LIBYA: Daanyeer sababay iskudhac labo qabiil iyo 16 ruux oo ay iska dileen

0
342

waaxa qorey yaasir br

Dagaal la isku adeegsaday taankiyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu maalmahan ka socday magaalada Sabah kaddib markii labo qabiil oo lagu kala magacaabo Awlad Suleiman iyo Gaddafa ay isku dheceen daanyeer aawadiis, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iska-hor-imaadkan ayaa yimid kaddib markii saddex dhallinyaro ah oo kasoo jeeda qabiilka Gaddafa ay daanyeer ay wateen ku direen gabar yar oo iskooley ah kaas oo xijaabkii ka siibay gabadha dharki kalena ka jeex-jeexay.

Qabiilkii gabadha laga faduuliyay ee Awlad Suleiman oo duullaan soo qaaday ayaa waxaa ay dileen daanyeerka iyo raggii watay, waxaana ay arrintaasi u cuntami weysay qabiilka Gaddafa oo iyana weerar saf ballaaran kusoo qaaday qolada kale.

16 ruux ayay iska dileen labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay dagaalkaasi tiro kor u dhaafeysa 50 ruux.

Dagaalka labadan qabiil ayaa waxaa uu socday saddex maalmood, iskiis ayuuna isaga qaboobay, laakiin waxaa xira isu socodka xaafadaha ay ku dagaalameen oo ay dhufeyso isugu jiraan.

Tan iyo sidii xukunka looga tuuray madaxweynihii dalkaasi Muamar Gadhafi ayaa waxaa dalka Libya hareereeyay dagaallo qabali ah kuwaas oo waddanka kala jar-jaray, qabiil walbana magaalo xirtay.