka macaashay mooshinkii saqiray ee uu u gudbiyey shir-guddoonka aqalka Wakiilada, waxaana uu tilmaamay in uu jagadan uu hore u lahaa ka hor khilaafkii iyo mooshinkii Haamah ee shidaalka Bebera.

“Mooshinadan iyo sheekooyinkana ka hor ayaan jagadan yar lahaa, markaa waa been qaawan waxba madaxtooyadu iima dhisayso.” .Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here