Arsenal iyo Man United oo tartan xoogan u gali doona soo xero galinta Draxler

0
424

Arsenal iyo Man United oo tartan xoogan u gali doona soo xero galinta Draxler

Kooxaha Arsenal iyo Man Unted ayaa tartan xoogan u gali doona sidii ay u soo xero galin lahaayeen laacibka qadka dhexe ee kooda Schalke 04 Jullian Draxler.

Xidigaan kooxda Shalke 04 ayaa horey waxaa u daba taagnaa o xiiseyneysa kooxda Juventus balse waa ku guuleysan waase iney gacanta ku dhigto waxaase hada si xoogan u raadinayo kooxaha Premier League.

Arsenal iyo Man United aya saxeexa Julian Draxler ku tartami doona iyagoo labadaan naadiay xooga saari doonaan sidii ay u heli lahaayen laacibkan tayada fiican ee reer Germany.

Kooxda Man United ayaa ku guuldareysatay inay hesho Pedro waxayna badalkisa u aragtaa in Julian Draxler uu wax weyn garoonka Old Trafford kusoo kordhin karo.
Arsene Wenger ayaa isna mudo daba socday laacibkaan wuxuuna raadinaayay inuu gacanta ku oo dhigo balse waa heli waayay hada ayuuse mar kale xiiso u qabaa.
Kooxda Schalke 04 ayaa xidigaan ku dooneysa aduun lacageed oo gaaraya 35-milyan oo euro kooxdi miiska soo saarto ayaana ku guuleysan karto saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here