YAABA CUURYAAN GACMAHA KU SOCDA OO 65SANO MASJID 5-TA SALAAD KU TAKUDA

0
447

WAAXA QOREY YAASIR BR

Tukashada Salaada waxay ka mid tahay shanta qodob ee aasaaska u ah Islaamnimada, iyadoo ay u tahay hogaan camal kasta oo qofka Muslimka ah uu sameeyo, maadama ay tahay ay ku tahay faral qof kasta oo Muslim ah oo da’da qaangaarka gaarey, waana camal xisaabtankiisa iyo ajarkiisa uu leeyahay ALLE subxaanuhu Watacaalla.

Waajibaadkan diineed ee salka u ah Islaamnimada, dad badan oo caafimaad & xoog ALLE ugu deeqay ayaan gudan salaada,kuwaasioo fududeysta ama si kas ah uga taga, waxaana la isku raacsan yahay in qofka oo ka taga ama dayaca salaada ay halis ku jirto Muslimnimadiisa, maadama ay tahay xiriirka rasmiga ah ee ka dhaxeeya ALLE SWT, iyo adoomkiisa, iyadoo gudashadeeduna ay tahay camal ka mid ah camalada ugu wanaagsan ee ILAAH loogu dhawaado.

Hadaba salaada qiimahaasi leh, oo dad badan aanay siin ihtimaamka ay leedahay waxaa tusaale wanaagsan u ah qof kasta oo Islaam ah Abdullah Al Asiri oo ah 76 sano jir u dhashay wadanka Sacuudiga oo ah nin cuuryaan ah oo gacmaha iyo jilbaha ku socda ayna u sii dheer tahay tuur uu ku leeyahay dhabarka ayaa soo jiitey warbaahinta islaamka ka dib markii la xaqiijiyey in uu mudo 67 sano ah Masaajid ku dhaw gurigiisa uu ku tukunayey shanta salaadood ee faralka ah maalin iyo habeen kasta iyo waliba sinooyinka loogu tala galay.

Cabdalla oo ku nool tuulo yar oo ku taal wadanka Sacuudiga, dad badan oo yaqiin ayaanba nooleyn oo geeriyoodey, laakiin isagu cimrigiisa oo ALLE barakeeyey wuxuu go’aan ku gaaray isagoo 10 sano jir ah in si kasta oo uu u yahay cuuryaan in uu shanta salaadood ku tukudo Masaajidka.

Cabdalla wuxuu ka yahay caan deegaanka uu ku nool yahay iyo waliba masjidka uu ku tukudo salaadaha, wuxuuna ku dhashay sida uu hada yahay isagoo ay la dhasheen 7 qof oo kale, waxaana wali nool hooyadiis iyo Aabihiis.

Xaalad kasta oo timaado, roob, cadceed, kuleyl & qabow midna kama horjoogsan Masjidka inaanu aadin Cabdalla, wuxuu wali u yahay tusaale qof kasta oo Muslim ah marka la eego go’aankiisa iyo waliba fulintiisa.

Filim ninkan uu ka soo duubay wariye ka socdey wargeyska Sabq ee ka soo baxa wadanka Sacuudiga, laguna baahiyey baraha Internet-ka waxaa daawaday in ka badan 700 kun oo qof.   Maashaa ALAAH, waa tusaale wanaagsan, ILAAHAY ha inagu duwo Camalka wanaagsan Aduun & Aakhiro lagu liibaano.