qabyaaliga weyn ee kala qoboqoba saxaafada gobalka togdheer (yuusuf ilka case)

0
734

Kala Fogeynta iyo Qabyaaladda uu ku Dhex Fidinayo Suxufiyinta isuduwaha Warfaafinta ee Gobolku iyo Ka Warhayn la’aanta Wasiirkiisa.
Warbaahintu Waa Midkamida Tiirarka Qarankani kutaaganyahay Waxayna kamidtahay meelaha ka bad qaba Dhaawacyo badan oo Bulshada iyo gud ahaanba dalka soo gaadhay,sidaaso ay tahay iyadoo anay jirin dugsiyo lagu barto mihnadda saxaafadda hadana dhalinyarada ku shaqaysa waxay ku dedaaasha inay dedaal badan geliyaan sidi ay bulshada usiin lahaayeen warar iyo dhacdoyin xaqiiqa iyago dhinaca kalena utudhaya bulshadooda.
Haddaba Waxa inta badan dhacda waxyaabo suxufiyintaas mihnad wadaagta ah kala dila oo kala fogeeya isla markaasna dhexdooda ku beerta kala shaki sidoo kalena meesha ka saarta kalsoonidii iyo wax wada lahaanshigii iyo weliba isku duubnidii taaso inta badan ay bud dhig u noqdaan suxufiyiinta waaweyn ee dhalinyaradaasi ay ku daydaan qaarkood, iyago mararka qaar si gaar ah usoo saarta suxufiyiin ama dhalinyaro ay isku degaan yihiin islamarkaasna ku dedaaala inay dedaal badan geliyaan sidi ay u noqon lahaayeen suxufiyin aqoon badan leh, iyagoo dhinaca kale ka reeba taageeradooda iyo tababaradooda iyo weliba taban taabintooda kaleba cid kasta oo aan ka soo jeedin degaankooda ama aanay isku reer ahayn, haddaba waxa dhacdo xanuun badan leh oo dareen badan oo shaki leh ku abuurtay suxufiyinta gobolka ahayd, dhacdo uu ku kacay isuduwaha warfaafinta ee gobolka Togdheer yusuf ibrahin warsame kaaso suxufiyinta gobolka ka dhex bilaabay kala qoqob iyo kala jeclaysi isla markaasna suxufiyin isku xafiis isku shaqo iyo isku institution ah ka dhex miidhay intii Degaankiisa kazoo jeeday isla markaasna 25 Suxufi oo uu Tababar u qabanayey Urur uu xubnihiisa ku jiro ay 2 kamida mooyee inta kaleba ahaayeen Dhalinyaro isugu jiray Suxufiyin iyo qaar an suxufiyin ahayn oo kazoo jeeda Degaankiisa, Waxana Fajiciso Noqotay marki ay dhalinyaradi goobta isugu timid is wada eegeen isla markaasna iyaga laftarkoodu liqi kari waayeen qaabka tababarkaas la doonayo in lagu kobciyo aqoonta suxufiyinta lo so xulay, waxayna taasi shaki badan oo kalsonidi warbaahinta meesha ka saari kara ka dhex abuurtay suxufiyinta iyado isuduwaha warfaafintuna inta ugu badan ku dedaalo sidii uu u badsan lahaa dhalinyaro mihnadda saxaafadda leh oo ay isku degaan yihiin ama isku beel yihiin, maadaama aanay hawlihiisu ku koobnayn wasaaradda warfaafinta oo keliya ee u yahay shakhsi hay’ado, shirkado iyo siyaasado kaleba ku dhex jira sido kalena loolan ugu jira sidii uu bulshada degaanadiisa u kasban laha uguna noqon lahaa murashax mudanayaasha barlamaanka ugu jira, waana sababta ubadan ee uu is leeyahay warbaahin iyo weriyaal kula ololeeya si gaar ah u tababaro, balse aanu ka fekerin dhaawaca ay shakhsiyaddiisa, masuliyadiisa iyo saxaafadda dhexdeeda ba ku keenayso.
Wasiirka Warfaafinta ee uu Gobolka Wakiilka uga yahay ayaan ka war qabin arrimaha caynkan ah ee uu suxufiyinta gobolka kula dhaqmayo isuduwihiisu, waxayna noqon karta boog an ka bi’in wasaaradda warfaafinta haddii aan si degdeg ah wax looga qabin isla markaasna laga soo gaadhin gobolka isuduwaha qaabka qabyaaladaysan u adeegsanaya mihnadda ee dhaawacaya sharafta mihnadda isla markaasna bulshada isu tusaya inu yahay suxufi ka fayow qabyaalad, iyado caddaymo badanna aynu u hayno qabyaaladda uu adeegsado iyo nacaybka uu ku kala beero suxufiyinta waaxa qoraya yssair br