Antonio Rudiger oo beeniyay inuu ku biirirabay Chelsea

0
344

Daafaca kooxda Roma ee Antonio Rudiger ayaa beeniyay inuu ku biirirabay kooxda Chelsea ka hor intii uusan dhaawacmin.

23 jirkaan reer Jarmal ayaa aad loola xiriiriyay kooxda Blues suuqii xaggaaga, markaas oo la sheegay inuu bartilmaameed u yahay tababare Antonio Conte.

“Waa waxba kama jiraan inaan ku dhawaa ku biirida Chelsea ka hor intii aanan dhaawacmin” ayuu u sheegay saxaafada.

“Mustaqbalkaygu halkaan ayuu yaalaa, kaliya waa inaan diirada saaraa kooxdayda, waxaan ka soo laabtay dhaawac culus waxaanan u baahanahay inaan muujiyo foojignaan joogto ah”.

“Ma garankartid waxa ka dhacaya kubadda cagta, riyadaydu waa in maalin uun aan ka ciyaaro ingiriiska, laakiin haatan Roma ayaan ku faraxsanahay waayo waxay ii muujiyeen kalsooni xitaa markii aan dhaawacmay, ixtiraam wayn ayaan u haayaa kooxdaan”.