Askariga iyo Shacabka Somaliland

0
450
????????????????????????????????????

Askariga iyo Shacabka Somaliland

Wakhtigii Halgankii Dadku waxa ay ugu Jeclaayeen ninka amma Qofka Qoriga Sita,Dadka oo dhan Ayaa Mujaahidiin ugu Yeedhay Kuwii Naftooda u soo Hurey kuna biimeeyey Dagaalkii iyo Holacii Baxaayey.Inta ay Dalka uun inoo Qabanayeen Ayaad mooddey in aynu taageersaneyn,Dadkeenii 25 Sanno ka hor Askari wax inaga difaaca amma xoreeya aadka u Jeclaa amma ku tiirsanaa 25 sanno ka dib waxyaabaha la nacey amma saska iyo cabsida laga qaadey waxa ugu horreeya Ciiddamada iyo askarta.

Meelo badan iyo gobolo badan Askarta ayaa laga xun yahay Joogooda,Shacabka somaliland intooda badana waxa ka muuqata in aaney wax garasho ah iyo Aqoon ama abaal ah intaba u heynin Askarigooda.Shacabkeenu wuxuu Jecel yahay in wuxuu doono uu sameeyo,wuxuu doono uu Kharibo,ka hadlo,Wixii waxyeello ah ee u geysan karana uu ku dhaqaaqo hase ahaate aan askar la dul dhigin ama loo dalbanin.

Meelo badan weli is-fahanka bulshadda iyo askariga ayaa ka maqan,Askarigu in uu yahay dirane bulshadiisa ah oo ammaankooda sugaaya cadowna aan ku aheyn Dadkiisa isla markaasina illaalinaaya guud ahaan Sharciyada iyo qawaaniinta askarinimada iyo ciidan ayey tahay in uu fahmo Midka dharka askarta loo xidhey.Bulshadduna waa in ay garataa in Askarigani yahay midka ay ku jiifaan inta illaahey ka sokeysa,Midka isaga oo aan waxba qaadanin, dhiiggiisa u diyaariyey nolosha iyo farxadda kuwo kale.
Marar badan waxa aynu aragnaa dadyow askarta kala hor-tagaaya waxyaabo aan fiicneyn sida shiid,dagaal,xabaddo iwm.Askartu maaha cadow ku soo duuley dadka iyo dalka waa Askartii dalka.Xaaladda shacabku faraha kuma heyn karo,wixii meel ka dhaca si aaney intaasi u sii dhaafin amma waxyeello kale ayna dadka u dhex-marin waa in ay askartu soo gaadhaa,haddiise marka qof idin kala bad-baadinaaya la idin dhex-dhigo aad tidhaahdo askart ayaa naloo dalbadey waa adiga oo jecel in dadku ay dhiiggooda baneystaan.

In badan oo wax ma garato ah ayaa meelo looga maarmi waayey askar marka la geeyo amma ay ammaanka sugaan ku qeylisa askar ayaa na la dul-dhigey amma ciiddan ayaa la dalbadey kuwaasi oo kala dilaaya aaminaadii bulshada iyo ciidanka dhex-tiiley,dadkeena askarta neceb ee jecel in meel kasta dadku waxa ay doonaan ay ka sameeyaanaa,suurtogal noqon meyso in jaahiliin iyo da,yar la soo khaldey loo daayo in ay khal-khaliyaan nabad-gelyada shacabku heysto.

Wax badan oo in laga doodda ahi ha Jiraan hase ahaate in Weli shacabka intiisa badani nabadana rabo askarigana neceb yahay isma Qabaneyso.askarigu waa amar qaate ku amran wixii la faro ha u arkin Madax-weynihii dalka heystey.

Adduunyada ciidamaddu gobollo xeelad dagaal ah iyo meelo badan ayey dhulkooda ka degan yihin,kuwa leh maa gobollada bariga ciiddanka laga soo qaaddo ha ogaadaan in ciiddankaasi yahay mid jooga dhulkoodii oo u sugaaya nabadd-gelyada ugu danbeyse ee ilaa dacalka galbeedka dalka.

Ciiddanka haddii magaalada lagu soo dhex-daadiyo,haddii ciiddan tababar sare qaba la dalbado,haddii waddooyinka la keeno iwm ahba ciiddanku waajib Ayuu gudanayaa maaha midd u soo baxey in ay dadkooda dhibaan.Qormadeydani Keliya waxa ay daaran tahay siddii loo fahmi lahaa is-fahanka bulshadda iyo askariga ka dhaxeeya,ma wanaag ayaa dhex-yaalla mise cadaawo ayey isku qabaan.

Abdifataah M.Ahmed
Gambiile10@gmail.com