Arooska ugu Qaalisanaa oo Hindiya ka socda (Hala Yaabin lacagta ku baxaysa iyo..

0
362

waaxa qoreya yaasir br

Mid ka mid ah aroosyadii ugu qaalisanaa adduunka oo shan maalmood soconaya ayaa dabaalddeggiisu ka socdaa magaalada Bangalore ee koonfurta dalka India.
Maalqabeen lagu magacaabo Janardhana Reddy oo ka ganacsadda macdanta horeynna u ahaa wasiir gobolleed ayaa la sheegay inuu ku bixinayo aduun lacageed oo gaaraya 74 milyan oo doolar guurka gabadhiisa.
Guurkan lagu bixinayo lacagtan caqliga ka baxsan ayaa si wayn loo dhalliilay, iyadoo malaayiin Hindi ah ay la daalacaa dhacayaan faqri iyo dhibaato ka dhalatay Bangiyada oo laga la’yahay in lacagihii nuqulka ahaa.
Sheekada kale ee yaabka leh ayaa waxay tahay ninkan hantida intaas la’eg ku bixinaya guurka gabadhiisa oo bannaanka ku jooga racfaan maxkamadeed, waxaana loo haystaa eedeymo ku salaysan musuqmaasuq.
Guurka waxaa amaankiisa sugaya saddex kun oo ilaallo gaar ah iyo sadex boqol oo ciidamo Booliis ah oo ay ku jiraan kuwa qaraxyada ka hortaga iyo waliba eeyaha wax uriya.
Arooskan oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada iyo guud ahaan wadanka India ayaa waxaa ka qeyb galay fanaaniin iyo jilayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Shahrukh khan, Katrina Kaif iyo dad kale oo caan ah.