Halyeey Colin Pates:- Halkaan Mid Ayaan Kula yaabay Victor Moses

0
709

waaxa qoreya yaasir yare }

 

Victor Moses ayaa soo jabsaday safka hore ee kooxda Chelsea tan iyo markii Antonio Conte shaxdiisa u bedelay 3-43 midaas oo xiddigaan uu aad ugu soo baxay .

25 jirkaan heerka qaran ee xulka Nigeria ayaa shaqo adag ka qabanaya garabka midig ee daafacyada dhexda jooga ee shaxda 3-4-3 isagoo sidoo kale caawinayey weeraryahanada taas o0 chelsea u sahashay inay guulaysato lix kulan oo xidhiidh ah welina aan wax gool ah laga dhalin.

 

Sidaas awgeed Halyeey Pates oo Chelsea usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1988 ayaa qirtay inuu aad ula yaabay in wiilkaan reer africa ay u fududaatay inu ka ciyaaro booskiisa cusub.

“Waxa uu qaadanayaa xilli ciyaareed cajiib ah , sidoo kale si wanaagsan ayuu halkaas[daaafaca] uga dheelayaa  marna umaad malaynayn in Moses ku raaxaysan doono daafaca ” ayuu u sheegay The Sun.

“anigu xataa weligay Million sano maan dhaheen Moses ayaa daafac ka ciyaari doona, balse waxa u horu mariyey qaabciyaareedkiisa waxaana uu cadeeyay in dad badan ay ku khaldanaayeen ra’yigooda run ahaantiina wuu jeclaaday booskiisan cusub ”

Victor Moses ayaa haatan qaab ciyaareedkissi ugu fiicnaa abid la qaadanaya kooxda Chelsea kaddib markii uu 2012 kaga soo biiray dhanka kooxda Wigan sidoo kale uu amaaho kusoo qaatay kooxaha Liverool Stoke iyo Westham saddexdii sano ee ugu danbeeyay.