Inter oo u tafaxaydatay soo xerogalinta Alexis Sanchez

0
318

(Milan) 28 Nov 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Inter Milan ay aad u doonayso laacibka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Qandaraaska Sanchez ee kooxda Arsenal ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed ka dambe ee 2018, isaga iyo kooxda ayaanan wali isla gaarin wax heshiis kordhin ah.

CalcioMercato ayaa baahisay in kooxdu ay suuqa la gali doonto xaggaaga soo socda aduun dhan 130 milyan oo Ginni, waxayna isha ku haayaan wadahadalada heshiis kordhinta ee Alexis Sanchez iyo Arsenal.

Inter ayaa qorshaynaysa inay qiimo qaali ah soo hordhigto xiddiga reer Chile si uu uga soo dhaqaaqo Emirates dhamaadka xiliciyaareed kan