Arsene Wenger oo xaqiijiyay dhaawaca Francis Coquelin

0
353

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay dhaawaca Francis Coquelin ka soo gaaray kulankii ay xalay Arsenal bar-baraha dirqiga ah la gashay AFC Bournemouth.

Goor dhow uun ayay ahayd markii uu Coquelin ka soo laabtay dhaawaca waxaa misane xalay gaaray dhaawac muruqa ah iyadoo la badelay qeybtii hore ee ciyaarta.

Coquelin wuxuu qabaa dhibaato muruqa ah,” Tababare Wenger ayaa sidaa yiri.

“Waa inaan sugnaa 48-sacadood oo Scan ah iyo natiijada ka soo baxda.

“Laakiin badanaa akhbaar fiican ma noqoto marka uu fariisto uuna garoonka ka soo boxo.”.