Aritz Aduriz oo xalay Rikoodh cusub u dhigay xulka Spain

0
436

Aritz Aduriz ayaa rikoodh cusub u sameeyay xulkiisa Spain kaddib kulankii ay xalay 4-0 uga adkaadeen xulka Macedonia kulan ka tirsanaa isreeb-reebka koobka adduunka.

Dhaliyaha kooxda Athletic Bilbao ayaa noqday xiddigihii ugu da’da wayn ee gool u dhaliya xulka Spain oo wuxuu ku dhaliyay 35 years iyo 275-maalmood.

Aduriz ayaa rikoodhkan kala wareegay José María Peña Salegui oo waqti badan heystay kaddib goolkii uu ka dhaliyay xulka Portugal kulan saaxiibtinimo sanadii 1930 isagoo jira 35-sano iyo 225.

Rugcdaagii hore ee Real Madrid Alfredo Di Stéfano ayaa mar ku dhawaaday inuu jabiyo rikoodhkan 1961-kii mar uu gool u dhaliyay xulka lagu naaneyso  La Roja isagoo jira 35-sano iyo 141 maalmood.