AQOONYAHAN RUQIYA MUXUMED XASAN BUDLE, AYAA DEEQO RAASHINA OO AY U SOO WAKIILATAY FAYSA CUMAR KAAHIN KU WAREEJISAY DEGMOOYIN HOOS YIMAADA SALAXLEY IYO GABILEY

0
436

AQOONYAHAN RUQIYA MUXUMED XASAN BUDLE, AYAA DEEQO RAASHINA OO AY U SOO WAKIILATAY FAYSA CUMAR KAAHIN KU WAREEJISAY DEGMOOYIN HOOS YIMAADA SALAXLEY IYO GABILEY

Hargeysa(WSN)Marwo Ruqiya Muxumed Xasan (Budle) oo ka mida Aqoonyahanka reer Somaliland ayaa waxa ay deeq ku wareejisay raashina ku wareejisay dadka ay abaartu ku heshay deegaanada Salaxley oo ka tirsan gobalka Maroodi jeex.

arabsiyo-news-1

Marwo Ruqiya muxumed xasan Budle, ayaana Masuul ka ahayd Deeq tiro badan oo ay Faysa Cumar kaahin oo ah gabadh qurba jooga oo ku nool dalka maraykanka ay ugu soo deeqday dadka ay abaarahu saameeyen ee deeganadaasi

Ugu horeyn safar ay ku tagtay deegaanka Salaxlay Tuuloyinka Hoos yimaada gaar ahaana Tuulada Qool Buulale waxaa ay maamulka Tuuladaasi ku wareejisay  deeq raashina oo iskugu Jira (Saliid, Daqiiq, Sonkor iyo Bariis) Deegaankani oo ka mida Degaanada ay samaaynta weyn ku yeelatay Abaarta Ka jirta gudd ahaan Qeybo ka mida Degmooyinka Somaliland ayaa waxa y dadka uga mahadnaqeen Marwo Ruqiya Deeqda Ay soo Gaadhsisay iyada oo ka masuula Faysa Cumar Kaahin waxaana ay ilahay uga Baryeen in meesha ay ka soo saareen Wax ka kheyr badan ilahay ugu badalo.

Mid ka mida dadka odayaasha deegaanka oo lagu magacaabo cadilaahi jaamac maxamed ayaa dhamaan qurba joogta kale ee ku nool dalka dibadiisa ugu baaqay inay ka qeyb qaatan oo ay ku deydaan walaalahooda deeqda soo gaadhsiiyay

arabsiyo-news-11

“Marka u horeysa ilahayba mahad leh, marka xiga waxaan u mahadnaqayaa walaalahayaga na soo gaadhsiyay deeqdan aanu manta u joogno,gaar ahaan Faysa Cumar Aadan”ayuu yidhi

Marwo Ruqiya Muxumed Xasan(Budle) oo masuul ka ahayd deeqda Ay Soo Gaadhsiisay FaysaCumar Kaahin oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay u mahadnaqday Marwo Faysa Cumar sida hagar la’aanta ee ay walaalahooda abaartu hayso ay ugu soo gurmatay iyadoona qurbajoogta dalka dibadiisana ugu baaqday inay soo caawiyaan walaalahooda abaarahu ay saameeyen.

arabsiyo-media-1

“Waxaan u mahadnaqayaa Faysa Cumar Kaahin oo isoo wakiilatay Deeq Raashina oo aan u qeybinayo deegaano kala duwan oo Quul Buulale ay maanta ugu horeyso,iyada iyo inta soo uruurisayba waxaan ilahay uga baryayaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro, meeshi ay ka soo saarena wax ka khayr badan ilahay ugu badalo insha allah, dhulkan baahi badan ayaa taala cidna uma maqna ceelna uma qodna abaar aad u xun ayaa taala oo dad iyo duunyaba haysata cidii damqanaysaay waa laydiin baahanyahay wax badan oo inaga waxba ina yeelayn ayaa walaalaheen wax u taraya aad haloogu soo dadaalo ayaan odhan lahaa”

abdifataah-m-giryaad

Dhanka kale marwo Ruqiya Muxumed Xasan (Budle) ayaa waxaa ay deeq tan la mida gaadhsiisay Deegaano ka mida Gobalka Gabiley, deegaanka gogaysa  oo ahaa deeganki u horeeyay ee gobalkaasi ee ay deeqda gaadhsiiso marwa Ruqiya Muxumed Xasan (Budle) ayaa waxa ay sheegtay in ay intii ay safarka ku jireen ay sii arkeen abaarta baahsan oo heshay dadki ka soo cararay abaaraha deegaano barig ka yimid ee dhulkani nafta soo biday iyo dadki  deegaankaasi ku noola kuwaasi oo dhamaantoodba la il daran abaarahaasi oo xoolahi iyo baadkiba ka baabiyay

media-1

Marwada ayaa deeqda ay Faysa Cumar kaahin u soo wakiilatay ku wareejisay dadka deegaanka, mid ka mida odayaasha iyo guddida deegaankasi gogaysa ayaa uga mahadnaqay Walaashood Faysa Cumar Kaahin Deeqda ay u soo dirtay iyagoona sheegay in ay soo gaadhsiisay Marwo Ruqiya Muxumed Xasan isla Markaasina waxaa uu intasi raaciyay in ay dadkii ugu liidatay ee deeganka iska soo xulen si loogu baahi tiro deeqdaasi.

1a

Marwo Ruqiya Muxumed Xasan ayaa Deeqdna sidoo kale Gaadhsiisay Qoysas danyar ah oo ku nool deegaanka Beeralayda ee Banka Wajaale oo ay Abaaraha ka Jira Deegaanada Somaliland Sameeyen

1c

“meeshaanu joogna wajaale iyo kala baydh ayay u dhaxaysaa, waxaa ku soo qaxay intaasi oo reer  oo ka yimid salaxley iyo agagaarkeeda oo xoolahii iyo maatidii aad aad uga damqanayso siday tahay markaad aragto, markaa waxan u sheegayaa qurba joogta reer Somaliland deegankad doontan aad u dhalataane inaad dadkaasi ka war haysaan, Abaar ka badan tii hore ayaa soo socota sida aanu indhahayaga ku soo aragnay oo ifafaalaheedi hore bilaabmay, halaysku damqado insha Allah biyo iyo baadba waa loo baahanyahay gaalada ayaa waxa ay yidhaahdan (1centi) gini ayaa qofka wax tara, hays odhanina wax yar ayaad diraysaan, qof walowba waxaad hayso jeebka gacanta gali gurmad degdega ayay dadkeenu u baahanyahiin”

vlcsnap-2016-10-27-14h41m51s788

Mid ka mida dadka deegaanka ayaa uga mahadnaqay Faysa Kaahin iyo walaalahooda soo gaadhsiyay Deeqdaba waxaana ay sheegen in ay gudoomen “Waanu ka Guddonay Ruqiya oo deeqdaasi wakiil ka ah oo ay faysa cumar soo bixisay waanu ka guddonay raashinkaas ilahay camalkaaga iyo ka waalidkaaba ha kuugu daro”