Tababare Mihajlovic oo sheegay in Milan aysan aheyn sidii loo baahnaa

0
359

Tababare Mihajlovic oo sheegay in Milan aysan aheyn sidii loo baahnaa
Tababaraha kooxda AC Milan Sinisa Mihajlovic ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa aysan aheyn sidii loogu talagalay oo wali aysan awood buuxda heynin.

Mihajlovic aya sheegay inuu dareemayo Milan in laga badiyay xili ay 2-1 ugu adkaadeen kooxda Empoli, wuxuuna taas dareemayo iney tahay in kooxda aysan wali sidii uu rabay aysan noqonin.

Milan ayaa si dirqi ah kaga adkaatay kooxdaEmpoli gool qeybta labaad uu dhaliyay Luiz Adriano ayey ku gaartay guul AC Milan iyadoo marki hore Carlos Bacca hogaanka u dhiibay laakiin waxaa ka bar bareeyay Riccardo Saponara si dhib badan ayeyna ku adkaatay Milan.
“waxaan dareemayaa in leyga badiyay,ma dhihi karo waan faraxsanahay waayo guul dhib bdn maaha guul”
“wali wax iskama badalin Milan xagaagii hore oo kale,Milan uma aysan qalmin guushaan ayuu yiri Sinisa Mihajlovic.
Mihajlovic ayaa sheegay inuusan arkin xalay wax fiican kaliyana uu u mahadcelinayo dhaliyaashiisa Bacca iyo Adriano isagoo intaas ku daray loo baahan in wax badan laga badalo qaabka ay ku socoto kooxdiisa Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here