Ashley Cole Oo U Jawaabay Cristiano Ronaldo Ka Dib Markii Uu Ku Tilmaamay Daaficii Ugu Adkaa Ee Uu Wajahay.

0
351

waaxa qaory yaasir br

Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu siiyay majalada Coach Magazine waxa uu kaga hadlay in Ashley Cole uu ahaa xiddigii ugu adkaa ee uu wajahay waayihiisa ciyaareed, waxaana daaficii hore ee Chelsea ee haatan jawaab ka bixiyay hadalka Ronaldo.

“Mudadii sannadaha aheyd waxaan dagaalo waa weyn la galay Ashley Cole, kuma siinayo ilbiriqsi aad ku neefsato. Waxa uu ahaa ciyaaryahan orod badan, adag, taakaladana ku fiican markii uu ku jiray waqtigiisii uu ugu fiicnaa.” ayuu yiri Ronaldo.

“Waad iska ogeyd inaysan ciyaar sahlan kuu noqoneynin [marka aad isaga ka hortimaado]” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Haatan Ashley Cole oo u ciyaara kooxda LA Galaxy ayaa jawaab ka bixiyay hadalka Ronaldo, isagoo Twitter ku soo qoray:

“Cristiano waad mahadsan tahay saaxiibkeey, waan ku riyaaqay dagaaladeenii, waxaan ka dhigeynaa inay barbaro aheyd.”