Laba Nin Oo Mataan Ah Ayaa Hayadda Red Cross-ka iska Heley Ka Dib 70 Sannadood

0
1007

Laba Nin Oo Mataan Ah Ayaa Hayadda Red Cross-ka iska Heley Ka Dib 70 Sannadood.

Mataano Hooyadood hooyadood laga soo qaadey Poland oo shaqo loo keeney Jarmalka ayaa ka dib markii xorriyadeedii heshey laba wiil oo mataana ah u dhashey askari Mareykan ah oo dalkiisii ku laabtey ka hor dhalashada carruurta mataanaha ah.
Xanuun iyo dhaqaale xumo dartii, hooyada dhashey mataanuhu mey awoodi kareyn in ay koriso carruurta, sidaa awgeed, ayuu Red Cross-ku dib uugu soo celiyey mataanahii Poland halkaa oo ay ku kala qaateen laba qooys oo kala duwan oo aan carruurta uuga waramin xaalka waalidkood iyo tooda toona.
Lucian markii uu ciidanka qalabka sida galey ayey hooyadii korisey u sheegtey in aaney dhalin ee ay korsadeen taas oo ku ridey muraaradilaac iyo u qaadan waa halka mataanka kale ama George uu ka heley waraaqo muujinaya in reerka uu la joogaa aaney dhalin ee ay korsadeen warkaas oo isna ku ridey niyad jab weyn kuna caloobeen hooyadii soo korsatey.
Ugu danbeyntt, Red Cross-ku waxa uu ku guuleystey in ay kulansiiyaan mataanihii ka dib 70 sannadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here