Arday soomaali ah oo weerar ka geystay jaamacadda Ohio iyo sagaal ruux oo uu dhaawacay – isna la dilay

0
346

WAAXA QOREYA YAASIR BR

Wararka ka imaanaya gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegayaan in arday soomaali ah oo lagu magacaabay C/risaaq Cali Cartan uu weeraray jaamacadda Ohio oo uu arday ka ahaa.

Wiilkan weerarka geystay oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ka ahaa isla jaamacadda. Sagaal qof ayaa ku dhaawacantay weerarka oo uu u adeegsaday gaari uu jiirsiiyay arday ku sugnayd jaamacadda.

Markaas ka dib waxa uu ka degay gaariga, wuxuuna billaabay inuu mindi ku weeraro ardaydii kale. Waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray.

C/risaaq Cartan ayaa markii dambe toogtay booliska, waxaana la sheegay in waxyar uun kaddib inta uusan weerarka geysan uu bartiisa facebook-ga kusoo qoray in “uusan xamili karin intaan in ka badan”.

Booliska waxay sheegeen in arrintaasi ay baarayaan si ay u ogaadaan inuu ahaa mid argagixiso ama weerar kale.