Owen Oo Ka Sheegayay Qaabkii Loogu Sheegay In Uu Ku Guulaystay Abaal Marinta Ballon d’Or-ka Ee Sanadkii 2001kii Iyo Sheeko Dhex Martay Isaga Macalinkiisii Liverpool Ee Gérard Houllier

0
942

Xidigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa shaaca ka qaaday in ka hor kulankii Champions Leaque-ga ee Liverpool iyo Roma ee sanadkii 2001 kii uu ogaaday in loogu codeeyay xidigii aduunka ugu fiicnaa ee ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka oo ay markaas bixin jirtay France Football oo sanadkan dib u bilawday in ka baxdo heshiiskii ay FIFA kula jirtay.Michael Owen ayaa ka shaaciyay sheeko dhex martay isaga iyo tababarihiisii Liverpool ee  Gérard Houllier ka hor intii aan si rasmi ah loo shaacin xidiga ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Orka ee sanadkii 2001 kii. Owen ayaa sheegay in magaalada caasimada Talayaaniga ee Rome ay marti ugu ahaayeen kooxda AS Roma kulan ka tirsanaa Champions Leaque-ga balse markii ay isku lulaynta u baxeen looga yeedhay qolka badalka isla markaana war cusub loo sheegay.Gérard Houllier ayaa telefoon ka soo wacay Owen iyada oo macalinkii Liverpool uu maray qaliin wadnaha ah isla markaana uu kooxda daawayn kaga maqnaa, wuxuuna xidiga kooxdiisa ku wargaliyay in loo doortay xidiga aduunka ugu fiican balse uu balan qaado in aanu dadka kale u sheegin. Kulankan ayaa la ciyaaray December 5,2001 kii.Michael Owen ayaa yidhi: “Waan xusuustaa in duruuftu ay sida caadiga ah ka baxsanayd, sababtoo ah Gérard Houllier waxaa haysatay dhibaato caafimaad. Bishii October waxa uu maray qaliin wadnaha ah wuuna ka soo kabsanayay, maqnaanshihiisa waxaa kulankii Roma kooxda la wareegay caawiyihiisii Phil Thompson, waxaananu joognay Italy”.Haddaba maxaa dhacay? Owen ayaa sii sharaxaya: “Hal saac ka hor waqtigii ay ciyaartu bilaami lahayd, Phil ayaa aniga ii sheegay in aan tago qalka badalka, sababtoo ah tababaraha ayaa aniga ila hadlayay.Aniga waxay iila muuqatay wax lala yaabo, sababtoo ah kaliya waxay ahayd in aan garoonka ugu baxo iskululaynta” Sidan ayuu Owen u sheegay France Football ka hor inta aan lagu dhawaaqin guulaystaha Ballon d’Orka sanadkan 2016.Markii uu Owen soo galay qolka badalka siday wax u dhaceen? Owen ayaa sheegay in macalinkiisii Gérard Houllier uu khadka ku jiray wuxuuna u sheegay: ” Michael waxaa waajib igu ah in aan wax kuu sheego taas oo laga yaabee sabab kuugu noqon karta in aad bandhig fiican samayso caawa, laakiin waxaan kuu sheegi karaa iyada oo hal shuruud ku xidhan tahay, waxaa waajib ah in aad iga balan qaado in aanad qof kale u sheegayn!. Waxaa laguugu codeeyay xidiga Yurub ugu fiican, waxaad tahay ku guulaystaha cusub ee Ballon d’Or . Hambalyo”.Laakiin laga yaabee in maskaxda Owen ay meel kale joogtay habeenkaas waxayna Liverpool barbaro gool la’aan ah la soo gashay Roma iyada oo Micheal Owen abaal marinta Ballon d’Orka la gudoonsiiyay December 18,2001 kii.