Valencia oo si rasmi ah ula wareegtay daafaci diirada u saarnaa kooxda Chelsea Abdenour

0
523

Valencia oo si rasmi ah ula wareegtay daafaci diirada u saarnaa kooxda Chelsea Abdenour

Kooxda Valencia ayaa si lama filaan ah ugu guuleysatay ineey heshiis la gaarto daafaca kooxda Monaco ee Aymen Abdennoour oo kooxda Chelsea bartilmaameed u ahaa.

Abdenour ayaa heshiis shan sano ah la gaaray kooxda Valencia waxaana laacibkan daafaca ku fiican lagu soo qaatay aduun lacageed oo gaaraya 30 milyan iyadoo laga dul qaaday kooxda Blues.
Daacafaan heerka caalami ee Tunisia ayaa sheegay inu ku faraxsan yahay inuu ku biiro kooxda Valencia isagoo tilmaamay inuu ku doortay kooxdaan iney tahay koox weyn oo magac leh.

“Waxaan ka doortay Valencia waa koox ku weyn Spain iyo Yurub, shakina iigama jirin
“Waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo kooxdaan oo kale sababtoo ah koox weyn oo guulo badan gaartay waana waxaan ku doortay”
Chelsea ayaa xidigaan diirada u saarnaa balse balse waxaa ku dhacday niyad jab maadaama laga dulqaaday daafaci ay bartilmaamesanysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here